“Soomaalida gacmeheeda ayey ku jirtaa... in ay dhibaatada Soomaaliya xal u helaan” – Ergayga QM Michael Keating

13 Sep 2018

“Soomaalida gacmeheeda ayey ku jirtaa... in ay dhibaatada Soomaaliya xal u helaan” – Ergayga QM Michael Keating

Ka hor inta aanu dhamaystirin xilkiisa oo ah madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa xoogaa waqti ku bixiyay inuu dib u eego sannadihii u adeegayay iyo aragtida mustaqbalka uu ka qabo dalka ku yaalla Geeska Afrika

Mudane Keating ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laguna dhawaaqay biishii Nofeembar 2015. Magacaabiddiisa waxay ka dambeysay khibrad ballaaran uu u lahaa taageeridda kala-guurka siyaasadda iyo nabadaynta, iyo sidoo kale hogaaminta barnaamijyo adag ee dhanka bani'aadamnimada iyo dib u soo kabashada ee Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Afrika.

*************

S. In la noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (SRSG) ma aha arrin fudud iska tamashle ah, gaar ahaan jawiga adag sida Soomaaliya. Maxaa kugu soo jiitay shaqadan?

J. Waxay ila tahay inay ahayd fursad aan ku shaqeyn karo waddan lana shaqeeyo dad aan xiriir dheer la lahaa sababtoo ah waqti ayaan ku qaatay Soomaaliya anigoo carruur ah ka dibna dib baan ugu soo noqday xilligii ugu darnaa dagaalkii sokeeye, si kooban, 1992. In la isiiyo fursad uga qaybqaato dib u soo laabashada Soomaaliya waxay ahayd arrin aan la diidi karin – qayb ahaana sababtoo ah waxay ahayd fursad aan u adeegsan karo qaar ka mid ah waayo-aragnimada iyo xirfadaha aan ka helay shaqadayda, dhinaca gargaarka bani’aadanimo iyo xuquuqda aadanaha iyo horumarinta intaba, laakiin sidoo kale siyaasadda – waa arrin mudnaan weyn leh inaan noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud (SRSG). Markii la iweydiiyay haddii aan xiiseyn lahaa inaan codsado shaqada, waan ku soo booday. Runtii aad baana ugu faraxsanahay inaan sidaas sameeyay.

S. Markaa ka dib, badanaa waxaa la yiraahdaa in aragtida guud ee Soomaaliya ay si aad ah uga duwan tahay xaqiiqada Soomaaliya?

J. Sawirka dal laga haysto waxaa qaabeeya waxa ay muwaadiniinta dalkaas sheegaan, iyo sida ay warbaahinta caalamku u sawirto dalka. Soomaaliya waxay leedahay qurba-joog aad u weyn oo ku kala nool dunida dacalladeeda, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, iyo sidoo kale Bariga Dhexe iyo Kenya. Qaar badan oo qurbo-joog ahi waxay dalka ka tageen 90-maadkii, oo ahayd waqtigii ugu xumaa ee dagaalkii sokeeye, oo waxay leeyihiin xusuus aad u badan oo khibradaas. Warka wanaagsan ayaa ah in qaar ka mid ah ay soo laabanayaan, laakiin intooda badani wali dibadda ayay ku nool yihiin - badanaa waxay shaki ka qabaan caqabadaha dalka oo ku salaysan rabshadihii iyo fowdadii ay soo mareen.

Warbaahinta caalamka, sababo muuqda awgood, dhab ahaantii tiro badan kama joogto Soomaaliya. Waxay u muuqdaan inysan awoodin inay halkan yimaadaan, sababtoo ah kharashka iyo caymiska, haddii aysan jirin sheeko weyn oo sheekooyinka waaweyni waxay u muuqdaan inay la xiriiraan gaajada iyo abaaraha ama rabshadaha iyo qaraxyada –Taasoo macnaheedu tahay in haddii wax xun dhacaan dad badan ayaa yimaada, tebiya warbixinada, ka dibna meesha isaga oo aan la arkin, ka dibna haddii aad Soomaaliya ka raadiso google-ka, inta badan warbixinada waxay ku saabsan yihiin waxyaabo gurracan.

Laakiin, run ahaantii, haddaad halkan ku nooshahay – anigu waxaan ku jiraa xarun balse in badan baan socdaa – waxaad arkeysaa xaqiiqo taas ka duwan. Xitaa saddexdii sanno ee aan halkan joogay, waxaa jiray isbedel wanaagsan marka la eego heerka muuqaalka guud, iskaba daa marka la eego heerarka initaa ka qotada dheer. Muqdisho waa mid aad u firfircoon. Waxaa jira dad aad u badan oo jidadka mara. Waxaa jira waxyaabo badan oo socda fiidkii. Waxaa jira dhismooyin badan oo gacanta lagu hayo. Weli way aad bay u burbursantahay marka la barbar dhigo sida ay ahayd 1970-dii iyo 1980-dii markii ay jirtay magaalo qurux badan oo badweyanta saaran – weli ku ma aanan soo laaban marxaladaa, laakiin way isbedashay, sidoo kale meelaha sida Baydhabo ama Kismaayo ama Garoowe.

Anigu ma lihi Soomaaliya weli ma wajayso dhibaatooyin waaweyn oon leh dad badan oo sabool ah iyo kuwo nugul. Laakiin waxaa jira waxyaabo fiican oo socda, aad bayna u adag tahay in la soo tebiyo sheekooyinkaas. Mid ka mid ah kuwa sida aragtideyda ah ay ila tahay inuu yahay mid aad u muhiim ah waa sida aysan abaar u dhicin sannadkii 2017kii, oo in la soo tebiyo wax aan dhicin aad bay uga adagtahay in la soo tebiyo wixii dhacay, laakiin taasi waa sheeko aad u weyn oo guul ah. Sidoo kale, inkastoo ay weli jiraan dhacdooyinkan aadka u waaweyn ee rabshadaha ah – tii ugu xumaydna ay ahayd 14-kii Oktoobar, 2017 – dhab ahaan, marka siyaabo badan lagu qiimeeyo, nabadgelyada dad badan ayaa si tartiib tartiib ah u hagaajinaya, taasina sidoo kale waxaa lagu helay ra'yi ururin dadweyne iyo doodaha kooxaha. 

S. Intaad xilka haysay ee halka ka shaqeynaysay, maxay ahayd dhacdadii ugu weynayd dhinka siyaasadda?

J.  Nabad xil ku wareejintii awoodda madaxweynaha ee bishii Febraayo 2017. Taasi waxay ka dambeysay hanaan doorashooyin baarlamaan, waxay ahayd arrin buuq badnayd – oo adkayd, aan ceeb la’aan ahayn, oo lahayd dhibaatooyin badan oo badan oo la xidhiidha, laakiin waxay keentay natiijo ay xalaal ahaan u arkeen una guddoomeen beesha caalamka iyo ku dhawaad dhammaan Soomaalida. Dabcan, Al-Shabaab ma aysan soo dhoweyn, laakiin qof kastoo kale wuu soo dhoweeyay.

Waxay ahayd arrin sababtay dabbaaldeg weyn. Sida uu Madaxweyne Kenyatta (ee Kenya) yiri, markuu u yimid xafladdi caleema saarka Madaxweyne Farmaajo, Afrika inteeda kale waxay ka masayrtay sida nabadgelyada ah kala-guurka iyo xilwareejinta ka dhacday Soomaaliya, sababtoo ah dalal badan oo kale waxay leeyihiin habab doorasho oo aad u khatar ah.

Dabcan, waxay ahayd mid aad u kooban, qayb ahaan xaaladda amniga awgeed, iyo kaabayaasha doorashada sida diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waxbarashada codbixiyayaasha, sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada siyaasadeed oo aan jirin. Sidaas awgeed, inkasta oo geeddi-socodka doorashadu uu wanaagsanaa, caqabada jirta waa sidii loo diyaarin lahaa hanaanka doorashooyinka sannadka 2020-2021. Taasi waa inay dhacdaa hadda, hawsha aan la dhammeynin waa meelmarita sharciga doorashada, abaabulidda dhaqaalaha laga helo ilaha Soomaaliyeed iyo ilaha beesha caalamiga si loo dhiso aaladda doorashada iyadoo loo marayo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo weliba iyadoo diiradda la saarayo waxbarashada cod-bixiyeyaasha iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo aasaas u ah sida murashaxiinta loo dooran doono, yaa codeyn doona, halka ay ka codeynayaan, dhammaan arrimaha noocaas ah.

