UN Envoy to Somalia condemns Bossaso attack

5 Dec 2013

UN Envoy to Somalia condemns Bossaso attack

Mogadishu – The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Nicholas Kay, has strongly condemned a violent attack on Puntland government forces today.

At approximately 11 am this morning, a suicide car bomber targeted Puntland forces in the port city of Bossaso; reports suggest that several people were killed and dozens injured in the attack.

Puntland is in the midst of an electoral process that should lead to a new parliament this year and presidential elections in January 2014.

“Such cowardly acts will serve no purpose,” SRSG Kay said. “We stand by the people of Puntland as they strive for stability and prosperity.”

He expressed his sincere condolences to those who lost loved ones and wished all those injured in the attack a quick recovery.
 

***************
 
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii Boosaaso


Muqdisho, 5 December 2013 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarkii arxan darrada ahaa ee maanta lagu qaaday ciidanka Dowladda Puntland.

Abaarihii 11 saac barqanimadii, ayaa gaari uu waday qof isa soo miidaamiyay wuxuu weerar ku bartilmaameedsaday ciidamada Puntland ee jeega magaalada xeebta ku taalla ee Boosaaso. Wararka goobta ka soo baxaya waxay sheegayaan in dhowr qof weerarka lagu dilay, tobaneeyo kalena lagu dhaawacay.

Puntland waxay ku hawlantahay geedi socod doorasho oo loo baahanyahay inay keento baarlamaan cusub oo dhasha sannadkan iyo doorasho madaxweyne oo dhici doonta bisha January 2014.

“Falkan fuleynimada ah qofna dani uguma jirto,” ayuu yiri Ergeyga ah Nicholas Kay. “Waxaan garab taaganahay dadka reer Puntland oo halgan ugu jira xasillooni iyo barwaaqo.”

Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray dadka weerarka ku waayay qaraabadooda, wuxuuna kuwa weerarka ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah.