Beesha caalamka oo ugu baaqday maamullada Puntland iyo Galmudug in ay dejiyaan xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo

27 Nov 2015

Beesha caalamka oo ugu baaqday maamullada Puntland iyo Galmudug in ay dejiyaan xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo

Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Maraykanka, Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Sweden iyo Taliyaaniga ayaa muujiyay inay aad uga walaacsanyihiin wararka sheegaya in xiisadi ka aloosantahay magaalada Soomaaliyeed ee Gaalkacyo ka dib makii uu dagaal halkaas ka dillaacay 22kii bishan November taasoo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Boqolaal ka mid ah dadka rayidka ah ee degan magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa ka barakacay iyagoo ka baqaya inay mar kale soo noqoto colaadda u dhexeysa ciidamada amaanka Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo si halis ah isu horfadhiya, iskastoo ay odeyaashu xabad-joojin dhexdhigeen afar maalmood ka hor.

“waxaan soo dhoweynaynaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku doonayo inuu ku dejiyo xiisadda kacsan kuna gaaro xal waara, waxaana labada dhinac ugu baaqaynaa inay kala shaqeeyaan Ra’iisal Wasaaraha. Waxaan sidoo kale ammaanaynaa dadaalka ay bixiyeen odeyaasha ka kala socda waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo si ay u soo celiyaan xasilloonida ayna uga hortagaan dagaal dillaaca.

“Waxaan ugu baaqaynaa hogaanka Puntland iyo Galmudug inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal nabad ah kana wada shaqeeyaan sidii loo kaalmeyn lahaa dadka rayidka ah eek u barakacay dagaalkii dhowaa. Waxaan sidoo kale madaxdaas ugu baaqaynaa inay ciidamadooda amaanka ku armaan inay colaadda joojiyaan ayna si nidaamsan uga saaraan khadka kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo si looga hortago dhiig kale oo la daadiyo.”