S. Ka waran dhacdada/horumarka ugu weyn ee dhinka gargaarka bani'aadamnimada?

J. Ka hortagidda macluusha sannadkii 2017. Waxay ila tahay in isbedelka wareejinta awoodda madaxweynanimada oo si nabad ah lagu wareejiyay uu gacan ka gaystay guushaas. Waxa ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu sameeyay markii la doortey waxay ahayd inuu yiri ‘Waxaan doonayaa olole qaran oo arrintan lagula tacaalo,’ kaasoo laga qaybgeliyay qurba-joogta iyo ganacsatada, iyo sidoo kale beesha caalamka.

Ururrada samafalka bani'aadamnimada ayaa si aad ah ugu diyaarsanaa si ka fiican sidii ay ahaayeen sannadihii 2011-2012 markii rubuc milyan dad ah ay dhinteen. Waxay haysteen fursad aad u qoto dheer ay dadka ku gaaraan; dadka sannadihii 2011-2012 waxay mararka qaar ahayd inay u guuraan boqolaal kiilomitir si ay u helaan amni ayna u helaan gargaar – xaaladdu sidaasi ma ahayn sannadkii 2017. Waxaa si fiican oo caqligal ah loo adeegsaday ganacsiga gaarka ah taas oo gacan ka gaysatay hoos u dhigista qiimaha. Waxaa jirey nidaam kaararka faylasha oo ka-faa'iideysteyaashu ku iibsan karaan waxyaabaha ay u baahan yihiin - cunto iyo biyo – oo laga helo dukaamada oo dhan oo ku yaalla waddanka oo dhan kuwaasoo isku diiwaangeliyay inay isticmaalaan barnaamijka. Taasi waxay ahayd guul. Haddana, hawlgalayaasha beesha caalamiga waxay bixiyeen lacag, lacag dhab ah, oo goor hore ayay bixiyeen. Mid ka mid ah dhacadooyinkii sannadihii 2011-2012 waxay ahayd in lacagtu timaado iyadoo soo daahday; taasi uma aysan ogolaanin dadka ka shaqeeya gargaarka bani'aadamnimada iyo xukuumadda inay ka jawaabaan.

Tani macnaheedu ma aha in la yiraahdo inayna jirin malaayiin dad ah oo wali ku nool xaalado quus ah. Abaartii sannadkii 2017 waxaa ka dhashay dad badan oo barakacayaal ah [dadka gudaha ku barakacay]. Waxaan u maleyneynaa in tirada guud ee dadka gudaha ku barakacay ay tahay 2.6-2.7 milyan oo qof, laga yaabo inay gaarayso boqolkiiba 20 tirada dadweynaha, oo kuwo badan oo gaaraya 60-70 boqolkiiba oo ka mid ah kuwan ay ka soo jeedaan kuwii sanadkii hore. Markaa waxa aad ku arkeyso dhammaan hareeraha Soomaaliya waa magaalooyin sameysmaya oo ah dad ay duruufu ku qasabtay inay ka soo guuraan goobaha beeraha iyo inta badana miyiga xoolo dhaqatada oo u soo guuray magaalooyinka.

