Booqashadii Saddexaad ee ay ku tagto Soomaaliya ayaa khabiirka madaxa banaan waxaa ay uga hadleysaa waxyaabihii ay soo ogaatey waxaana ay ku baaqeysaa in la sii wado gargaatka caalamiga ah

9 May 2024

Booqashadii Saddexaad ee ay ku tagto Soomaaliya ayaa khabiirka madaxa banaan waxaa ay uga hadleysaa waxyaabihii ay soo ogaatey waxaana ay ku baaqeysaa in la sii wado gargaatka caalamiga ah

Muqdisho Iyada oo soo gabogabeyneysa booqashadii saddexaad ee ay ku tagto dalkan ku yaalla Geeska Afrika, ayaa Khabiirka Madaxa Bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya waxaa ay ka hadashey qaar ka mid ah waxyaabihii ay ku soo ogaatey booqashadeeda waxaana ay beesha caalamka ugu baaqdey in ay sii waddo gargaarka ay siiso Soomaaliya.

“Intii ay socdeen kulamadii aan la yeelanayey mas'uuliyiinta, waxaan kala hadley horumarka ay Dowladda gaartey tan iyo booqashadeyda ugu dambeysay ee bishii Nofembar 2023 iyo caqabadaha laga la kulmey horumarinta kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ee Soomaaliya,” ayaa ay tiri Khabiirka Madaxa Bannaan, Isha Dyfan. 

Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqdey in ay sii waddo gargaarka ay siiso Soomaaliya ee lagu “xoojinayo hay’adaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada, iyo waaxda caddaaladda iyo garsoorka,” oo “wax looga qabanayo raadka xun ee uu is-beddelka cimiladu ku leeyahay dadka, gaar ahaan in la hubiyo helidda adeegyada bulshada sida helidda biyaha, bixinta adeegga caafimaadka iyo mid waxbarasho ay wada helaan dhammaan carruurta.”

Ms. Dyfan ayaa saxaafadda kula hadleysey shir-jaraa’id oo ay ku qabatey caasimadda Soomaaliya gebogebadii booqashadeedii ugu dambeysey ee ay ku tagtey Soomaaliya. Waxaa ay sidoo kale ku soo qaaddey waxyaabo hordhac ah ka hor inta aaney warbixinteeda dhammeystiran u soo jeedin Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey iyo Golaha Loo Dhan Yahay goor dambe oo ka mid ah sanadkan. 

Waxaa ay horey u timid Soomaaliya bishii Nofembar ee sanadkii la soo dhaafey.

Booqashadeedan ugu dambeysey ayaa waxaa ay shan maalmood ku qaadatey Muqdisho, halkaas oo kulamo badan oo kala duwan ay kula qaadatey wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, bulshada rayidka ah, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo hay’ado, sanduuqyo iyo barnaamijyo kala duwan oo kuwa Qaramada Midoobey ah.

Dadaallada dowladda

Mowduucyadii la iskula soo qaadey kulamadii Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ka mid ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka ee dalka, sharci-dejinta iyo hay’adaha, ilaalinta dadka rayidka ah iyada oo ay socoto dhimista ciidamada ATMIS iyo sidoo kale xadgudubyada xuquuqaha haweenka iyo carruurta. xaaladda bani’aadamnimo, dhaqaale iyo bulsho iyo sidoo klae horumarka laga gaarey cabbiraadaha iyo tilmaamayaasha muhiimka ah ee ku jirey warbixinnadeedii hore ayaa sidoo kale laga munaaqashoodey.

“Dadaallada ay Dowladdu sameysay, ayaa waxaan ku ammaanay sida guusha leh ee xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka ugu codeeyeen wax-ka-beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,’ ayaa ay tiri Ms. Dyfan.

“Si kastaba ha ahaatee,” hadalkeeda ayaa ay sii wadatey, “waxaan walaacyo ka muujiyay is-faham la'aanta xoogagga siyaasadeed ee ku saabsan isbeddelada. Waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqayaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan wadahadal lagu gaarayo is-faham si loo ilaaliyo horumarinnadan wanaagsan ee ku aaddan sii wanaajinta kor-u-qaadista dimuqraadiyadda, talinta sharciga iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya.”

Amniga

Faalladii ay ka bixisey xaaladda amniga ee dalka, Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay tiri Soomaaliya waxaa weli haysta dhibaatooyin culus – gaar ahaan, dadka rayidka ah, siiba haweenka iyo carruurta, ayaa ah kuwa weli uu dhibka ugu badan ka soo gaarayo weerarrada ay qaaddo kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. 

Waxaa ay sidoo kale xustey in hawlgallada mileteri ee ay wadajirka u fuliyaan ciidamada amniga Soomaaliya iyo maliishiyaadka qabaa’ilka degaanka ay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha. 

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada joogtada ah ee khasaaraha badan ka dhasha ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana Dowladda ugu baaqayaa in ay qaado tallaabooyin kasta oo lagu xaqiijinayo ilaalinta dadka rayidka, iyo in kooxaha hubeysani ay u hoggaansamaan waajibaadka saaran ee waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo xuquuqul insaanka,” ayaa ay tiri. “Waxaa sidoo kale muhiim ah in ay Dawladdu qaado tallaabooyin la taaban karo oo dacwo loogu soo oogayo mas'uuliyiinta Dawladda ee ku lugta leh xad-gudubyada xuquuqul insaanka, iyadoo xaqiijinaysa in kuwa ka mas’uulka ah lala xisaabtamayo iyo in dhibbanayaasha xad-gudubyadaasi la siiyo magdhow ku filan.”

Arrinta la xiriirta dhimista ciidamada ATMIS ee hada socota ee ka hor inta aaney ciidamada amniga Soomaaliya si buuxda ula wareegin mas’uuliyadda amniga dalka, Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay xustey, in wixii loo soo gaarey 30kii Abriil 2024, labada weji ee ugu horreeyey ee dhimista ciidamada la dhammeystirey iyada oo ay dalka ka baxeen 3000 askari oo lana wareejiyey toddoba ka mid ah saldhigyada furimaha hore. Qaababka wejiga saddexaad ee la qorsheeyey in la dhammeystiro bisha Juunyo 2024 oo dalka lagaga saarayo 4000 askari ayaa weli laga wada munaaqashoonayaa.

“Marka ay timaaddo xaaladdan, waxaan soo dhoweeyay qabashada Shirka Amniga Soomaaliya ee lagu qabtey Xarunta-Dhexe ee Qaramada Midoobay ee New York bishii Disembar 2023, kaasoo qeexaya mudnaanaha istiraatijiga ah iyo qorshe-hawleedka Dowladda u degsan waaxda amniga lixda sano ee soo socda, oo ay ku jirto baahida taageerada caalamiga ah,” ayaa ay tiri Ms. Dyfan.

Waxaa ay sidoo kale xustey in la soo jeediyey shir lagaga wada hadlayo arrintan oo dhex mara Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Midowga Afrika iyo QM la filayo in uu dhaco bisha Maajo.

Ka-qaybgalka haweenka

Dhinaca ka-qaybaglka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo arrimaha guud ee dalkooda, ayaa Khabiirka Madaxa Banaan waxaa ay xustey heshiis siyaasadeed oo ku saabsan kootada haweenka oo lagu dari doono shuruucda aasaasiga ah ee doorashooyinka. 

“Waxaan Baarlamaanka Federaalka ku tirtirsiinayaa in ay xaqiijiyaan in qodobbo cad iyo hab gaar ah oo lagu ilaalinayo kootada haweenka in qoraalka lagu daro,” ayaa ay tiri Ms. Dyfan. “Waxaan oggaadey in Qorshe Hawleed Qaranka/National Action Plan (NAP) ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga in loo daadejiyey heerarka dowlad-goboleedyada iyo in la dhisey guddi hagaya/maamul si la isugu duwo fulinta iyo helidda maaliyad lagu horumarinayo hirgelinta Qorshe Hawleedka.”

“Waxaa sidoo kale i dhiirrigeliyay,” ayaa ay hadalkeedii sii raacisey, “dhisidda guddi haween, oo ka kooban wakiilo ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, gobolka Benaadir, iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka ah oo loo xilsaarey in ay danaha haweenka ku metelaan Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), oo qayb ka ah hannaanada go'aan-qaadashada qaranka.”

Xuquuqda carruurta

Dhinaca xuquuqda carruurta, Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay xustey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowdey dadaallo muhiim ah oo badan oo lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta marka ay socdaan colaadaha hubeysan. 

