Billowga ololaha caalamiga ah ee ka hortagga Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga awgiis, ayaa QM waxay iftiimisay baahida loo qabo in horumar laga gaaro Soomaaliya

25 Nov 2019

Billowga ololaha caalamiga ah ee ka hortagga Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga awgiis, ayaa QM waxay iftiimisay baahida loo qabo in horumar laga gaaro Soomaaliya

Muqdisho –​ Billowga ololaha sanadlaha ah ee caalamiga ah ee soconaya 16ka maalmood ee looga soo horjeedo xadgudubka ku saleysan dhedig-labka iyo jinsiga, ayaa Qaramada Midoobay waxay maanta muujisay muhiimada uu leeyahay horumar laga gaaro arrimahaas. 

“Rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo rabshadaha galmada waa qaab lagu caburiyo ka-qeybgalka siyaasadeed, bulsho, iyo dhaqaale ee haweenka iyo gabdhaha. Haddii kalabar bulshadu aanay ka-qaybqaadanin [hawlahaas], lama gaarayo nabad iyo horumar waara, ”ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

"Ka-hortagga iyo soo afjaridda xadgudubyada ku saleysan jinsiga iyo galmada waa arrimo lagama maarmaan u ah Soomaaliya si ay u gaarto mustaqbal ka wanaagsan kan hadda jira," ayuu raaciyay.  

Ololaha 16ka Maalmood ee u Hawlgelidda la Dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga wuxuu billaabanayaa 25ka Nofembar, oo ku beegan manta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna soo idlaanayaa Maalinta Xuquuqul Insaanka. Halkudhigga ololaha sanadkan waa ‘Iftiimi Mustaqbalka Dunida: Sinnaanta Jiilka Waxay Ka Hortegeysaa Kufsiga’     

Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay 2012kii wuxuu dalka u ballan qaadayaa ciribtirka  takoorka sabab kasto ha lahaadee, oo uu ku jiro jinsiga, wuxuuna mar kale xaqiijinayaa xaqa lama taabtaanka ah ee qof kasta u leeyahay bed-qabka jir ahaaneed. Iyadoo tallaab kale horey loosii qaadayo, ayaa bahda Qaramada Midoobay waxay ku boorinaysaa Baarlamaanka, oo weliba mudnaan la siinayaa, in uu ka baaraan dego uuna meel mariyo Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga. 

Sida ku xusan xog lagusoo ururiyay Hanaanka Maareynta Xogta Ku Saabsan Xadgudubyada Ku Salaysan Jinsiga  (GBVIMS), marka la eego tirada guud ee dhacdooyinkii dhacay intii u dhexeysay Janaayo ilaa September 2019, kufsiga ayaa noqday 15 boqolkiiba, halka xadgudubka jinsiga ay noqdeen 13 oqolkiiba. Helitaanka cadaaladda ayaa ahayd arrin adag, iyadoo dhibanayaal fara badan ay ka baqayaan aargoosi uga yimaada dembiilayaasha iyo ceebeyn ay kala kulmaan bulshada. 

Bahda UN ee ka hawlgasha Soomaaliya waxaa ka go'an inay taageerto dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si ay ugu caawiyaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed sidi ay ku gaari lahaayeen himiladooda oo buuxda uguna noolaan lahaayeen nolo ka maran xadgudub noocyadiisa oo dhan.