Cabdifatah Xassan Cali: Dagaalka loogu jiro xuquuqda dijitaalka ah iyo helista Internet ay u dhanyihiin Soomaalidu

20 Jul 2020

Cabdifatah Xassan Cali: Dagaalka loogu jiro xuquuqda dijitaalka ah iyo helista Internet ay u dhanyihiin Soomaalidu

Xuquuqda dijitaalka ah maahan waxa durbadiiba kugu soo dhacaya marka laga hadlayo horumarka Soomaaliya, laakiin Cabdifataax Xasan Cali ayaa isku dayaya in uu taas beddelo.

Ololeeyahan oo 33 jir, ayaa ku caan-baxay dhaqdhaqaaqiisa ku aaddan xuquuqda dijitaalka ah ee Soomaalida. Dadaalkiisu waa mid waqtiga la socda, in kasta oo aysan wali si ballaaran u adeegsan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Internetku wuxuu door muhiim ah ka qaataa isku xirka soomaalida dalka joogta iyo kuwa ku nool dalka dibaddiisa, ka billow isku xirka qoysaska iyo saaxiibada, baahinta wararka ilaa ganacsiga.

Maanta, lacagta ayaa si fudud oo dhakhso leh loogu diri karaa shirkadaha xawaaladaha ay Soomaalidu leedahay ee ka yimaada dhammaan dacallada adduunka. Gudaha dalka, dadku waxay lacag u diraan nidaamka ku saleysan taleefanka gacanta,”ayuu yiri Mudane Cali. Waxaa intaa dheer, waxaa soo

kordhayay warbaahinta dijitaalka ah ee Soomaalida iyadoo warbaahinta bulshada ay noqotay isha koowaad ee wararka degdegga ah.

Soomaaliya waxaa jiray dad gaaraya 1.33 milyan oo isticmaala internet bishii Janaayo 2020, iyadoo tirada isticmaaleyaasha dalka ay sare u kaceen 7.5 boqolkiiba - ama 113,000 oo qof - laga soo bilaabo 2019, sida laga soo xigtay shirkadda dabagalka adeegsiga dhijitaalka ah ee loo yaqaan 'DataReportal'. Isticmaalka internetka ee Soomaaliya ayaa gaaray 10 boqolkiiba bilowgii sanadkan.

Si kastaba, kobocan ayaa yimid kaddib wacyiga dadweynaha oo ku saabsan ee xuquuqda dijitaalka iyo iyo arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha.

Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa horey uga hadlay baahida loo qabo in diiradda la saaro xuquuqda aadanaha xilligan casriga ah. Sanadkii la soo dhaafay, Wakiilka wuxuu yiri in kasta oo tikniyoolajiyada dijitaalka ah ay horeyba u soo bandhigtay faa'iidooyin badan, haddana kacaanka dijitaalka ah waa xaaladda ugu weyn ee xuquuqda aadanaha isla markaana “faa'iidooyinkeedu waa kuwo aan su’aal la galin Karin, balse waxaa jira xaalado badan oo khatar ah arrintan ku hareereysan.”

Walaacyadaas ayaa horseeday in Mudane Cali iyo saaxiibbadii ay bilaabaan Digital Shelter (DS), oo ah urur bulsho rayidka ah si ay hormuud ugu noqdaan nabadgelyada dhijitaalka, uguna doodaan xuquuqda dijitaalka, u dagaallanka xorriyadda internetka iyo in la xoojiyo waoodda bulshada rayidka ah ee dijitaalka Soomaaliya, Iyadoo loo marayo doodo, qoraallo iyo u qareemid, isagoo ururkan uu ku howlan yahay ka hadlidda iyo horumarinta xuquuqda dijitaalka.

DS waxay aragtaa duni ay dadku ku sii badanayaan isticmaalka internetka iyo aaladaha dijitaalka ay keeneen fursado iyo dhibaatooyin, gaar ahaan kuwa u isticmaalaya internetka inay ku dagaallamaan sabab gaar ah, sida difaacayaasha xuquuqda aadanaha, dhaqdhaqaaqayaasha iyo baloogyada,” ayuu yiri Mudane Cali.

Kororka Isticmaalidda Tiknoolajiyadda

wuxuu ku dhashay kuna koray Muqdisho, Mudane Cali waxa uu bartay oo uu shahaado ka qaatay cilmiga Teknolojiyada ee Jaamacadda SIMAD, caasimadda Soomaaliya, sanadkii 2012. Kaddib markii uu la shaqeeyey koox bulshada rayidka ah oo u doodda xuquuqda haweenka, wuxuu aakhirkii qaatay go’aan seddex saaxiibbadiisa ayaa kula soo biiray, aasaasidda DS 2018.

Aasaaskeeda ayaa yimi iyadoo ay sii kordhayso isticmaalka teknolojiyada Soomaaliya, kaas oo ku faafay bulshada Soomaaliyeed. warbaahinta bulshada iyo baloogyada ayaa awood u siiya saxafiyiinta, u dhaqdhaqaaqayaasha iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha in ay diiwaangeliyaan oo ay soo sheegaan xadgudubyada bini'aadamka, abaabulaanna aragtida dadweynaha, ololaha dib-u-habeeynta, wadaagga macluumaadka, iyo in la dhiso shabakadaha heer qaran.

Si kastaba, sannadihii ugu dambeeyay handadaadda ka dhanka ah xorriyadda hadalka ee internetka - sida dhibaateynta online-ka, khatarta dijitaalka ah ee sii kordheysa iyo guud ahaan baraha bulshada rayidka ah ee internetka oo si aad ah u sii hooseeya - ayaa hoos u dhigay horumarada horay looga sameeyay Soomaaliya.

Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaysan dadku ka warqabin khataraha ay la kulmi karaan markii sirtooda ay waxyeelleeyaan hey’addaha dowliga ah ama kuwa aan dowliga ahayn, ama marka lagu bartilmaameedsanayo aragtiyada ay internetka ku wadaageen.

“Ujeedada loo aas-aasay DS- waxa ay aheyd marka hore in la horumariyo xorriyadda Dijitaalka ah, dadkuna ay si furan ugu dhiibtaan waxa ay aaminsan yihiin/dareenkooda iyagoo wax cabsi ah aan qabin,” ayuu yiri Mudane Cali oo sidoo kale ah Agaasimaha DS.

Ka hortagidda caqabadaha dijitaalka ah iyo hagaajinta khaladaadka iyo aragtida qaldan ee laga heysto dijitaalka iyo xuquuqda dadka isticmaala ayaan ahayn howl fudud, ayay leedahay DS. Marka la eego khilaafka ay Soomaaliya kala kulantay, dad badan ayaa umuuqda inay yareysanayaan khataraha internet-ka, iyagoo su’aal guud ay ka qabaan arrintan: 'Waxaan ku nool nahay wadan si joogto ah dad loogu dilo, hadaba maxaa halis ah oo ka imaan kara dijitaalka ah?'

Sidee ayaan wax uga qabanaa arrinkan? Waxaan wadaagnaa sheekooyinka dhibbanayaasha weerarada internetka, sida haweenka iyo gabdhaha ay ku dhacdeen xadgudubyada dhijitaalka iyo gabood-fallo - adigoon sheegin magacyadooda, dabcan. Waxaan sidoo kale la wadaagnaa sheekooyinka suxufiyiinta, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo kuwa u ololeeya warbaahinta bulshada ee uu oo wajahay weerarro kuwan la mid ah, tanina waxay gacan ka gaysatey in la beddelo aragtida bulshada maxalliga ah ee ku saabsan halista ka imaan karta baraha dijitaalka ah,” ayuu yiri.

Caqabadda kale ee ay DS wajaheyso ayaa ah, iyadoo helitaanka dijitaalka ah iyo adeegsiga ay ku sii badanayaan dadka dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed iyo magaalooyinka, waxaa jira weli dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan kuwa saboolka ah iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka lagacan-bidixeeyey, kuwaas oo ka qadsan internet-ka caqabadaha jira awgood. sida aqoon la'aanta iyo dhibta dhaqaale. Tani waxa ay si gaar ah uga welwelsan tahay DS, maaddaama kuwa aan lahayn helitaanka dijitaalka ah ay halis ugu jiraan in aan codkooda iyo doodoodaba la maqlin.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa geeddi-socodka soo kabashada, horumarka iyo dimuqraadiyadda, taas oo macnaheedu yahay xorriyadda internet-ka, balaarinta bulshada rayidka ah ee internet-ka, ilaalinta xuquuqaha dijitaalka ah maaha kaliya kuwo muhiim ah, laakiin waa in la ilaaliyaa si loo hubiyo inaan dhisno dimoqoraadiyad adag iyo bulsho furfuran oo sidoo kale ah mid dijitaalka u dhan,”ayuu yiri Mudane Cali.

Taageerada caalami ah

Aasaasaha shirkadda DS ayaa hoosta ka xariiqay in wacyigelinta caalamiga ah ee xooggan ee xuquuqda dijitaalka ay keentay in lagu taageero howlaheeda Soomaaliya. Horraantii sanadkaan, DS waxay lacago ka heshay Sanduuqa Xuquuqda Dijitaalka ah ee Afrika, oo ah iskaashi ku saabsan Siyaasadda Caalamiga ee ICT ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (CIPESA), oo ka mid ah laba xarumood oo la aasaasay iyada oo ay taageereyso waaxda UK ee Horumarinta Caalamiga ah. CIPESA waxa ay diiradda saartay go'aan gaarista, kaasoo fududeynaya adeegsiga ICT ee lagu taageerayo horumarka iyo yareynta saboolnimada.

Warbixin la soo saaray Sanadkii 2019-ka oo ay soo saareen Golaha Sare ee Qaramada Midoobay ee Iskaashiga Dijital ah waxay ku baaqeen in mustaqbalka dijitaalku uu noqdo mid amaan ah oo loo dhan yahay. Maadaama nus ka mid ah dadweynaha adduunka aysan weli helin internetka, Guddigu wuxuu ugu baaqay qofkasta oo qaangaar ah inuu helo internet iyo sidoo kale in uu helo dhaqaale u suurgelinaya isticmaalka Ditjitaalka iyo caafimaad wixii loo gaaro 2030.

Waxa kale oo ay sheegtay in iskaashiga ka dhexeeya meeraha dhijitaalka ah uu yahay muhiim, maadaama shaqsiyaadka, hay'adaha, shirkadaha iyo dawladuhu aysan kaligood maarayn karin horumarada dijitaalka ah, iyo himilada iyo nuglaanta adduunka, maadaama ay si qoto dheer isugu xiran yihiin oo aysan kala maarmin.”

Mudane Cali wuxuu si adag u aaminsan yahay in haddii la helo koritaan badan oo dhanka isticmaalka teknolojiyada dijitaalka ah ee Soomaaliya, arrinta xuquuqda dijitaalka ah ay noqon doonto mid quman. Isagoo kaashanaya kooxda 'DS', wuxuu sheegay inuu ka go'an tahay inuu sameeyo wixii karaankiisa ah si uu uga caawiyo walaalihiisa kale ee Soomaalida ah inay ka gudbaan kala-qeybsanaanta dhijitaalka ah.