Baarlamanka Aqalka sare oo doortay Af-hayeen iyo labo ku-xigeenno

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhiibanaya codkooda si ay u doortaan afhayeenka Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen intii lagu guda jiray doorasho ka dhacday Muqdisho, Soomaaliya, 22 Januwery 2017. QM Sawir

22 Jan 2017

Baarlamanka Aqalka sare oo doortay Af-hayeen iyo labo ku-xigeenno

Xubnaha aqalka sare ayaa maanta u doortay Cabdi Xaashi Cabdullahi afhayeenkooda cusub doorasho ka dhacday caasimada Soomaliya.

Siyaasigan rug cadaaga ah ayaa ka adkaaday ninkii la tartamayay ee Mustafe Maxamed Qoodax isagoo helay 43 cod wadarta guud oo aheyd 52, wareegii kowaad.

Xubnaha aqalka sare ayaa sidoo kale doortay labo ku-xigeen kuwasoo caawin doona gudoomiyaha si howsha aqalka sare u socoto.

Guusha kadib hadal uu jeediyay afhayeenka cusub ayuu u mahadceliyay saaxiibada doortay wuxuuna u balan qaaday dadka Soomaaliyeed inuu nooleyn doono rajooyinkooda maadama dalka isku diyaarinayo doorasho madaxweynaha.

“Waxan ilaahey ka baryayaa in xilkan culus ee afhayeenka aqalka sare ila garab galo, sidoo kale in ilaahey ka badbaadiyo dalkeyga iyo dadkeyga abaarta daran ee ku dhufatay dalka. Waxaan sidoo kale ilaahey ka baryaa in nabad iyo barwaaqo nagu galadeysto,” ayuu yiri.

Codeynta labada ku-xigeen ee aqalka sare ayaa aheyd mid aad loogu hardamay. Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa loo doortay ku-xigeenka kowaad ee afhayeenka kadib markii uu ka adkaaday Cabdi Axmed Dhuxulow, 30 cod, 52-dii cod ee codeynta. Mowliid Xuseen Guhaad ayaa isna loo doortay ku-xigeenka labaad ee afhayeenka wuxuna ka adkaaday Cabdikafi Macali Xassan, si dirqi ah, afar cod kaliya.

Mudane Bukhaari ayaa yiri hirgalinta gudiga doorashada madaxweynaha ayaa ahaan doonta ajandaha ugu muhiimsan labada aqal ee baarlamanka.

“Maanta waxan garabka saaranay mas,uuliyad weyn dhamaanteen. Waxan rajeynaa inaan u guto mas,uuliyadeyda si ku dheehan rabitaan. Waxan rajeynaa inaan noqdo xildhibaan matala Soomali oo idil howshiisana u guta si daacad ah,” ayuu yiri ku-xigeenka afhayeenka kowaad, aqalka sare.

Ku-xigeenka labaad ayaa sidoo kale balan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono saaxiibadiis ka tirsan baarlamanka federaalka si loo hormariyo dadka Soomaliyeed.

“Waxan balan qaadayaa inaan gudan doono shaqadeyda iyo inaan qiimeyn doono kalsoonida ay I siiyeen xubnaha sharafta leh ee aqalka sare. Waxan noqon doonaa qofka ugu dabacsan, ugu akhyaarsan uguna shaqada badan,” ayuu yiri mudane Guhaad.

Shaqaale ka tirsan qaramada midoobey iyo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha midowga Africa ee arimaha Soomaliya Lydia Wanyoto ayaa goobjoogayaal ka ahaa doorashada, Marwo Wanyoto ayaa u hambalyeysay xildhibaanada sida nabadgalyada iyo dimuqraadiyada leh oo ay u qabsadeen codeynta.

“Waxaan rajeyneynaa in isbuucyada soo socda ay sameeyaan gudigii qaban lahaa doorashada madaxweynaha kuwaso ku dhawaaqi doona jadwalka doorashada, arintaas ayaa caawin doonta soo gabagabeynta arimaha doorashada. Kadib waxaan wax ka qaban doonaa meelo kale AMISOM ahaan,” ayay tiri.

Doorashadii maanta ee hogaanka aqalka sare ayaa waxa ka qeyb galay 16 murashax oo ay ku jiraan labo dumar ah. Xildhibaanada ayaa ku tilamaamay howshii maanta mid muhiim u ah doorashada madaxweynaha ee soo socota, tasoo la filaayo iney dhacdo bisha February ee sanadkan.