Beesha caalamku waxay ku boorinaysaa madaxda Madasha Hogaanka Qaran in ay xoojiyaan isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo sharciyadda geedi-socodka doorashada

21 Dec 2016

Beesha caalamku waxay ku boorinaysaa madaxda Madasha Hogaanka Qaran in ay xoojiyaan isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo sharciyadda geedi-socodka doorashada

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay si dhow ula socdeen hawlaha Guddiga Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GMXKhD) iyagoo tixgelinaya warbixinada tirade badan ee kusaabsan wax isdabamarino halis ah oo dhacay intii lagu guda jiray geedi-socodka doorashada, waxaana kamid ah laaluush, caga-juglayn, af-duub, ku-feegaarid liisas ergo iyo in lagu guul darraystay u-hogaansanaanta shuruudaha waajibka ah ee ahaa in saddexdii kursiba mid loo asteeyo musharaxiinta haweenka ah.

Saaxiibada caalamku waxay codsadeen in faahfaahin laga bixiyo sida 24kii kuraas ee GMXKhD uu ka baaraan-degayay loogusoo koobay kow iyo toban. Waxay carrabka ku adkeeyeen in GMXKhD mas’uuliyad ka saarantahay inay shaaciyaan sababaha iyo caqliga ka dambeeya in kuraasta qaar laga saaro qaarna lagu daro liiska xubnaha doorashadooda lagu celinayo.

Saaxiibada caalamku waxay ku adkeynayaan Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) iyo GMXKhD in baaxadda wax isdabamarinada la cadeeyay ay saldhig u noqoto go’aan ka-gaarista natiijada doorasho ee la burrinayo/baabi’inayo, doorashadoodana lagu tartamayo mar kale.

Dadka cabanaya waxay walaac ka muujiyeen jawaab celin la’aanta GMXKhD. Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo adeegsanaya warbaahinta xiriirka bulsho iyo qalab kale oo isgaarsiin, ayay sidoo kale welwelkooda ka muujiyeen xogta aan laga haynin go’aanada GMXKhD.

Iyadoo loo danaynayo isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo kalsoonida lagu qabo [geedi-socodka], ayaa saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan GMXKhD inay shaaciyaan cabashooyinka iyo sida ay wax uga qabteen. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa MHQ, oo ah awoodda ugu sarreysa ee soo dhistay GMXKhD, mas’uuliyadna ka saarantahay ilaalinta sharciyadda geedi-socodka doorashada, inay la shaqeyso GMXKhD si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan laga yeesho kiisaska dacwooyinkii ugu xumaa ee xad-gudub doorasho. Geedi-socodka doorashada waa in si dhakhso leh loosoo gabagabeeyaa, kuna dheehantahay guul iyo ku-kalsoonaan.

Saaxiibada caalamku waxay carrabka ku adkeynayaan haddii MHQ ay tallaab ka qaadi weyso xadgudubyada doorasho ee halista ah, inay taasi saamayn ku yeelan doonto sharciyadda dowladda ka dhalan doonto geedi-socodkan, iyadoo marka dambana saamayn doonta xiriirka dowladdaasi kala dhaxayn doona beesha caalamka. In la ogolaado la-xisaabtan la’aan sii socota waxay sumcad xumo ku nooqonaysaa dhamaan xubnaha MHQ, waxayna tusaale aan fiicnayn u noqonaysaa doorashooyinka 2020.

“MHQ waa inay go’aan ka gaartaa kuraasta lagu muransanyahay ee Golaha Shacabka, go’aankaasina ku gaarto si dhakhso leh oo ku salaysan cadaalad ay si guud u aqbali karaan dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka,” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Iskuday kasta ee la iskaga indha-tirayo wax isdabamarinada halakeeyay codbixinta qaar, kuma ekaan doono oo kaliya inuu saameeyo ogolaanshaha natiijada geedi-socodka doorashada iyo inuu wax u dhimo sharciyadda dowladda cusub ee la filayo, laakiin wuxuu dan u yahay qaswadayaal iyo kooxaha xagjirka ah ee ujeedadoodu tahay inay sumcadda ka dilaan geedi-socod laga gaaray uwadadhamaan ballaaaran iyo matalaad ka badan tii hore oo haweenku ku yeesheen siyaasadda Soomaaliya.”

 

# # #