Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Inta la dhammaystirayo websaydka cusub ee UNTMIS, iyo baraha bulshada xogta khuseeya hawlgalka waxa laga heli doonaa:
28 Mar 2015 - Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida Xog-hayihii Joogtida ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee Jeneva, Mudane Yusuf Bari- Bari.
03 Mar 2015 - Muqdisho – Ayagoo ka hadlaayay munaasabad heerkeedu sareeyo oo looga hadlaayay xadgudubyada galmada kusaleysan ee ka jirta soomaaliya, ayaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas kay iyo wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya SRCC, Maman S Sidikou waxay si wadajir ah u dalbadeen in talaabo dheeri ah laqaado si loo badbaadiyo haweenka iyo gabdhaha soomaaliyeed.
20 Feb 2015 - Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaablisan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si kulu u cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday Hoteelka Central- Dhexe- ee ku yaala Muqdisho, weerarkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Al-shabab a yaana sheegatay weerarka.
22 Jan 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Federaalka cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya 27kii bishan Janaayo 2015.“Ku dhawaaqiddan waa tallaabo muhim ah ee loo qaaday dhanka dhisidda xukuumad cusub,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.
20 Jan 2015 - Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay daahfuridda hanaanka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba (IJA), iyagoo ugu baaqay madaxda maamulka inay xaqiijiyaan in dhammaan beeluhu ay golaha ka helaan wakiillo metela.
20 Jan 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta (CRC) taasoo ka dhacday xaflad uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu qabtay dugsi ku yaalla magaalada Muqdisho.