UNSOM Banner UN WebsiteUNSOMUnited Nations Assistance Mission in Somalia
Home Site Map Contact Us 21:17:21, Monday, 30 May 2016
 Article Details

Featured Articles

UN Envoy Kay welcomes Somalia’s adoption of the UN Convention on the Rights of the Child

Mogadishu, 20 January 2015 – The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG), Nicholas Kay, welcomed Somalia becoming party to the UN Convention on the Rights of the Child (CRC) at a ceremony led by the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, at a local School in Mogadishu. Hundreds of schoolchildren witnessed the ceremony. The Convention sets out the measures states need to take to protect and promote the civil, political, economic, social and cultural rights of all children.

“I welcome the ratification of the Convention on the Rights of the Child by Somalia. This is an important step forward in the protection and promotion of the rights of all children in Somalia,” said SRSG Kay. 

“As the nation recovers from decades of conflict, the Federal Government and its international partners have a duty to protect and serve Somalia’s most vulnerable communities,” said SRSG Kay. “I hope Somalia will now also begin the process of becoming party to the Optional Protocols to the Convention on the Rights of the Child. The United Nations stands ready to support the Somali authorities in that regard.”

 

  

Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)



Ergeyga QM Nicholas Kay oo soo dhoweeyay Soomaaliya ku biirtay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta


Muqdisho, 20 Janaayo 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta  (CRC) taasoo ka dhacday xaflad uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu qabtay dugsi ku yaalla magaalada Muqdisho. Heshiisku wuxuu gundhig u yahay tallaabooyinka ay dowladuhu u baahanyihiin inay qaadaan si ay u ilaaliyaan una horumariyaan xuquuqda madani, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqaale, kuwa bulsho iyo kuwa dhaqan ee carruurta dhammaantooda.

 

“Waxaan soo dhoweynayaa ansaxinta ay Soomaaliya ansaxisay Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Tani waa tallaabo muhim ah oo horey loo qaaday si loo ilaaliyo loona horumariyo xuquuqda ay leeyihiin dhammaan carruurta Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

 

“Maadaama uu dalku ka soo kabanayo labaatameeyo sanno oo colaad ah, Dowladda Federaalka iyo saaxiibada ay ku leedahay caalamkaba waajib baa ka saaran inay ilaaliyaan una adeegaan kuwa ugu nugul ee bulshada Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya ay hadda sidoo kale billaabi doonto geeddi-socodka ay xubin kaga noqon lahayd Borotakoollada aan Qasabka ahayn ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Qaramada Midoobay waxay diyaar la tahay inay hay’adaha iyo madaxda Soomaaliya ku taageerto arrintaas.”

 

Dhamaad.

 

Article List << Previous Article     Next Article >>
Print