Binti Ibraahim Cali – iftiinka dhalaalaya haweenka Soomaaliyeed ee raadinaya in ay cod ku lahaadaan bulshada

Binti Ibrahim Ali, Deputy Minister of Human Rights and Family Affairs in the Interim South West Administration.

17 Apr 2017

Binti Ibraahim Cali – iftiinka dhalaalaya haweenka Soomaaliyeed ee raadinaya in ay cod ku lahaadaan bulshada

Binti Ibraahim Cali waxay nolasheedii hore ku qaadatay dalka Kenya; iyadoo ka carartay Soomaaliya iyada iyo waalidkeed culeyska dagaalada sugeeye owgiis.

Markii dagaalka dhamaaday, waxay kusoo laabatay Soomaaliya si ay u caawiso dib-u- dhiska wadankeeda; laakin burburka ay aragtay waa mid cajiib ah, sidaa ayay sheegaty.

“Burburka wuxuu ku dhacaa ilbiriqsiyo, soo kabashada iyo dib-u-dhiska waxay qaadataa waqti,” ayay tiri

Xaalada dalkeeda ku suganyahay ayaa ku dhiiragalisay iney ka shaqeyso shaqooyin bulsho, si ay u caawiso dadka Soomaaliyeed kuwasoo ka cabanaya saameyntii dagaalka.

“Heerka burburka waa mid aan la rumeysan Karin xilligii dagaalka sugeeye. Arintaa ayaa igu qasabtay inaan go,aansado inaan wax u qabto dadkeyga,” ayay tiri.

Shaqada bulshada ayaa ku riixday iney gasho siyaasada iyadoo maanta Binti ah ku xigeenka Wasiirka Xuquuqal Insaanka iyo Arimaha Qoyska ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Binti ayaa dowrkeeda u isticmaashay ka Wasiir ku xigeen ahaan iney hormuud ka  noqoto dadaalada dib-u-heshiisiinta ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyada iyo saaxiibadeed.

Waxay qeyb muhiim ah ka aheyd xalinta xasarada qabiilada degan Marka iyo Afgooye; iyadoo xaqiijisay in dadkii khilaafyada galaafteen ee qaxay helaan wado amaan ah iyo iney guryahooda si nabad ah ugu laabtaan.

Binti waxay mar walba isku keentaa wakiilada kooxaha haweenka gobolada Baay, Bakool iyo shabeelada Hoose iyadoo u qabata wacyi galin ku aadan awood siinta haweenka iyo xuquuqda caruurta.

“Waxa jira agoon fara badan iyo caruur darbi jiif ah waxaan ka codsanay Heya,da Qaramada Midoobey ee Qaxootiga Aduunka  iyo World Vision iney naga caawiyaan dhismaha xarun la jiifiyo caruurtan si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan,” ayay tiri Binti.

“Waxay u baahanyihiin waxbarasho sare iyo waxay ku bilowdaan ganacsi.”