Boqollaal qof ayaa kasoo qayb-galay shirkii ugu horeeyey ee Teknolojiyada Soomaaliya

28 Oct 2018

Boqollaal qof ayaa kasoo qayb-galay shirkii ugu horeeyey ee Teknolojiyada Soomaaliya

Muqdisho - Dadka qaar, tiknoolijiyada iyo adeegsigeedu ma aha wax maskaxda ku soo dhaca marka bulshada nolosha casriga ah ee maantu ka fakarayaan Soomaaliya.

Dadaalo ayaa socda si taas loo baddalo.

Caasimada dalka, Boqolaal qof – oo ka mid ah da’a yarta ganacsiga abuurtay iyo maal-gashadayaal – ayaa kasoo qaybgalay todobaadkan shirkii ugu horeeyey Tiknoolijiyada ee Muqdisho, oo ay gacan ka geysato xarun iRise, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo haayado kale.

Ka qaybgalayaasha shirku waxay wadaageen aragtiyo ku aadan sida ka faaidaysiga tiknoolajiyadu ay kor ugu qaadi karto gaadhista houmar waara, iyada oo lagaga hadlay fikradaha kala gedisan ee ku saabsan arrimo door ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha laga dhaxlay isbedelka cimilada si loo casriyeeyo horumarinta magaalooyinka iyo kobcinta awooda bulshada ee u adkeysiga in ay wajahaan caqabadaha la xiriira magaaleynta.

Lataliyaha sare ee xafiiska ra'iisal wasaaraha, Cabdiqani Jaamac, oo ka hadlay xidhitaankii shirka saddexda maalmood qaatay ayaa ku nuuxnuuxsaday sida xukuumadda federaalka ah ay ugu hawlan tahay dejinta siyaasaddo iyo xeerar wax ku ool si loo xoojiyo taageerada iyo dhiirigalinta dhalinyaradda ganacsatada ahi u hindisi lahaayee tiknoolijiyado ku haboon baahiyada dalka ka jira.

Sidoo kale waxa sii xoojiyey Wasiirul Dawlaha Cabdullaahi Xaamud oo yidhi "Qayb ka mid ah ballanqaadka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Ra'iisul Wasaaraha laftiisa, ayaa ah in magaaladan iyo Soomaaliya guud ahaan, in la abuuro jawi dhiirigalinya maalgashiga, si loo soo jiito maal-gashadayaal caalami ah si Soomaaliya looga dhigo, dalka ugu wanaagsan dalxiiska iyo maalgashiga.

Xoojinta Horumarka, Shaqo abuurista 

Ka qaybgalayaasha shirkii Tiknoolajiyada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in xarumaha tiknoolajiyada ee casriga ahi ay door muhiim ah ka ciyaari karaan xoojinta horumarka iyo isbedelada tiknoolajiyadeed, iyada oo doodu ku wajahnayd dhiirigalinta dhalinyaradda iyo in ay ku biiraan xarumahan.

"Xarun tiknoolaji marka la samaynayo ugu horeyn waxay u baahan tahay in la abuuro bulsho, waa in ay noqotaa goob ganacsiyada kala duwan ay ku wada xidhiidhaan isla markaana u abuuraan jawi suurto galinaya wadashaqeynta iyo fikrado iswaydaarsiga dhexdooda. Sidoo kale waa in xaruntu u diyaarisaa goob maalgashadayaashu isugu yimaadaan, isla markaana ay u isticmaalaan xarunta si ay kor ugu qaadaan ganacsiyadoooda” Sidaa waxa tidhi Esther Matte, oo kamid ahayd kasoo qayb galaasha ahna khabiir tiknoolaji ah oo fadhigeedu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi.

"Xaruntayadu waxay bixisaa adeegyo kala duwan sida goob shaqo iyo maamulida barnaamijyadda, waxaanan kobcinaa dhalinyara si ay u awoodaan inay shaqeeyaan isla markaana u abuuraan fikrado cusub," ayuu yidhi ka qaybgale kale, Axmed Cabdulqaadir, oo ka hawlgala xarunta Somali Innovation Hub.

