UNSOM Banner UN WebsiteUNSOMUnited Nations Assistance Mission in Somalia
Home Site Map Contact Us 05:37:12, Thursday, 26 May 2016
 Article Details

Featured Articles

UN Special Representative for Somalia condemns Mogadishu bomb attacks

Mogadishu, 16 October 2014 – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, condemned last night’s bomb attack outside a popular restaurant in Mogadishu resulting in the death and injury of many people. 

“I strongly condemn last night’s cowardly terrorist attack. I am appalled by the complete disregard for the lives of ordinary Somalis, including children and passers-by. Such crimes violate the most basic principles of humanity. The perpetrators need to be brought to justice swiftly.” SRSG Kay said.

“The United Nations remains determined in our support for the Somali people as they work to realise their hope for a peaceful and stable future.” he added.

SRSG Kay extends his sincere condolences to the families and friends of all those who have suffered as a result of last night’s attacks.


Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarada Qaraxyada ah ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, 16 October 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii Bambaano ee xalay kadhacay banaanka maqaayad caan ah oo ku taal Muqdisho taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada iyo argagaxisnimada lahaa ee xalay. Waxaan ka naxay sida aan gabi ahaanba loogu turin nafta dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah, oo ay ku jiraan caruur iyo dad jidka marayay. Dambiyada noocaan oo kale ah waxay xadgudub ku yihiin mabaadiida as-aasiga ah ee bini-aadanimada. Waa in si degdeg ah cadaalada lagu horkeeno kuwii ka dambeeyay falkaas.”  Ayuu yiri SRSG Kay.

“Qaramada Midoobay waxay sii xoojineysaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

SRSG Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dhamaan dadkii dhibku kasoo gaaray weerarkii xalay.


Dhamaaad.


Article List << Previous Article     Next Article >>
Print