Tanina waxay ka hadlaysaa caqabadda hortaagan sida Soomaaliya ay u yareyn karto sida ay ugu nugushahay isbeddelka cimilada, dhibaatada deegaanka, colaadaha iyo gacan-bidixaynta nidaamsan ee kooxaha, beelaha ama dadka laga tirada badan yahay. Taasi waa qorshe weyn. Waa mid adag sababtoo ah waxaa jira lacag loogu talagalay gargaarka bani'aadamnimada, oo lacagta loogu talagaly horumarinta waxay u egtahay in loo qoondeeyo kaabayaasha iyo mashaariicda waaweyn, arrintana waxay ku dhacdaa dhexda-halkaas oo ay caawinta barakacayaasha ku haboon tahay iyo sidee baad u heli kartaa fikrad ah in barakacayaasha loo arko inay fursad u yihiin magaaleynta, si loo bedelo asaaska dhaqaalaha dalka, si ay dowladdu ula shaqeyso mulkiilayaasha dhulka si ay ugu dhiirigeliso maalgashiga, waxaan wajahnaa dad badan oo dhulka laga saaro iyo muran badan, iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay oo horay u soo maray marxalad adag oo ayaa haddana  mar kale isku arka iyagoo ku dhexjira dhibaatooyin noocyo kala duwan ah.

S. Horumarka ugu weyn ee Soomaaliya ee xagga horumarinta?

J. Waxaa jira waxyaabo dhacay labadii sanno ee ugu dambeeyay oo aan u malaynayo in xukuumaddan amaan badan ku muteysatay, taas oo asal ahaan ah aragtida ah in haddii Soomaaliya ay billaabin inay ururiso dhaqaalaheeda, waxay ahaanaysaa mid ku tiirsan gargaarka beesha caalamka.

Waxay saxiixday Barnaamijka Kormeerka Maareynta Shaqaalaha ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), oo ah barnaamij dib-u-habeyn dhaqaale iyo mid maaliyad ahaan, halkaas oo Baanka Adduunku uu ahaa mid aad u taageera, Qaramada Midoobayna waxay noqotey mid dhiirrigelisa xag siyaasadeed. Raisal Wasaaraha ayaa arrintan u qaatay si dhab ah, markaa waxa aan aragnay 18kii bilood ee la soo dhaafay waa korodhka dakhliga gudaha ee ka yimid canshuur-bixinta. Waa horumar dhab ee awoodda dawladda si ay u maareeyaan lacagta iyo qoondeeyo lacag. Tusaale ahaan, waxaad leedahay waxyaabo sida mushaharka askarta oo lagu bixiyo, waa in aay si biometric ah uu diiwaan gashan oo ay leeyihiin xisaabaha bangiga, oo aad haysataa nidaamka dib-u-eegista adeegga bulshada iyo sida dadka loo bixiyo mushaarka.

Sidaas darteed waxaa jira guud ahaan xoojinta dhabta ah ee awoodda xukuumadeed ee lagu maareeyo khayraadka. Taasi waxay sidoo kale u baahan tahay in la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyda Federaalka. Laakiin rajadu maaha keliya dakhliga gudaha oo kordhaya – oo sida qof kasta ama qoys walba, had iyo jeer wanaagsan markaad haysato lacagtaada halkii aad ka heli lahayd dadka kale – laakiin waxay kor u qaadaysaa rajada iska bixinta haraaga deynta iyo deyn cafinta, laga yaabee sanad, laba sano, laakiin maaha mustaqbalka fog. Waa rajo dhab ah haddii dib-u-habeyntaas ay sii socon karto. Taasi waxay iftiin weyn oo cagaaran u noqon doontaa beesha caalamka, maalgashadayaasha gaarka ah iyo sidoo kale Baanka Adduunka, IMF iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha ugu waawayn ee maal-gashada Soomaaliya.

S. Amnigu waa arrin kale oo aad ugu muhimsan Soomaaliya – sidee baa taasi horumar looga gaaray?

J. Waxaa jira xoogaa horumar ah oo la gaarey, iyadoo guusha ugu weyn ay tahay heshiis siyaasadeed oo Soomaalida dhexmaray kuna saabbsan sida uu noqon doono qaabdhismeedka amniga dalka. Muddo 30 sanno ah ma jirin heshiis dhab ah oo ku saabsan arrintan, laakiin sannadkii 2017, waxay gaadheen heshiis, waxaana lagu saxiixay Shirkii London ayadoo ay beesha caalamku goobjoog ka ahayd. Dabcan caqabadda jirta waa fulintiisa.

Heshiisku wuxuu ku saabsan yahay ciidanka, booliska, hay'adaha sirdoonka, ciidamada badda – laakiin arrinta uu ku wanaagsan yahay ayaa ah in la aqoonsado in amnigu uusan ahayn oo keliya hub iyo qalab iyo tababar. Balse uu yahay dhismaha hay'adaha amniga, sidoo kalena wax laga qabto arrimaha keena amni-darrada marka horeba. Arrimahan waxaa ka mid ah caddaalad darrada, boolis la’aanta, maamulka dowladaha hoose ee aasaasiga ah oo aan jirin, iyo wixii la mid ah. Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah dhinacyo taabanaya dhaqan celin bulsho oo xooggan iyo maamulka deegaanka – waxa ay dadka qaar ugu yeeraan xasilinta.

Waxaa weli dhiman waddo dheer iyo in wax badan in la qabto, heshiisyadan siyaasadeedna waqti bay qaadan doonaan si loogu bedelo maalgashi dhab ah. Waxaa jira caqabado badan oo dhab ah. Tusaale ahaan: Sidee baad tababar midaysan ugu heli kartaa ciidanka marka ay jiraan jilayaal badan oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin jilayaal caalami ah, sida Midowga Yurub, Mareykanka, Turkiga, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo badan oo ku lug leh arrintan.

Haddii Soomaalidu ay lahaan lahaayeen hanaan iswaafaqsan oo lagu tacaalo amniga, markaa taasi waxay noqon karta mid ka mid ah waxyaabaha ay Hirgelinta Guud ee Amniga isku dayi doonto inay isu keento kana dhigto mid isla waafaqsan. Tani macnaheedu ma aha in Al-Shabaab aysan weli ahayn khatar aad u weyn iyo nabadgelyo darro oo ah dhibaato taagan, laakiin ugu yaraan waxaa jira horumar laga gaaray in la ogaaday sida loo maareeyo.

S. Waa sideena horumarka laga gaaray xagga nabadda iyo dibuheshiisiinta?

J. Xaga nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka maxalliga ah, waxaa weli haray waddo dheer iyo in wax badan la qabto. Al-Shabaab ayaa weli ah kuwo aad u rabshado iyo colaad badan. Waxay had iyo jeer bedelaan qaabkooda. Hadda waxay adeegsadaan walxaha qarxa iyo dilalka dadka lala beegsado halkii ay hore u sameyn jireen howlgalo waawayn, inkastoo meelo dalka ka mid ah ay weli ka sameeyaan weerarro xoogan [ay ku qaadaan saldhigyo/goobo millatari], laakiin magaalooyinka waxay bedeleen xeeladahoodii.

Waxay sidoo kale khatar ku yihiin mashruuca federaalka oo dhan waayo uma maleynayo inay rumeysan yihiin nidaamka dowladda baarlamaaniga ama madaxweynenimada; waxay leeyihiin aragti iyaga u gaar ah oo ku aaddan waxa ay tahay dowladnimada, waxayna yihiin halis dhabta ah.

Laakiin waxaa jirta inay guuleystaan sababtana waxaa ka mid ah awood la'aanta jirta in wax laga qabato arrimaha kale ee coolaadda keena, oo ay ka mid yihiin khilaafaad dhab ahaantii aan wax xiriir la lahayn Al-Shabaab. Waa murano la isku qabsado n dhulka, murano la isku qabsado biyaha, murano la isku qabsado dakhliga, cabashooyinka soo jireen ka ah, dareen ku aadan caddaalad darrada, qabiil dareensan in si xaq darro ah loola dhaqmo, iyo waxi la mid ah.

Markaa, mid ka mid ah waxyaabaha aan aad u sameynaynay ayaa ah taageeridda dowladda si loo dejiyo hanaan dib-u-heshiisiineed, iyo sidoo kale inaan ku lug yeelano xallinta khilaafaadka ka jira meelo ay mid yihiin Gaalkacyo, Galmadug, Marka iyo meelo kale, iyo dhiirigelinta ka hortagga colaadaha. Xaaladda colaadda ka jirta degaanka Tukaraq, ee u dhexeysa Puntland iyo Somaliland, ayaa weli ah mid aad u kacsan, oo dhici karta inay gacanta ka baxdo. Laakiin muddo lix bilood ah, anagoo la shaqeyna saaxiibada aan isla hawlgalno sida IGAD iyo kuwo kale, waxaan gacan ka geysanay in la hortago inay gacanta ka baxdo oo la xakameyn waayo. Colaadaha qaar ayaa ku fiican in lagu xalliyo in Dowladda laga qaybgeliyo, qaar sidaa ma aha, qaarna waxay dadka qaar u arkaan inay u wanaagsan tahay in beesha caalamka laga qaybgeliyo, qaar kale waxay arkaan inay wanaagsan tahay in beesha caalamku ka joogto oo aan ku lug yeelan, qaar ka mid ahna waa in lagu xalliyo iyadoo loo marayo haweenka ama bulshada ganacsatada ah.