Dadaalladan waxaa ka mid ah tallaabooyin looga hortegayo askareynta iyo carruurta oo loo adeegsado askar ahaan, hirgelinta geeddi-socodyo lagu xaqiijiyo da’da, iyo diiwaangelin loo adeegsanayo tilmaamaha jireed ee qofka oo lagu diiwaangelinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si loo hubiyo in loo hoggaansamo sharciga.

“Sida ay sheegeen daneeyayaasha arrimaha bani'aadamnimada iyo ilaalinta, 4 milyan oo carruur ah ayaa waxaa saameeyay xaaladda colaadda iyo sidoo kale saameynta isbeddelka cimilada. Carruurta ayaa u dhigma 60 ilaa 70 % barakacayaasha iyo dadka kale ee nugul,” ayaa ay tiri Ms. Dyfan. “Caqabadaha ugu muhiimsan ee ay wajahayaan bulshooyinka nugul, waxaa ka mid ah guri ka bixin khasab ah iyo saameynta ay ku yeellan karto carruurta iyo sidoo kale in aan dad ku filneyn ka saaridda miinooyinka iyo walxaha qarxa ee meelaha la xoreeyay kuwaas oo khatar-gelinaya nolosha carruurta. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in ay xaddidan tahay gaarista meelaha ay adag tahay in la gaaro si adeegyada loo gaarsiiyo dadka nugul.”

“Waxaan oggaadey,” ayey ku sii dartey, “in horumar yar laga gaarey hirgelinta Qorshe Hawleed Qaranka ee ku saabsan Carruurta waxaanna doonayaa in aan Dowladda Federaalka ugu baaqo in ay qaado tallaabooyin sare loogu qaadayo oo lagu ilaalinayo xuquuqaha carruurta iyo haweenka.”

Xoriyadda saxaafadda

Arrinta xoriyadda saxaafadda, iyada oo tixraacaysey shirkii ay la qaadatey ururrada bulshada rayidka ah, Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay ka bixisey sawir dhiillo leh. 

“Waxaan si aad ah uga xumaaday xayiraadaha joogtada ah ee lagu hayo goobaha madaniga ah, oo ay ku jiraan dhibaataynta, xarigga sharci-darrada ah iyo xiridda suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta oo horseedaya is-xakameyn,” ayaa ay tiri Ms. Dyfan. “In kastoo ay i dhiirrigelisay magacaabista xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ah dadaal lagu doonayo in lagu sii wanaajiyo xaaladda warbaahinta, waxaa sidoo kale i soo gaarey walaacyo lagu muujiyay in hannaanku aanu waafaqsanayn sharciga warbaahinta.”

Ms. Dyfan oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustey in saaxad amaan ah oo loo dhan yahay oo ay dadku isagu imaan karaan ayna si xor ah ugu hadli karaan (civic space) ay aasaasi u tahay dowlad-wanaagga, talinta sharciga, ayna gacan ka geysan karto yareynta iyo ka-hortagga gacan-ka-hadalka.

Khubarada Madax Bannaan

Khubarada Madax Bannaan sida Ms. Dyfan oo kale ayaa qayb ka ah waxa loo yaqaanno the Special Procedures ama Habraacyada Gaarka ah ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM / the UN Human Rights Council

 

Special Procedures (Habraacyada Gaarka ah), oo ah hay’adda ugu weyn ee ay ku kulansan yihiin khubarro madax bannaan oo ka tirsan nidaamka Xuquuqda Aadanaha ee QM, waa magac guud oo ay soo hoos galaan hababka madaxa bannaan ee xaqiiqo-raadinta iyo korjoogteynta ee Golaha oo wax  ka qabta xaalado dal gaar ku ah ama arrimo mowduuci ah oo la halmaala guud ahaan adduunka oo dhan. Khubarrada Special Procedures (Habraacyada Gaarka ah) waxaa ay ku shaqeeyaan mutadawacnimo; ma aha shaqaale QM oo mushaarna kuma qaataan shaqadooda. Waa ay ka madax bannaan yihiin dowlad ama urur waxaana ay ku shaqeeyaan magacooda shakhsiga ah.

(War-saxaafadeedkeeda ka akhriso – halkan)