Baaq laga soo saaray kulamadii wacyi-gelinta ee loo qabtay dadweynaha ee dastuurka Soomaaliya

19 Aug 2021

Baaq laga soo saaray kulamadii wacyi-gelinta ee loo qabtay dadweynaha ee dastuurka Soomaaliya

Muqdisho – Kulan dadweyne oo muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo taageero loogu raadinaya dhaqan-gelinta Dastuur Soomaaliyeed oo cusub, isla markaana joogto ah, waxaana gabagabadii kulankaas laga soo saaray baaq ku wajahan sidii loo xaqiijin lahaa in la tixegxliyo aragtida dhallinyarada, haweenka, odayaasha, iyo dadka baahiya gaarka ah qaba marka la gabagabeynayo qoraalka Dastuurka. 

“Waxan ku raja-weynahay kadib marka doorashooyinka qaranku dhammaadaan, waxa jiri doono madal qaran oo weyn si dib loogu eego aragtiyada dadka laga soo uruuriyey. Waxaa u haray gabagabeynta geeddi-socodka waa wada-xaajood. Hoggaamiyeyaasha ayey waajibkoodu tahay in ay kulmaan oo ay ku heshiyaan si geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka loo soo gabagabeeyo”, ayuu yiri Md. Salaax Axmed Jaamac, Wasiirka Federaalka ee Arrimaha Dastuurka.

“Wadatashi dadweyne oo noocan ah waa muhim”, ayuu ku daray Wasiir Saalax. Tan waa sababta aan si joogta ah idinkugu soo noqoneyo si aan u ogaanno aragtiyadiina iyo talo-bixintiina, so loogu daro qoraalka ugu dambeeya.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo caawinaad ka heleysa Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) waxaaa ka soo qayb galay in ka badan 70 ka-qayb-galayaal oo ay ka mid yihiin khubaro sharciga ah, aqoonyahannada culuumta siyaasadda, aqoonyahanka kale, wakiillada dhalinyarada, haweenka, odayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka qaba.

Cabditfataax Xassan Kalgacal oo ka qayb galay kulanka ayaa soo dhawaeeyey geeddi-socodka dib-u-eegista in uu ahaa mid loo dhan yahay xagga aragtiyada, sidoo kalena mudnaan la siiyay dadka nugul iyo kuwa la faquuqay iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

“Xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba waa in lagu dammaanad-qaadaa Dastuurka. Xuquuqahan waxa ka mid ah matalaadda siyaasadda, xuquuqda waxbarashada iyo shaqaaleysiinta iyo sidoo kale gelidda dhismayaasha guud iyo meelaha dadku isugu yimaadaan. Waxaan ku faraxsannahay in aan uu ololeyno xuquuqahan. Haddii Dastuurka si cad uusan uu muujin xuquuqda qof kasta qaarkeen ayaa laga yaabaa in ay dhibaato la kulmaan” ayuu yiri Kalgacal. 

Madashan oo socotay muddo 3 maalmood ah waxaa looga dooday qaar ka mid ah qodobada khilaafka dhaliya ee ku jira Dastuurka qabyada ah. Qodobadaas waxaa ka id ah caddaaladda, matalaadda, awood-qeybsiga, Maqaamka Caasimadda iyo arrimaha maaliyadda ee federaalka. Wasaaradda Dastuurka ayaa ka-soo-qeybgalayaasha la wadaagtay warbixin faahfaahin ka bixineysa horumarradii la sameeyay laga billaabo bishii Abriil 20217 illaa Maarso 2021, kuwaas oo aasaas u ahaa doodaha ku saabsan horumarradii laga sameeyay dib-u-eegista Dastuurka, waxay sidoo kale bud-dhig u noqon doonaan tallaabooyinka xiga ee mustaqbalka. 

“Dastuurku waa waxa keena nidaamka, isla markaana isku xira gobollada, degmooyinka, iyo dowlad-goboleedyada,” ayay tiri Suldaana Axmed Maxmed, oo u ololeysa xuquuqda haweenka. “Haddii uusan Dastuur jirin, waxaa halis ku jirta xuquuqda muwaadiniinta oo dhan, gaar ahaan kuwa nugul. Waxaan si dhow ula soconnaa geeddi-socodka dib-u-eegista, waana soo dhoweyneynaa fursadda na loo siiyay inaan aragtideena ka dhiibanno.”

Xiritaankii kulanka, Agaasimaha Waaxda Wacyi-gelinta Dadweynaha, Md. C/qani Cali Aadan, wuxuu wuxuu xusay in shacabka Muqdisho ay muujiyeen xiiso weyn oo ay u hayaan in la ilaaliyo xuquuqdooda, iyagoo si weyn uga soo qeybgalay geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada iyo haweenka inay la fal-galaan geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Waxaan rajeyneynaa in geeddi-socodkani uu ka soo bixi doono Dastuur dhammeystiran oo naga caawiya sidii aan ku gaari lahayn nabad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Md. C/qani.

Kulanka saddexda maalmood socday wuxuu qeyb ka yahay ololaha wacyi-gelinta ee ka soconaya dalka oo dhan, kaas oo fursad u siinaya muwadiniinta inay aragtidooda ku biiriyaan geeddi-socodka dastuur-sameynta. Kulamo noocan oo kale ah ayaa sidoo kale lagu qaban doonaa magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Dhuusamarreeb, Kismaayo iyo Garowe.