S. Sideed u aragtaa muuqaalka mustaqbalka Soomaaliya?

J. Waxaan u maleynayaa in taasi ay ku xiran tahay hadba inta ay madaxda Soomaaliyeed – ha ahaadaan kuwo kuwo ku jira ganacsi, siyaasad ama bulshada rayidka – u leeyihiin rabitaan ay ku wada shaqeeyaan si loo gaaro faa’iido loo dhanyahay. Mararka qaar, tusaalaha aan jecelahay inaan arrintan u adeegsado waa in 20-30 sanno ay jiri jirtay in si adag loogu tartamo awoodda, saameynta iyo gacan ku haynta, oo ay ka mid tahay in la isku qabsado dhaqaalaha iyo dakhliga, si loo qaybsado awoodda ama dhaqaalaha sidaa u weyn. Haddii ay isla shaqeeyaan – in la helo boqolkiiba 25 oo ka mid ah dhaqaalaha ama awoodda sidaa u weyn ayaa ah mid dhab ahaantii aad uga xiiso yar in la helo boqolkiiba shan oo ka mid ah dhaqaale ama awood 100 jeer intaa ka weyn!

Waxaan kula talinayaa Soomaalida inay kobciyaan dhaqaalaha la qaybsanayo. Sida keliya aad u kobcin kartaan dhaqaalaha la qaybsanayo waa in la xoojiyo amniga, la abuuro jawi ay dadku maalgashi ku sameysan karaan, shaqo ku heli karaan, waxbarashada iyo caafimaadku hormaraan, iyo dhinacyada kale, oo isugu jira horumarinta tamarta ilaa rukhsad siinta kalluumeysiga.

Waxay ku jirtaa gacanta Soomaalida. Uma taallo QM, ama beesha caalamka ama saxiibo gaar ah, si loo xalliyo dhibaatooyinka Soomaaliya. Waxay diyaar u yihiin inay caawiyaan laakiin midnimada u dhexeysa Soomaalida iyo go’aanka ah in wax la qabto waa waxa isbedel ku sameyn kara xaaladda, dheefna u keeni kara dadka, mana dhicin in ku filan oo arrintaas ka mid ah.

Xaaladdu way ka soo raynaysaa laakiin siyaasadda ka jirta dalkan waxay mararka qaar u muuqataa inay tahay mid dhinac kasta uu dantiisa keliya eeganayo – dadku waxay oranayaan ‘haddii aanan helin, qof kale ayaa heli doona’ inta oran lahaayeen ‘sidee baan u wada shaqeynaa, labadeenuba, anagoo xoogaa isu tanaasulayna, si aan u helno waxaan doonayno.’

Dhinacyada waaweyn – anigana kama hadlayo haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay, inkastoo ay aad u muhimsan yihiin ayna tahay in laga qaybgeliyo go’aanada waaeyn – waxay u baahan yihiin inay ku heshiiyaan inay wada shaqeeyaan halkii ay isku day lahaayeen inay iska horyimaadaan. Waxaa ka mid ah ganacsatada, xildhibaanada, waayo xildhibaanadu waxay wakiil ka yihiin kuwo badan oo ka mid ah danaha beelaha, waxaa ka mid ah qurbajoogta, Dowlad Goboleedyada Federaalka ah iyo beesha caalamka.

S. Sannadihii la soo dhaafay, ma aragtay calaamado muujinaya in deeq bixiyeyaasha beesha caalamku ay daaleen? Maxaa la sameyn karaa si taas loola dagaallamo?

