UNSOM Banner UN WebsiteUNSOMUnited Nations Assistance Mission in Somalia
Home Site Map Contact Us 21:23:03, Friday, 31 Oct 2014
 Article Details

Featured Articles

UN Representative for Somalia welcomes agreement on new Interim South West Administration in Baidoa

Mogadishu, 23 June 2014 – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, welcomed the agreement today to establish a new interim regional administration in south west Somalia.

Under the leadership of the Federal Government, supporters of two different state formation processes met in Mogadishu and agreed to establish a new Interim South West Administration, including the regions of Bay, Bakool and Lower Shabelle.
 
“I welcome the agreement to establish a new Interim South West Administration in accordance with Somalia’s Provisional Constitution. I congratulate all parties for their commitment to finding a solution through peaceful dialogue and patient negotiation. I urge all parties to continue to work closely with the Federal Government and ensure an inclusive administration is established swiftly. The Federal Government will also need to continue to consult community elders and local stakeholders to ensure that residual issues are addressed in an inclusive and conciliatory manner.       

“Today’s agreement is a significant step forward in Somalia’s progress towards federalism. I congratulate all parties on the agreement and look forward to working with the new administration within the context of the New Deal Somalia Compact. It will also clear the way for improved security and a more effective campaign against Al Shabaab. As an observer of today’s agreement, the United Nations is committed to supporting the Federal Government’s peace-building and state-building efforts.” Mr Kay said.



Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay heshiiska Maamulka cusub ee Ku Meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo

 

Muqdisho, 23 June 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska maanta la gaaray ee ah in maamul goboleed cusub oo ku meelgaar ah laga dhiso koonfur galbeed Soomaaliya.

 

Iyadoo ah garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, taageerayaasha laba maamul oo kala duwan ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho waxayna isku afgarteen inay sameystaan maamul cusub oo ah Maamulka Ku Meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

 

“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiska lagu dhisayo maamul cusub oo ah Maamulka Ku Meelgaarrka ee Koonfur Galbeed iyadoo la raacayo Dastuurka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya. Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan dhinacyada heshiiskan wadagalay sida ay uga go’antahay inay helaan xal iyadoo loo marayo wadahadal nabad ah iyo wadaxaajood dulqaad leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka ayna xaqiijiyaan in si degdeg ah loo dhiso maamul loo wada dhanyahay. Dowladda Federaalka waa inay sidoo kale sii waddo wadatashiga ay la leedahay odayaasha bulshada iyo dadka degaanka ee ay arrintu khuseyso si loo xaqiijiyo in arrimaha weli harsan wax laga qabto loona qabto si loo wada dhanyahay oo dibuheshiisiin ah.

 

“Heshiiska Maanta waa tallaabi muhim ah ee hore loo qaaday horumarka Soomaaliya ay ku gaarayso nidaamka federaalka.  Waxaan dhammaan dhinacyada ugu hambalyaynayaa heshiiska waxaana ku hanweynahay inaan la shaqeeyo maamulka cusub iyadoo la raacayo Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu sidoo kale waddada u furi doonaa amaanka oo hagaaga iyo olole dagaal oo waxtar leh oo ka dhan ah Al-Shabaab.  Qaramad Midoobay, oo goobjoog ka ahayd heshiiskii manta, waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada nabadaynta iyo maamul dhisidda ay waddo Dowladda Federaalka,”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

 

Article List << Previous Article     Next Article >>
Print