Bayaan loo aaneynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan Soomaaliya

3 Oct 2022

Bayaan loo aaneynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu cambaareynayaa weerarradii ka dhacay magaalada Beledweyne, Hirshabelle, ee ay geysteen Al-Shabaab, kuwaasoo sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka.

Wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska/ehellada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.

Xoghayaha Guud wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go'an tahay inay la shaqeyso hay'adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si dadka iyo Dowladda Soomaaliya loogu taageeraan waddada ay u marayaan Soomaaliya oo nabad ah.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud