Amina Ibraahim: Kufsigu waxaa uu baabi’iyay kalsoonideydii, wuxuuna la tagay farxaddeydii

19 Jun 2018

Amina Ibraahim: Kufsigu waxaa uu baabi’iyay kalsoonideydii, wuxuuna la tagay farxaddeydii

“Waxaa uu soo galay gurigeenna, dhulka ayuu igu qabtay kaddibna dhowr mar ayuu I dul fadhiistay.”

Aamina Ibraahim* waxaa ay ka sheekeneysaa habeenkii uu nin soo galay gurigeeda ku yaal meel ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayada oo la jiifta carruurteeda, oo uu ku jiro canug 4 cisho kaliya jira, isla markana si arxan darro ah u kufsaday.

Waxaa ay ka sheekeeneysaa habeenkii uu nin soo galay gurigeeda ku yaal bartamaha-koonfurta Soomaaliyam, iyada la jiifta carruurteeda, oo uu ku jiro cunug 4 cisho kaliya jira, kaddibna arxan darro ah kufsi u geystay.

Aamina oo naafonimo ka qaadday saameynta daba-dheeraatay ee cudurka dabeysha ayaa waxaa ay awoodi kari waysay in ay ka baxsato ninka soo weerarray. Walwalkeeda ugu weyn waxaa uu ahaa in aysan hurdada ka soo kicin carruurteeda yar.

“Markii uu dhibka igu dhacay kaddib, waxaa iga tagay dareenkii waxaana iska yaallay dhulka qabowga ah ilaa iyo aroortii markii uu guriga yimid seyigeyga,” ayay xustay Amina, ayada oo intaasi raacisay in uu ninkii kufsiga u geystay uu habeennimadii baxsaday asaga oo horey u qaatay talefoonkeeda, isla markana uu ka tagay ayada oo aan haysan qaab ay dadka kula xiriirto.

“Xanuun daran ayaan jirkeyga oo dhan ka dareemay. Markaas weli si fiican ugama aan ka soo kabsan dhalmada canugeyga,” ayay tiri. “Waxaan dareemay daciifnimo, daal iyo awood la’aan. Awood aan ku qayliyo si aan gurmad u helo ma aan lahayn.”

Inkasta oo ay ku soo weynaatay sanadihii Soomaaliya ugu colaadda badnaa, Amina marnaba kuma fikirin in ay la kulmeyso dhacdadan naxdinta badan. Dhibkan loo geystay waxaa uu xoojiyay naafonimadeeda, isla markana waxaa uu xadeeyay socodkeeda, Muddo dheer kaddib habeenkaas naxdinta leh, waxaa ka tan batay murugo.

“Shoog ayaa igu dhacay, dhowr maalmood ayaan ooynaayey. Canugeyga waa nacay, wax xiriir ahba lama sameyn karin. Dareenkii oo dhan baa iga lumay,” ayay xustay.  

Ninka Amina dhibka u geystay, oo ilaa iyo hadda weli gacanta lagu soo dhigin, waxaa suurtagal ah in uu ogaa in uu seyigeeda guriga ka maqan yahay habeenkaasi. Tuulada ay dagantahay ee ku taal gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, ayaa ragga inta badan isaga tagaan si aanay u askareysan kooxda maleeshiyaadka ah ee Al-Shabaab.

Nasiib darro, sheekooyinka sida tan Amina waa ay ku badan yihiin Soomaaliya, balse inta badan lama soo qaado.

Sanadkii tagay, Qaramada Midoobay waxaa ay xaqiijisay in ka badan 330 xaaladood oo xad-gudubka galmada ah kuwaas oo loo sababeynayo dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya, kuwaas oo boqolkiba 75 ay geysteen Al-Shabaab. Kooxdan maleeshiyaadka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu yaqaanna in ay haweenka iyo gabdhaha ku khasbaan galmo addoonsi ah, safrin ujeeddadeedu tahay galmo, guur qasab ah iyo uureyn iyo kuwo jirkooda ka ganacsada.

Seddax sano ka hor, Golaha Guud ee QM waxaa uu ku dhawaaqay in 19-ka Juun ay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xad-gudubka Galmada xilliga Colaadda si loo sameeyo wacyigelin isla markana la garab istaago dhibbanayaasha xad-gudubka galmada xilliga colaadda – haweenka, ragga, gabdhaha iyo wiilasha. 

