UNSOM Banner UN WebsiteUNSOMUnited Nations Assistance Mission in Somalia
Home Site Map Contact Us 12:01:34, Wednesday, 29 Jun 2016
 Article Details

Featured Articles

SRSG Keating deplores use of child soldiers by al-Shabaab

Mogadishu, 24 March 2016 – The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia Michael Keating has strongly deplored the high number of children among the al-Shabaab militants captured by Puntland security forces during the recent fighting in that part of Somalia.

At least 16 minors, most of them boys, have appeared in news media accounts about al-Shabaab fighters who were taken prisoner, and the number of child soldiers in the custody of Puntland authorities may be higher. They are among dozens of extremists who were captured in coastal areas of Puntland and have been subsequently moved to the state capital of Garowe.

 

The United Nations has entered into constructive discussions with Puntland authorities about making the necessary arrangements for ensuring proper treatment of these children in accordance with international human rights and humanitarian law. Positive actions taken in this regard will demonstrate the authorities’ commitment to the obligations assumed by Somalia when it ratified the Convention on the Rights of the Child in January 2015.

 

“The blatant deployment of children by al-Shabaab extremists is an outrage that warrants special condemnation,” said SRSG Keating. “These children need support, and it is imperative that all feasible steps be taken to rehabilitate them and eventually reunite them with their families.”

 

 


Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo cambaareeyay askaraynta caruurta ay adeegsato al-Shabaab


Muqdisho, 24 Maarso 2016 –
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si kulul u cambaareeyay tirada badan ee caruurta ah ee kamid ahaa dagaalyahannada al-Shabaab, kuwaa oo ay soo qabteen xoogagga amniga ee Puntland intii uu socday dagaalki dhowaan ka dhacay qaybtaas ka tirsan Soomaaliya.  

 

Ugu yaraan 16 aan qaan-gaar ahayn, una badnaa wiilal, ayaa kasoo muuqday wararki ay tebiyeen warbaahinta ee ku saabsanaa dagaallamayaashi al-Shabaab ee la qabtay, waxaase dhici karta in tirada caruurta la askareeyay ee ku jirta xabsiyada maamulka Puntland ay intaas ka badanyihiin. Waxay kamid ahaayeen tobaneeyo xagjiriin ah oo lagasoo qabtay dhul xeebeedka Puntland, kuwaa oo markii dambe loo gudbiyay caasimadda dowladda ee Garowe.

 

Qaramada Midoobay waxay wadahadallo la furtay maamulka Puntland, wadahadalladaas oo ku saabsan sidi loo qabanqaabin lahaa la-dhaqan habboon oo loola dhaqmo caruurtaas si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka. Tallaabooyin sax ah oo loo qaado dhanka arrimahaan ayaa waxay muujin doonaan sida ay maamulka uga go’antahay (kasoo dhalaalidda) ballamihii Soomaaliya ay qaaday marki ay ansixisay Heshiiska Xuquuqda Caruurta bishi Janaayo ee sanadki 2015.

 

“Daabulidda aan geed loogusoo gamban ee xagjiriinta al-Shabaab usoo daabuleen caruurta waa wax laga caroodo oo mudan cambaarayn gaar ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Caruurtaan waxay u baahanyihiin taageero, waana lagama maarmaan in la qaado tallaab kasta oo loogu samaynayo dhaqan-celin si ay marka ugu dambaysa ula midoobaan qooysaskoodi.”

 

# # #

Article List << Previous Article     Next Article >>
Print