Booliiska UNSOM

previous next

 

MAS’UULIYADDA LOO IGMADAY

Qaybta Booliska UNSOM waa cutub ka mid ah Kooxda UNSOM Uqaabilsan Garsoorka iyo Ammaanka (ROLSIG). Booliska UNSOM waxaa loo igmaday inay tallooyin siyaasadeed oo istaraatiiji ah siiyaan dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed si kor loogu qaado  sareynta sharciga iyo in la abaabulo lana xoojiyo adeega booliska federaalka oo awood leh lalana xisaabtamayo,oo ay shaqadiisa ku saleysan ilaalinta xuquuqda muwaadinka. Iyadoo shaqooyin kalena loo igmaday, ayaa Booliska UNSOM waxa uu taageerayaa Dawladda Federaalka si loo hirgeliyo nidaamka la federaaleeyey ee booliska, si kor loogu qaado ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo awood-siinta haweenka, kor u qaadida ilaalinta carruurta, iyo ka hortagga tacadiyada la xiriira xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku salaysan (SGBV).

Booliska UNSOM wuxuu sidoo kale si dhow ula shaqeeyaa ATMIS, EUCAP, Kooxda Qaramada Midoobey Uqaabilsan Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha Caalamka, wuxuu sidoo kale isku duwaa taageerada deeq bixiyayaasha ee la xiriirta arimaha booliska.

Qaab-dhismeedka

Qaybta Booliska ee UNSOM waxay ka kooban tahay Taliye Booliis, La-taliye Sare oo Booliska Qaramada Midoobey ah, Isku-Duwaha Sare ee Booliska, Madaxa Qorshaynta Booliska, iyo Shan iyo Toban Sarkaal oo Boolis ah.

La-taliyayaasha Booliska UNSOM ayaa waxaa laga howl-geliyaa magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Jubaland, Puntland, Koofur Galbeed, and Somaliland. Laga bilaabo Agoosto 2022, shan iyo toban sarkaal oo booliis ah oo ka socda siddeed waddan oo Qaramada Midoobay ka tirsan oo kala ah: (Brazil, Finland, Germany, Kenya, Sweden, Thailand iyo Zimbabwe) ayaa lagu soo darey booliska UNSOM.

SHAQOOYINKA/MASHAARIICDA

Qaabka Cusub ee Booliska NPM)

 

Booliska UNSOM wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ka Taageeraa sidii loo hirgelin lahaa qaab-dhismeedka cusub ee booliska kaas oo ku saleysan heshiis siyaasadeedkii 2016 ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran. Heshiiskaas waxaa lagu xoojiyey in lagu soo darey Qaab-Dhismaha Amniga Qaranka ee 2017, waxaana uu taageero ka heley heshiiskii Amniga ee shirkii London ee looga hadlaayey arimaha Soomaaliya ee 2017. Qaabka Cusub ee Booliska wuxuu tusaaleynayaa qaabdhismeedka nidaamka boolis federaal ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Guddiyo farsamo oo dusha kala socda dhaqan gelinta Habka Cusub ee Booliska ayaa ka howlgala Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed. Guddiyada Farsamada waxaa ka mid ah wakiillo ka kala socda wasaaradaha ay hoostagaan hay’adaha booliska, Taliska Booliska Dowlad Goboleedka, iyo wakiillada kale ee matalaya hay’adaha ku lug leh howlaha booliska. Guddiyadu waxay soo saareen Qorshayaasha Booliska Dowlad Goboleedyada oo ay ansixiyeen Golaha Amniga Qaranka 3dii Diseembar 2017. Mashaariicda mudnaanta leh ee ka soo baxaya qorshayaashan waxaa la horgeynayaa Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska si loo meel-mariyo.

Wargeysyada Hanaanka Cusub ee Booliiseynta (2017 - 2020)

WARGEYSYADA 

  1. Wargeysa Booliiska UNSOM-Sebteembar 2023
  2. Wargeyska Booliiska UNSOM-Juun 2023
  3. Wargeyska Booliiska UNSOM-Maarso 2023
  4. Wargeyska Booliska UNSOM-Diseembar 2022
  5. Wargeyska Booliska UNSOM-Oktoobar 2022
Taageeridda Barnaamijka Wadarka ah ee Booliska

Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska wajigiisa 1aad waa mashruuc ay ku kacayso qarash dhan $54 milyan oo doolar kaas oo soconaayo laga soo bilaabo 2018 ilaa 2023, wuxuuna booliska federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka taageeraa sidii loo fulin lahaa Qaabka-dhismeedka Cusub ee Booliska dalka ee labada heer ka kooban. Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska wuxuu awood siinaysaa in si hufan oo wax ku ool ah loo qaybiyo agabka booliska iyo kobcinta iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan oo dhexmara howl-wadeenada Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, isagoo ka keenaya deeq-bixiyayaasha Jarmalka, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska maalgelinta hal barnaamij oo loogu talagalay booliiska. Booliiska UNSOM waxay kala taliyaan Guddiga Sare ee Barnaamijka arrimaha la xiriira hirgelinta Habka Cusub ee Booliska iyadoo loo maraayo taageerada barnaamijka oo ay ku jiraan qalabka taageerada aan wax dilin iyo kaabayaasha; gunnada booliska; tababarka booliiska; horumarinta qaab-dhismeedka sharciga; kormeerka rayidka iyo maamulka booliska; iyo Daraawiishta.

Ka-hortagga iyo wax ka qabashada xadgudubyada Galmada & jinsiga ku salaysan

Booliska UNSOM wuxuu la shaqeeyaa UNSOM qaybta ilaalinta haweenka iyo carruurta, Kooxda Qaramada Midoobay, iyo Booliiska Soomaaliyeed si ay u bixiyaan hab isku dubaridan oo dhinacyo badan leh si looga hortago oo loo baaro xadgudubyada galmada iyo ku saleysan jinsiga iyo tacadiyada galmada la xiriira iyo xadgudubyada ka dhanka ah carruurta. Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa loona hagaajin lahaa ilaalinta iyo taageerada haweenka iyo carruurta. Tallaabooyinka sida wacyi-gelinta iyo taageeridda in haweenka laga shaqaaleysiiyo booliiska Soomaaliya ayaa sii socda. Booliska UNSOM, iyo hay'ado kale oo Qaramada Midoobay ah, ATMIS, Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sidoo kale taageeray samaynta miisaska xaaladaha haweenka ee kow iyo toban goobood oo Soomaaliya ah.

Iskaashiga ATMIS and EUCAP

Booliska UNSOM wuxuu la shaqeeyaa Howl-galka Kumeelgaarka ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo Howl-galka Midowga Yurub ee Tayeynta Soomaaliya (EUCAP) cutubka booliska ayaa u taagan inuu taageero qorsheysan siiyo booliska Soomaaliya. Booliska UNSOM waxa ay leeyihiin la taliye la magacaabay si uu ula xiriiro ATMIS iyo EUCAP si loo waafajiyo qorshayaasha booliska. Booliska UNSOM ayaa sidoo kale ku lifaaqan booliska ATMIS ee Muqdisho si loo xoojiyo wada shaqaynta iyo taageerada booliiska ee ka dhaxaysa ATMIS iyo UNSOM. Isku-dubbaridka heer hoggaan ayaa ka muuqda Kismaayo, Baydhabo, iyo Beledweyne, halkaas oo labada ururba ay geeyaan la-taliyayaal booliis caalami ah.

Gudi-hoosaadyo Shaqo ee Booliska

Guddi-hoosaadyada Shaqo ee Booliska (SWGP) ee hoosyimaada Hoggaanka Isku-dubaridka Arrimaha Amniga ee loo yaqaano Dhabaha Dhameystiran ee Amniga (CAS) Qaybta 2B waa madal isku dubarid istaraatiiji ah oo ku lug leh Adeegyada Booliska Soomaaliyeed iyo beesha caalamka. Booliska UNSOM waa xoghaynta Guddi-hoosaadyada Shaqo ee Booliska (SWGP) waxayna taageertaa shirgudoomiyayaasha ka kala socda Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jarmalka.

Hoggaanka Horumarinta Xirfadda Booliska

Booliiska Soomaaliya iyo saaxiibadiisa beesha caalamka waxay isku dubbaridaan tababarka booliiska iyo howlaha la xiriira horumarinta xirfad ahaaneed iyadoo ay fulinayaa Hoggaanka Horumarinta Xirfadda Booliska (PPDB). Guddigan ayaa waxaa si wadajir ah u hogaamiya Waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska UNSOM. Xubnaha guddigan ayaa waxaa ka mid ah saraakiil booliska Soomaaliyeed ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, xubno ka socda hay’ado caalami ah iyo saaxiibada labada dhinac ah. Horumarinta Istaraatiijiyadda Tababarka Booliska Soomaaliya ayaa socota iyadoo taageero laga helayo Booliska UNSOM iyo UNDP oo uu maalgelinayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska.

Arrimaha Booliska iyo Xaasaasiyadda Jinsiga

Qaramada Midoobey waxay dhiiragelineysaa arrimaha xaasaasiga ah ee jinsiga la xiriira ee booliska iyadoo la aqoonsanaayo baahida kala duwan ee rag, dumar, gabir iyo wiilba ay amniga u qabaan amniga. Booliiska UNSOM wuxuu u ololeeyaa in la kordhiyo tirada haweenka booliiska ah iyadoo la aqoonsanayo in saraakiisha booliska haweenka ah ay gacan weyn ka geystaan ​​ howlaha ballaaran ee amniga  haweenka iyo carruurta waxayna kaalin lama aasaasi ah ka ciyaaraan hay'ad kala duwan oo boolis.

UNSOM waxaa loo igmaday in ay gacan ka geysato dhisidda awoodda Dowladda Federaalka Soomaaliya si kor loogu qaado ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo awood-siinta iyo ka hortagga xad-gudubyada ku saleysan jinsiga ee xilliyada colaadaha, oo ay ku jirto bixinta La-taliyayaal dhanka jinsiga ah. Qaybta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid oo ah 64% matalaadda haweenka marka loo eego halbeegyada caalamiga ah ee sanadka 2022.

SHAQOOYIN

Booliiska Qaramada Midoobay waxaa inta badan ka bannaan ​​tiro shaqooyin lataliye booliis ah kuwaas oo Dawlad goboleedyada usoo magacaaban karaan saraakiil booliis oo shaqaynaya. Saraakiisha boolis ee aan howl-gabka ahayn ee danaynaya shaqooyinka iyo maamul goboleedyada raba inay cid soo magacaabaan waxay waxbadan ka ogaan karaan lifaaqan https://police.un.org/en/vacancies

Fadlan la xiriir hoggaankaaga booliska haddii aad daneyneyso shaqooyinkan bannaan.