J. Waxaa la yaab leb in, iyadoo ay arrimuhu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayaan Soomaaliya, caqabaddu waa sidii Soomaaliya loogu hayn lahaa shaashada raadaarka iyadoo sida caadada ah dareenka beesha caalamku uu aado meelaha aadka u caansan – oo inta badan ah meelaha arrimo waaweyn ay ka dhacaan.

Farriintayda aan u diraayo beesha caalamka waa horumar ayaa la sameynayaa laakiin waxaa dhici karta in dhib u dhac yimaado. Ilaa iyo inta ay Soomaaliya ka yeelanayso awood ay isaga bixiso kharashkeeda ayna ku maareyso amnigeeda, waxay u baahan tahay taageero joogta ah oo isku dheellitiran oo ay ka hesho beesha caalamka. Ka ka dhaqaaqina hadda. Waqti ay waxyaabo badani ka qaldan yihiin adduunka, fikradda ah inuu jiro dal ay dhici karto in arrimuhu ay isu imanayaan – haba ahaatee si aan toos ahayn, oo ay weli ka dhacaan dhacdooyin badan oo amni darro ah oo leh dhibaatooyin musuqmaasuq iyo arrimo kale – halkaasoo ay arrimuhu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayaan.

Ma doonayo inaan ereyo dheeraad ah faallo kaga bixiyo arrintan, waa inaad asaas uga dhigtaa xog dhab ah, taasaana ugu dambeyntii waxaa lagu qiimeyn doonaa xagga tirada dadka da’da yar ee waxbarasho hela, helidda adeegyo caafimaad, kalsoonida ganacsiga, xagga amniga, kaasii aad qiimeyn karto. Waxaan u maleynayaa in tusaalooyinku ay muujinayaan in arrimuhu ay soo hagaagayaan. Tusaale ahaan, shan sanno ka hor ma jirin qaabdhismeedka Dowlad Goboleedyada Federaalka, ma jirin aqalka sare ee baarlamaanka, ma jirin Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Qaranka. Waxaa jira isbedello aad u waaweyn.

S. Sannadaha soo socda, maxaad u maleynaysaa inaad u arki doonto inay yihiin arrimaha adiga shakhsi ahaan kuugu waaweyn waqtigii aad ahayd ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya?

J. Dhab ahaantii waan ka helaa la shaqeynta Soomaalida. Wax badan baan ka bartay. Waa dad aad siyaasiyiin u ah waxayna dareen weyn u leeyihiin kaftanka. Waxay leeyihiin wax inta waayo aragnimadayda ah aan ka dhicin meelo kale: waana in muran kulul idin dhexmari karo Soomaalida haddana aad saaxiibo ahaataan. Qof baad dood weyn ka yeelanaysaan arrin ama mid kale oo ka jirta qaar ka mid ah dalalkii aan ka soo shaqeeyay taasina waxaa dhici karta inay dhaliso 10 sanno oo aadan la hadlin qofkii. Taasi oo kale Soomaaliya kama dhacdo!  Qof baad muran weyn la yeelanaysaa [Soomaaliya] ka dibna waxaa dhacda inaad wada qadeysaan maalinta xigta.

Waxaan sidoo kale ogaaday sida ay Soomaalidu dadka uga duwan tahay. Soomaaliya waxay ka mid tahay Jaamacadda Carabta, laakiin Soomaalidu dhab ahaantii Carab ma aha. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Midowga Afrika, laakiin aad bay dhaqan ahaan uga duwan tahay Afrikada inteeda kale. Waa dhaqan aad iyo aad uga duwan kuwa kale – waa dhaqan oraah ah oo aan la qorin. Waxay ila tahay mararka qaar aad baan uga fikirnaa in wax kasta qorno, laakiin runtii Soomaaliya waxaa ayaa muhim ka ah waxa ay dadku isu sheegaan iyo sida ay isula xiriiraan, iyo xiriirka ka dhexdooda. Waxaana u maleynayaa in taasi ay tahay waxa aan ka helay, oo ah asaasan inaan barto in badan oo Soomaali ah.

 

*****