Qaramada Midoobay oo xaqiijisay in qandaraasle gaar ah laga helay cabuuqa COVID-19

4 Apr 2020

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay in qandaraasle gaar ah laga helay cabuuqa COVID-19

WARSAXAAFADEED 06/2020

Muqdisho –  Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta xaqiijsay in qof shaqaale caalami ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ahaan ula shaqeysa Qaramada Midoobay laga helay cudurka cabuuqa coronavirus ee cusub (COVID-19).

Qofka wuxuu shaqaale u yahay shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay oo ka hawlgasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA). Iyadoo la raacayo siyaasadaha u degsan shirkaddan, qofka waa la go'doomiyay saacado ka dib markii uu yimid bartamihii bishii Maarso, wuxuuna weli karantiil ugu jiraa xarumaha shirkadda qandaraaslaha ah ee ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA).

Kiiska cabuuqa coronavirus ayaa waxaa horaaantii maanta u shaacisey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar, iyadoo lagu saleynayo natiijooyinka baaritaanka ay sameysay Qaramada Midoobay.

Shaqaalaha caafimaadka Qaramada Midoobay waxay wadaan xiriirka ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, waxaana socota raadinta/raadraaca xiriirka si loo ogaado qofkasta oo laga yaabo inuu la xidhiidhay shakhsigan ka hor inta aan la karantiilin. 

Bahda Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya kula garab taagan tahay dagaalka ay kula jirto COVID-19, waxayna sii wadeysaa inay ku taageerto dowladeeda iyo dadkeeda iyadoo loo marinayo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo hay'ado kale oo badan oo ka wada shaqeeya la dagaallanka cabuuqa.