Booqashadiisii Garoowe, Ergeyga QM wuxuu cadeeyay baahida loo qabo midnimo iyo is-afgarad si looga gudbo caqabadaha u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul-Gobolleedyada

10 Mar 2020

Booqashadiisii Garoowe, Ergeyga QM wuxuu cadeeyay baahida loo qabo midnimo iyo is-afgarad si looga gudbo caqabadaha u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul-Gobolleedyada

Garoowe — Horumarka lagagaary iyo caqabadaha wali jira ee la xiriira ahmiyadaha qarank ee Soomaaliya ee sannadka 2020 — oo ay ku jiraan dayn cafinta, qabashada doorashooyinka qof iyo cod, xoojinta amniga iyo dhammaystirka Dastuurka qaranka — ayaa kamid ahaa mawducyada looga hadlay kulanka maanta dhex maray hoggaanka maamul goboleedka Puntland iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Waxaa kaloon la wadaagay walaaca dhabta ah ay beesha caalamku ka qabto khatarta ay leedahay jahwareerka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah — aragtida Qaramada Midoobay waa inay hoggaamiyaasha Soomaaliya si deg deg ah isugu yimaadaan, iyagoo eegaya midnimada qaranka, si looga gudbo kala duwanaanshaha, loona helo is afgarad ku saabsan sida ugu fiican ee horay loogu dhaqaaqi karo iydoo la eegaayo danaha ummada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Madaxa Qaramada Midoobay oo hadlay kaddib kulan uu madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, kula qaatay magaalada Garoowe, intii lagu guda jiray mid ka mid ah booqashooyinkiisii caadiga ahaa ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo madaxda dawlad-goboleedyada lagala hadlo arrimo maxalli ah iyo kuwa qaranka.

Madaxweyne Deni ayaa ii sheegay in qorshuhu yahay , asbuuca soo socda, in lagu qabto guud ahaan deegaanada Puntland, wadatashi loo dhan yahay oo looga wadahadlaayo arrimo muhiim u ah Puntland iyo qaranka,” Md Swan ayaa yiri. “Waxaan ku rajoweynahay inaan ogaado natiijada kasoo baxday dadaalladaas,” ayuu daba dhigay.

Wadahadalkoodu wuxuu sidoo kale taabtay arrimo la xiriira dadaallada gudaha ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, dimuqraadiyada iyo amniga, iyadoo ay ku jirto Qorshaha cusub ee Horumarinta Puntland— kaasoo bahda Qaramada Midoobay ee Puntland jooga ay ay ku howlanaayeen ayna rajeyneynayaan in ay sii  taageeraan— iyo shaqada Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, kaasoo maamulka Puntland u horseedaya hirgelinta ballan qaadkeeda dimuqraadiyada iyo qabashada doorashooyinka gudaha.

Arrinta la xiriirta rabshadaha soo noqnoqda ee ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa sidoo kale lagu soo qaatay wadahadalka, gaar ahaan baahida loo qabo in lasoo afjaro loona abuuro fursad hawlaha nabad-dhisida iyo in la xaqiijiyo xaaladaha muhiimka ah si Qaramada Midoobay loogu sahlo inay ballaariso taageeradeeda dadka deegaanka.