Beesha caalamka oo ugu baaqday baarlamaanka in uu si deg-deg ah ku ansixiyo hanaanka doorashada 2016da

14 May 2016

Beesha caalamka oo ugu baaqday baarlamaanka in uu si deg-deg ah ku ansixiyo hanaanka doorashada 2016da

Muqdisho, 14 May 2016 – Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Itoobiya, Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa walaac xoogan ka muujiyay geedi-socodka daba dheeraaday ee lagu ansixinayo hanaanka doorasho ee 2016, kaas oo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu u gudbiyay Baarlamaanka Federaalka 30ki April. Saaxiibada caalamku waxay Baarlamaanka ku boorinayaan meelmarinta hanaanka loo marayo geedi-socodka doorasho, waxayna ugu baaqayaan dhamaan hay’adaha federaalka ee arrintu khusayso inay guda galaan diyaarinta iyo dhaqangelinta geedi-socodka doorasho ee 2016.

Danjirayaasha iyo ergada gaarka ah waxay saddex maalin ka hor la kulmeen madaxda hay’adda fulinta iyo baarlamaanka si ay ugu adkeeyaan baaqyadoodii hore ee ku aaddanaa in si degdeg ah loo meel mariyo hanaanka doorasho. Iyagoo xusaya heshiiski ay 12ki April wada gaareen madaxda federaalka iyo kuwa gobolada, ayay garowsadeen muhiimadda ay leedahay in horay loo dhaqaaqo oo la dhaqangeliyo geedi-socodka doorashada.

Waxay ogsoonyihiin in hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay uu ahaa natiijo ka dhalatay wadatashiyo bilooyin ka socday dalka oo dhan, taageerana ka helayay Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Sharmaarke, dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada federaalka ah ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno kale oo ka socday Baarlamaanka.

Heshiis ballaaran ayaa laga gaaray arrimaha ugu waaweyn ee ku saabsan hanaanka, ayna kamid yihiin dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo in 30 boqolkiiba kuraasta labada aqal ee baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka. Waxaan ugu baaqaynaa (xubnaha) baarlamaanka inay fahmaan dareenka sii kordhaya ee ku aaddan dedejinta (hawsha) iyo inay si habboon u gutaan xilkooda. Iyadoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay booqasho muhiim ah ugusoo fool leeyahay dalka, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in si aan daahitaan dambe lahayn loo ansixiyo hanaankii doorasho ee lagu heshiiyay.

"Mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid ku jira hakad ilaa laga ansixiyo hanaankan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waa lagama maarmaan in arrintani ay degdeg u dhacdaa si xil wareejintu ay ugu dhacdo qaab sharci ah dhamaadka sanadkan. Haddii ansixintu dhici wayso, waxay astaan dhibaato leh ku noqonaysaa dunida iyo malaayiinta Soomaaliyeed ee doonaya inay arkaan horumar ku aaddan doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca 2020.”

Beesha caalamku waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay ugu diyaarsantahay taageerada geedi-socodka doorasho ee 2016.

 

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xidhiidh Sarkaalka UNSOM u Qaabilsan Warbaahinta Joseph Contreras

Tel: + 254 41 350 8581 • Email: unsom-spokesperson@un.org