2016 waa “sanad muhiim” u ah mustaqbalka Soomaaliya

25 Feb 2016

2016 waa “sanad muhiim” u ah mustaqbalka Soomaaliya

 

WARSAXAAFADEED 07/2016

Kulanki sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee Heerka Wasiir (HLPF) ayaa shalay lagusoo gabagabeeyay Istanbul iyadoo wufuudi ka qaygelaysay ay ballan-qaad adag sameeyeen si loo xaqiijiyo in geedi-socodka doroasho ee Soomaaliya uu u dhoco sidi loo qorsheeyay bisha Agosto 2016.

Wakiillo ka kala socda 54 dal iyo 11 hay’adood oo caalami ah ayaa ayaa ka qaybgalay shirweynaha socday labada maalin ee uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip Erodgan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana la shir-guddoomiyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, MAdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Jan Eliasson, Ku-xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.

Gabagabadii shirweynaha, wufuuddu waxay isla qaateen oo ay soo saareen war murtiyeed ka kooban 33-qodob oo 2016 ku qeexay inuu  “sanad muhiim ah” u yahay Soomaaliya oo arki doonta dhidibba dhigga dowlad federaal ah oo cusub iyo baarlamaan, dhamaystirka geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo sii socoshada dadaalada lagu hagaajinayo hay’adaha amaanka ee dalka, iyo waxyaabo kale oo qaranka mudnaan u leh.

“Waxaan diyaarinay hawlihi muhiimka u ahaa in la helo doorasho loo wada dhanyahay oo laga wada qaybgalo,” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka hadlayay kulanki xiritaanka ee shirweynaha. “Waan ognahay in dadka Soomaaliyeed ay ka sugayaan dowladda federaalka ah inay hirgeliso geedi-socodka doorasho ee 2016.”

Madasha Iskaashiga Heerka Sare waxay adkeysay/xaqiijisay baahida loo qabo in la gaaro doorasho qof-iyo-cod ah iyadoo loo marayo horumaringa Khariida loo maro  “iyadoo la tixgelinayo rabitaanka xooggan ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed.”

Wufuuddu waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhamaystiro geedi-socodka maamu dhisidda ee Hiiraan iyo Jowhar iyo in la qeexo maqaamka caasimadda qaranka ee Muqdisho.

Warmurtiyeedku wuxuu soo dhoweeyay dhoweeyay warbixinta labaad ee sanadlaha ah ee ku saabsan Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub, waxaana warmurtiyeedku qiray, iyadoo ay jiraan caqabado farabadan oo dalku wajahayo, hadana “in horumar ballaaran oo dhinacyo badan leh laga gaaray ajendaha/qorshaha nabadaynta iyo dhismaha dalka.” Wufuudda Madashu waxay carrabka ku adkeeyeen “sii socoshada dadaalkooda iyo kaalmadooda” ku aaddan Soomaaliya.

Hadalki uu kusoo xiray shirka, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating wuxuu uga mahad celiyay Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga martigelinta ay martigelisay Madasha Madasha Iskaashiga Heerka Sare wuxuuna soo dhoweeyay   “heelanaanta aan caadiga ahay ee beesha caalamku ugu heellantahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed iyo horumarka Soomaaliya ugu sii socoto helidda mustaqbal barwaaqo leh, amaan ah oo dimoqoraadiyadeed.”

“Tan waxaa suurto geliyay hawl-karnimada iyo go’aanka dadka Soomaaliyeed ay ku gaareen inay ka gudbaan tobaneeyo sanadood oo colaad ah, ayna samaystaan dowlad federaal ah oo dhamaan Soomaalidu wax ku wada leedahay, taas oo faa’iidooyin la taaban u keenaysa dadka Soomaaliyed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.