Bulshada Soomaalida waxa boqolkiiba 70 ay yihiin da’da ka yar 35 sano. Laakiin tirakoobyadu waxay muujinayaan in heerka shaqo la'aanta ee waddanku uu dhaxalsiiyey in ay tahriibaan iyaga oo safar si sharci darro ah u taga wadamada shisheeye ama ugu biiraan ururada xarjirka ah. Inkastoo shirkan ku aadanaa sida tiknoolijiyada iyo casriyeynta adeegyadu ay dalka ka caawin karaan dib u dhiska tobanaan sano oo iska horimaadyo hubeysan iyo xasilooni daro ka dib, waxa sidoo kale lagaga hadlay sidoo dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo oo loo marayo dedaalada horumarinta tiknoolijiyada iyo ganacsiga.

Sameynta Jawi wanaagsan oo sahlaya horumarinta Tiknoolajiyada

Wakiilo ka socday hay'adaha Qaramada Midoobay oo ka qaybgalay shirka ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la sameeyo jawi wanaagsan oo u sahlaya da’yarata doonaysa isticmaalka tiknoolajiyada si loo xalliyo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee soo foodsaartay dalkooda, gaar ahaan horumarka ka jira qaybta teknoolajiyadda Soomaaliya ee ay qabteen Soomaalida qurba-joogta ah ee ku soo noqday dalkan geeska Afrika.

"Kulankani wuxuu bogaadiyey waxqabadka qurba-joogta Soomaaliyeed iyaga oo noqday buundo isku xidhaysa dadka iyo dalka - xubnaha qurbo-joogtu waxay noqdeen horumariye dabiici ah," ayuu yiri Isku-duwaha Barnaamijyada Hay'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Marc Boyd.

"Soomaliya, waxaan ka gaysanaa taageero, gaar ahaan, waxaan ka caawineynaa dhalinyarada in ay helaan shaqooyin iyada oo loo marayo mashaariicda horumarinta iyo xarumaha shaqo. Waxaanu adeegsanaynaa tiknoolijiyada iyo adeegyada casriga ah" ayuu yiri mas'uul ka tirsan Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay, Atul Shekhar, isagoo ka hadlaya dedaalada dibu dhiska kaabayaasha waxa uu yidhi "Waxaan dhalinyarta ka caawinaynaa sidii ay u awoodi lahaayeen in ay naftooda u abuuraan firsado shaqo."

Shirku waxa uu daba socday ka dib markii sanadkii hore la daahfuray mashruuca teknooloojiyada ugu horreeya ee Soomaaliya, iRise, kaas oo dhiirigalinayay kor u qaadida iskaashiga u dhaxeeya ganacsatada iyo maalgashadayaasha, iyada oo sidoo kale bixinayo ilo dhaqaale oo ganacsatada bilowga ah ka saacida arrimaha, sida tababarka ganacsiga, la-talin, qiimeyn mashruuc iyo taageero inta lagu jiro  marxalada ganacsigu bilowga yahay.

"Waxyaalaha ay hay'adaha horumarintu sameyn karaan waxaa ka mid ah in ay maalgashi ku samayn karaan shirkadaha bulshada, kuwaas oo xallinaya dhibaatooyinka bulshada," ayuu yidhi mid ka mid ah aasaasihii ururka iRise, Awil Cusmaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku dooday doorka teknoolojiyada ee bulshada, iyaga oo xusaya in si looga hortago saboolnimada iyo dib-u-jiheynta horumarinta si loo inta ka horeysa 2030, tiknoolajiyadu waxay keeni kartaa xalal farsamo oo la awoodi karo kuwaas oo la balaadhin karo sannadaha soo socda si loo gaadho horumar waara.