Bayaanka uu soo saaray Ku-xigaynka Qaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooway ahna Isu-duwaridaha arimaha Bini’aadamnimo ee Somaaliya, Mr. Adam Abdelmoula, ee ku saabsanayd shilkii diyaaradii waday xamuulka gargaarka bini’aadamnimo

5 May 2020

Mogadishu – Xalay waxaa la ii sheegay in diyaarad nooca ganacsiga balse wadday xamuul loogu talagalay samafal bini’aadamnimo oo ay isticmaalaysay haay’ad caalami ah ay shil gashay waxaana ku dhintay lix qof oo diyaarad saarnaa mar ay ku sii degaysay Bardaale oo qiyaas ahaan 55 Kiloomitar u jirta magaalada Baidoa ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Somaaliya.

Aad ayaan uga xumahay ogana dhibtooday dhacdadan naasiib darada ah. Inta badan, dumarka iyo rag naftooda halista galiya iyagoo mudnaanta siinayo wanaajinta dadka iyo taageerida howlgalada bini’aadamnimo ayaa doorkooda xaga ka shaqeynta arimaha samafalka ee Somaaliya la aqoonsanin. Qoysaka iyo ehelada shilkan saameyay ayaan u tacsiyeeneynaa xiligan aadka u adeg. Waxay ciyaarayn doorkoodii ugu dambeeyay iyagoo qabtay shaqo aad qiimo u leh. Illaahay ha u raxmado dhammaantod.

Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda.