Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar 2024-kii, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Xogta khuseeya hawlgalka UNTMIS waxaa laga heli karaa halkan:
06 Dec 2014 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarradii argagaxisada ahaa ee shaley ka dhacay magaalada Baydhabo oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen ugu yaraan shan iyo toban (15) qof ayna dhaawaceen dad intaa ka badan.
03 Dec 2014 - Baydhabo – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed (ISWA). Isagoo ka hadlaya xaflad lagu qabtay magaalada Baydhaba ayuu SRSG Kay yiri, “Waxaan ugu hambalyeeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray.
17 Nov 2014 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay rabshadii dhacday 15ka November xilligii laysku diyaarinayey doorashada baarlamaanka ee Soomaaliland. Waxaa jiray warbixinno sheegaya inay dhici karto in la xiray qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka iyo in rabshaddu ay ka dhasheen khasaarooyin dhowr ah. [WARSAXAAFADEED]
15 Nov 2014 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay rabshadii dhacday 15ka November xilligii laysku diyaarinayey doorashada baarlamaanka ee Soomaaliland. Waxaa jiray warbixinno sheegaya inay dhici karto in la xiray qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka iyo in rabshaddu ay ka dhasheen khasaarooyin dhowr ah.