UNSOM Banner UN WebsiteUNSOMUnited Nations Assistance Mission in Somalia
Home Site Map Contact Us 18:02:10, Saturday, 20 Dec 2014
 Article Details

Featured Articles

UN Special Representative for Somalia condemns murder of Somali MP

Mogadishu, 3 July 2014 – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, condemned the murder of Mohamed Mohamud ‘Hayd’, a Member of the Somali Federal Parliament, killed in Mogadishu today and expressed his deep concern regarding recent attacks in the city claimed by Al-Shabaab since the start of the holy month of Ramadan.

Mr Mohamud and a security officer were shot and killed as they travelled in a vehicle in Mogadishu this morning. A parliamentary official accompanying them was also injured and a second MP escaped unharmed.

“I am appalled to learn of the murder of Mohamed Mohamud ‘Hayd’ and condemn his brutal murder in the strongest terms. Ramadan is a time for peace and reconciliation; to commit such callous crimes during the holy month demonstrates how little regard the perpetrators have for the Somali people,” SRSG Kay said.

“I call on the authorities to make every effort to bring the perpetrators to justice as quickly as possible. We remain resolute in our support for the Somali people and their representatives as they work to realise their hope for a peaceful and stable future.” he added. 

SRSG Kay offers his sincere condolences to the family and friends of Mr Mohamud and the security officer, as well as to the Federal Parliament of Somalia, and wishes a quick recovery for those injured. 

**********************

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay dilka Mudanaha Baarlaamanka 


Muqdisho, 3-da July 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilka loo geystay Maxamed Maxamuud Xayd oo ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kaas oo lagu dilay Muqdisho maanta. Sidoo kale Ergeygu wuxuu dareen ka muujiyay weerarada ka socdo caasimada oo ay sheeganeyso Alshabaab, weeraradas oo bilowday bishan barakeysan ee Ramadaan. 
Mudane Maxamuud iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa la dilay ayaga oo gaari ku socday magaalada Muqdisho saakay. Sarkaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo gaariga kula jiray ayaa la dhaawacay, xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo isna la socday ayaa ka badbaaday.

“Waxaan ka naxay geerida ku timid Maxamed Maxamuud Xayd. Si xoogan ayaan u cambaareynayaa dilkaas. Bisha soon waa bil nabadeed iyo dib u heshiisiineed (sidaas darteed) in la geysto dilkaan naxariis darrada ah bishaan barakeysan gudeheeda waxay ku tuseeysaa naxariis darrada ay dambiilayaashu u hayaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta in ay sameeyaan dadaal kasta oo suurto gal ah si dambiilayaasha loo hor keeno cadaaladda horteeda sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxaa naga go’an taageerada aan u hayno dadka Soomaaliyeed iyo wakiiladooda kuwaas oo ku howlan sidii lagu xaqiijin lahaa mustaqbal nabad iyo xasilooni ku dheehantahay” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. 

Ergeyga Gaarka ah ayaa tacsi kal iyo laab ah u diray qooyskii iyo asaxaabtii uu ka geeryooday Mudane Maxamuud iyo sarkaalkii ciidanka ahaa. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay intii dhaawacantay in dhakhso u bogsoodaan.
Article List << Previous Article     Next Article >>
Print