Ka gudubka takoorka iyo helidda caddaalad

Maadaama lagu suganyahay dal ay dhibbanayaasha xad-gudubka galmada la xiriira colaadda la kulmaan fogeyn iyo takoor, waxaan wax lala yaabo ahayn in dhibbanayaasha intooda badan aysan ka soo warramin falal-dembiyeedkan, sida ay sheegeen xeeldheerayaashu. Waxaa lagu qiyaasayaa in markii hal dhacdo oo kufsi ah xilliga colaadda laga soo warramo, in inta u dhaxeysa 10 ilaa iyo 20 xaaladood aanan la soo warin.

Si ka duwan in badan oo ka mid ah dhibbanayaasha loo geystay kufsiga, Amina waxaa ay nasiib ku yeelatay in ay hesho taageerada seyigeeda. Hooyaadan leh toddoba carruur ayaa waxaa ay ninkeeda ku tilmaamtay “kan ugu naxariis badan uguna kalgaceylka badan,” waxaa ay isla markana ku ammaantay in uu garabkeeda taagnaa inta ay la tacaaleysay waqtigii ugu mugdiga badnaa nolosheeda. Waxaa uu weli kaalin lixaad leh ka ciyaarayaa safarkeeda soo kabsashada jismi ahaan iyo maskax ahaanba.

“Kufsigu waxaa uu baabi’iyay kalsoonideydii, wuxuuna la tagay farxaddeydii. Balse waa qaddar alle,” ayay tiri Amina.

Wax yar dhacdadii kaddib, qoyskan ayaa waxaa ay u guureen Afgooye oo ah dhul beereed 30 kiilomitir dhinaca koonfur galbeed u jira Muqdisho. Tuuladoodii wax micno leh kuma soo harin, waayo xoolihii waxaa baabi’iyay abaaraha ka hor roobabka xilliga Gu’ga, taasi oo ka dhigtay dad baahan isla markana sidii hore ka sii nugul. Markii ay ka soo tageen Afgooye, waxaa ay tageen xerada barakacayaasha Saad ee ku taallo Kilomitir 13 ee duleedka caasimadda, ayaga oo filaya in ay helaan taageero.

“Markii aan nimid xerada, maamulka ayaa nagu kaalmeeyay in aan dhisno guri cooshad ah waxaa ayna siiyeen bac oo aan isticmaalnay in aan ku daboolno saqafka guriga,” ayay tiri Amina, taasi oo sidoo kale go’aansatay in ay xerada ka doonato adeegyo caafimaad iyo la talin.

Amina waxaa ay rajeyneysaa in maalin maalmaha ka mid ah ninkii dhibka u geystay loo qaban doono fal-dembiyeedkiisa.

“Haddii kala dooro la I yiraahdo, maxkamadda sharciga ayaan ka jeclaan lahaan xeer-dhaqameedka,” ayay tiri, “Maxaan faa’iida ah oo iigu jira in aan arko ninka I kufsaday oo si xor ah iskaga socda?”

Si loo joojiyo dhibkan baahsan, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay qaadday tallaabooyin ku ool ah oo ay ku soo afjareyso ciqaab la’aanta dadka geysta falal-dembiyeedka la xiriira galmada. Golaha wasiirrada waxaa ay dhowaan ansixiyeen Xeerka Xad-gudubka Galmada, kaasi oo ciqaab adag u dejiyay dadka geysta falal-dembiyeedka la xiriira galmada iyo dadka gacan ku siiya. Xeerkan waxaa uu haatan sugaya in ay ansixiyaan baarlamaanka iyo madaxweynaha dowladda federaalka. Haddii la meelmariyo, xeerkan cusub waxaa uu ka awood sarreynayaa nidaamka caddaaladda ee xeer-dhaqameedka, kaasi oo sanado badan gacan siinayay dadka geysta xad-gudubka galmada, maadaama uu xukun fudud ku fulinayay dad geystay falal-dembiyeed culus sida kufsiga.

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa uu taagerayaa dadaallada Dowladda Federaalka ah ee ay ku soo afjarayso xad-gudubka galmada xilliyada colaadaha, isaga oo si dhow ula shaqeeya Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, si loola shaqeeyo bulshada iyo sidoo kale odayaal dhaqameedka iyo culimada si loo yareeyo baahsanaanta fal-dembiyeedkan.

(*Magaca rasmiga ah waa la beddelay si aan loo aqoonsan)