Macluumaadka geedi-socodka doorashada 2016ka

23 Oct 2016

Macluumaadka geedi-socodka doorashada 2016ka

Macluumaadka halkan ku dheehan waa go’aano lagu gaaray wadatashashiyadii taxanaha ahaa ee sanadkii la soo dhaafay ee ku saabsanaa Hannaanka Doorasho 2016ka iyo kulamadii xigay ee Madasha Hogganka Qaran (MHQ). Go’aanadan waxay ku xusan yihiin Baaqii Muqdisho ee ay MHQ ku soo saartay 16kii Disembar 2015kii iyo war-muriyeedyadii xigay ee ay soo saartay madasha 12kii Abriil, 3dii Luulyo, 25kii Juun iyo 9kii Agoosto ee 2016ka.

 

Maxaa keenay Geedi-socodka Doorasho ee 2016ka?

Sida ku qeexan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddada xil haynta Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxay ku egtahay sanadka 2016ka. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la helo hab dhaqan siyaasadeed oo dib loogu qaabeeyo looguna sharciyeeyo hay'adaha siyaasadeed ee dalka. Maadaama xilligan la joogo aysan suurtagal aheyn inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho guud, geedi-socod doorasho ayaa la diyaariyay si loo fududeeyo baahinta ka qeyb qaadashada siyaasadda, marka la barbardhigo doorashadii 2012kii, iyo hiigsi doorasho guud oo leh halbeeg caalami ah oo dhacda sannadka 2020ka.

Sidee baa loo dhisayaa kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka cusub waxaa lagu soo dhisi doonaa hannaanka awood-qaybsiga beelaha (ama 4.5) kuraastana waxaa loo sii kala qaybiyay dowlad goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismi doona. Markaa kadib, ergo doorasho oo ka kooban 51 xubnood ayaa soo dooran doona kursi walba oo ka mid ah kuraasta 275ta xubnood ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka.

Sidee baa loo soo dhisayaa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Aqalka Sare wuxuu meteli doonaa dowlad goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismi doona. Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa soo magacaabi doona ugu yaraan laba xubnood oo u tartanta kursi walba, markaa kadibna baarlamaanada maamul goboleedyada ayaa u coddeyn doona kursi walba. Baarlamaanada maamul goboleedyada ayaa xubnaha Aqalka Sare soo dooran doona, marka laga reebo Somaliland iyo Banaadir oo yeelan doona hannaan gaar ah.

Goorma ayay doorashada 2016ka dhacaysaa?

Codeynta Aqalka Saree ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay dhacaysaa 25ka bisha Sebteembar 2016ka.

Codeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay dhacaysaa inta u dhexeysa 24ka Sebtembar ilaa iyo 10ka Oktoobar 2016ka.

Xildhibaanada labada Gole waxaa la dhaarinayaa 20ka Oktoobar 2016ka.

Goorma ayaa la dooranayaa Madaxweynaha?

Madaxweynaha waxaa la dooran doonaa 30ka Oktoobar, waxaana dooranaya xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka, sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.

Qof kasta ma codeeyn karaa doorashada 2016ka?

Maya. Hannaanka Doorashada ee 2016ka ma aha doorasho guud oo leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod). Gaar ahaan, kursi kasta oo ka mid kuraasta 275ka ee Golaha Shacabka Barlamaanka waxaa dooranaya ergo doorasho oo ka kooban 51 xubnood oo ay soo xuleen 135 odey dhaqameed ay MHQ ku heshiiyey iyagoo la tashanaya nabadoonadooda. Tirada guud ee ergooyinka wax dooranaya waxay noqonaysaa 14,025.

Sidee baa xubnaha ergooyinka doorasho loo soo magacaabi doonaa?

 Ergooyinka waxaa soo xuli doona Odey Dhaqameedyada oo la tashanaya hogaan dhaqameedyada beelaha iyo jufooyinka (nabadoonada iyo samadoonada) wakiilka ka ah dhammaan beelaha ama jufooyinka kuraastu ka dhexeyso.

Si loo dhiirigeliyo ka qebyqaadasha iyo kaalinta siyaasadda ee haweenka iyo dhalinyada, waxay MHQ ku heshiisay in ergada doorashda ee kursi walba ay ugu yaraan 30% ama 16 xubnood oo haween ah iyo 10 dhalinyaro ah ku jiraan xubnaha ergooyinka doorashada.

Sidee bay musharixiinta ugu tartami doonaan kuraasta?

Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo ka mid ah beelaha ama jufooyinka kuraastu ka dhexeyso, da’diisuna ay tahay ugu yaraan 25 sano, haystana shahaadada dugsiga sare, ama waaya-aragnimo u dhiganta, wuu codsan karaa in musharax ahaan loo diiwaangeliyo. Musharax walba waa in uu bixiyo lacagta musharaxnimada oo ragga laga rabo inay bixinayaan $5000 halka dumarkana laga rabo inay bixiyaan $2500.

Xagee bay doorashadu ka dhaceysaa?

Coddeyntu waxay ka dhacaysaa caasimadaha ama xarumaha dowlad goboleedyada hadda jira ama kuwa dhismaya sida magaalooyinka Cadaado, Baydhabo, Garoowe, iyo Kismaayo, iyo sidoo kale magaalada Mogadishu oo lagu qabanayo coddeynta Somaliland iyo beelaha Banaadiriga. Goobta lagu qabanyo doorashada xubnaha Baarlamaanka u metelaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe wali lama go’aamin.  

Yaa maamuli doona doorashooyinka?

Guddiga Federaalka Hirgalinta Doorashada Dadban (GFHDD) ayaa mas’uul ka ah kormeerka iyo qorsheynta guud ee geedi-socodka doorasho si doorashadu ugu dhacdo si isku mid ah.

Guddigu wuxuu ka kooban yahay 22 xubnood oo xirfad iyo aqoon kala duwan leh. Toban ka mid ah xubnaha GFHDD waxaa soo magacaabay Dowladda Federaalka, halka 12ka kalena ay soo kala magacaabeen dowlad goboleedyada federaalka ah ee hadda jira iyo kuwa samaysmaya, Toddobo (7) ka mid ah 22ka xubnood waa haween (32%).

Waxaa kaloo la dhisay guddiyo lix ah oo la yiraahdo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada  Dadban (GDGHDD) si ay geedi-socodka doorasho uga hirgeliyaan maamul goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismaya. Gobolka Banaadir wuxuu yeelan doonaa GDGHDD. Guddi kasta ee GDGHDD ka mid ah wuxuu ka koobanyahay 11 xubnood, siddeed (8) ka mid ah waxaa soo magacaabay dowlad goboleedyada ka tirsan federaalka, halka saddex (3) xubnoodna ay soo magacawday Dowladda Federaalka.

Muddada shaqo ee guddiyada GFHDD iyo GDGHDD waxay dhamaaneysaa ka dib marka la soo saaro natiijada kama dambeysta ah ee doorashada Barlamaanka ee 2016ka.

Goormay Soomaaliya Doorasho Hal Qof iyo Hal Cod ka dhici doontaa?

Waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.

Sidee buu geedi-socodkan doorasho ee 2016ka uga duwanyahay geedi-socodkii soo xulidda ee 2012kii?

Geedi-socodka doorasho ee sannadkan waxaa lagu soo dooranayaa xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka, halka 2012kii, hal Aqal Baarlamaan oo keliya la soo xulay. Kuraasta baarlamaanka hada jira waxaa lagu qaybiyay nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, laakiin sannadkan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub waxaa loo kala qeybiyay dowlad goboleedyada iyo deegaan goboleedyada. Dad Soomaliyeed oo tiro ahaan boqol jeer ka badan intii ka qayb qaadatay geedi-socodkii 2012kii, ayaa sannadkan ka qaybqaadanaya geedi-socodkan. Sannadkii 2012ka, 135 Odey Dhaqameed ayaa soo xulay xubnaha Baarlamaanka hadda jira, halka sannadkan 2016ka ay ergo doorasho oo tiradoodu gaarayso 14,025 soo dooran doonan xubnaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka.

Afar sanno ka hor, u coddeynta xubnaha Baarlamaanka waxay ka dhacday oo ay ku koobnayd magaalada Muqdisho, laakiin sannadkan, coddeyntu waxay ka dhacaysaa ugu yaraan lix goobood oo ku kala yaalla dalka, ayna ku jirto magaalada Muqdisho. Codbixinta Golaha Shacabka waxay noqon doontaa qarsoodi. Xubnaha ergooyinka doorashada iyo baarlamaanada maamul goboleedyada ayaa awood u yeelan doona inay kala xushaan musharrixiinta kala duwan ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Xubnaha ergooyinka doorashada waxay u coddeyn doonaan musharrixiinta u tartamaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, halka baarlamaanada maamul goboleedyaduna soo dooran doonaan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.