Cabdinaasir Cabdi: Kaalintiisa sare u-qaadida heerarka waxbarashada ee Soomaaliya

8 Sep 2018

Cabdinaasir Cabdi: Kaalintiisa sare u-qaadida heerarka waxbarashada ee Soomaaliya

Inta badan qalanjebiyayaasha ganacsiga waxaa ay doortaan xifad ku lug leh xisaabaadka, maaliyadda iyo suuq geynta, iyo kuwa kale oo dhowr ah. Cabdinaasir Muxumed Cabdi waa uu ka duwan yahay.

In kasta oo uu jaamacadda ka baxay isagoo wata shahaadada maamulka ganacsiga, 33 sano jirka ayaa go’aansaday in uu sida niyaddiisa ay jeceshahay raaco oo uu baro ardayda kulleejka dhigata maadooyinka luuqadda Ingiriiska, xirfadaha isgaarsiinta, cilmiga bulshada iyo maamulka dadweynaha iyo wixii la mid ah.

Waxaa uu ku aqoonsanayaa arrintani adeerkiis, kaas oo uu aad ugu dhawaa, waayo isaga ayaa ku qalqaaliyay in uu sii wado baridda, ma aha oo keliya xirfad shaqo ahaan balse sidoo kale in ay adeeg u tahay Soomaaliya.

“Waxaan fariisan jiray agtiisa marka uu saxayo shaqada ardayda loo diro waxaa uuna iiga sheekeyn jiray sheekooyin xiiso leh oo ku saabsan xirfadda iyo sababta ay tahay in aan u daba galo oo aan sii wado,” ayuu yiri Cabdinaasir.

“Waxaa uu iga dhigay mid u arko macallimiinta in ay yihiin kuwa xalliya dhibaatada; ayna yihiin dadka bulshada ay u raadsato xalka,” ayuu raaciyay.

Cabdinaasir waxaa uu ku dhashay oo uu ku barbaaray magaalada Beledweyne, caasimadda Gobolka Hiiraan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, dhowr sano ka hor dagaalkii sokeeye ee 1991-dii dhacay, kaas oo horseeday burburkii dowladdii dhexe, ugana tagay qaybta waxbarashada oo si weyn ugu tiirsaneyd maalgelinta dowladda xaalad qasan.

Xitaa markaas, waxbarashadiisa, xaaladdan markii loo fiiriyo – muhiim ayay u ahayd. Waxaa uu inta badan ku qasbanaa in uu iska ilaaliyo xabbadaha si uu u gaaro dugsiyada dhowrka ah ee weli shaqaynayay.

“Way adkeyd in dugsi lagu dhigto deegaan dagaalka uu wax caadi ah ka ahaa. Si kastaba ha ahaatee, waa ay iga go’neyd in aan dhameysto dugsigaygii hoose iyo kii sare,” ayuu yiri Cabdinaasir, isaga oo sheegay in kuwa badan oo ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen aysan uga go’neyn sidiisa oo kale waxaa ayna ku dambeeyeen in ay ka qaxeen dalka ama ay ku biireen kooxaha maleeshiyaadka ah oo ay gacanta ku hayaan dagaal oogayaasha.

Markuu uu dhameystay waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo tii dugsiga sare, ayaa waxaa uu u soo guuray caasimadda dalka ee Muqdisho 2008-dii, halkaas oo uu iska diiwaan geliyay Jaamacadda Simad si uu u qaato shahaado jaamacadeed.

La Kulankiisii dagaalka

Si kastaba ha ahaatee, rabshadihii uu la soo kulmay markii uu dugsi ka dhiganayay magaaladiisii ayaa sidoo kale qayb ka ahayd noloshiisii meeshaas, haddana imaanshihiisii ayaa waxaa ku soo beegmay dagaal xooggan oo lagu dagaalamayo gacan ku haynta caasimadda.

Weli waa uu xasuustaa dhacdo dhacday muddo gaaban ka dib markii u yimaaday taas oo u dhexeysay dagaalyahanno ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo ciidamada Itoobiyaanka ah, kuwaas oo loo soo diray Soomaaliya si ay u taageeraan Dowladda Federaalka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya taas oo halis ugu jirtay dagaal oogayaasha.

“Maalintaas waxaan u socday jaamacadda. Waxaan ka raacay gaadiidka dadweynaha boostaajo igu dhaw. Daqiiqado yar ka dib rag hubaysan oo looga shakisan yahay in ay yihiin dagaal yahanno taageero u ah Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, kuwaas oo laga saaray caasimadda, ayaa weerar ku soo qaaday saldhigga militariga ee Itoobiyaanka ee halkaas ka dhow. Itoobiyaanka waxaa ay billaabeen in ay risaas ugu jawaabaan iyagoo adeegsanaya hub culculus annagana dagaalkii ay na hareereeyay kaas oo socday muddo hal saac ah,” ayuu xusay.

“Mid ka mid ah rakaabkii gaariga ayaa dhintay siddeed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah,” ayuu xusay. Awoodda Alle darteed ayaan uga badbaaday si aan u sii wato waxbarashadayda.

Rabshadaha maalinlaha ah waxaa ay ahayd hal qayb oo ka mid ah caqabadaha uu wajahayay. Dhowr bilooyin ka dib dhacdadaas, Cabdinaasir waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran, kuwaas oo u horseeday in uu billaabo shaqo macallinnimo oo waqti gaaban ah si uu uga helo nolol maalmeedkiisa uuna u xaqiijiyo in uu awoodi karo in uu sii wato waxbarashadiisa.

Waxaa kaloo jirtay sabab kale oo arrintaas ku kallifaysay

“Marka laga reebo in aan lacag sameeyo si aan u dabbaro baahiyahayga aasaasiga aana sidoo kale iskaga bixiyo lacagta iskuulka, waxaan doonayay in aan caawiyo carruurta uu horay argagaxa ku riday dagaalka, in ay helaan waxbarasho maadaama inta badan macallimiinta Muqdisho ku sugnaa ay qaxeen,” ayuu sharraxaad ka bixiyay.

Ku soo laabashadiisii magaaladii uu ku dhashay

Markii uu dhameeyay waxbarashadiisii jaamacadda 2013-kii, Cabdinaasir waxaa uu ku laabtay Beledweyne, isaga oo ku han weyn in uu sii wado bariddiisa uuna kor u qaado heerarka waxbarashada deegaankiisa kaas ay burburiyeen colaado.

Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay leedahay heerka ugu hooseeya ee diiwaanka carruurta da’da dugsiga gaartay heer caalami. UNESCO ayaa ku qiyaastay in ay hadda jiraan 4.4 milyan oo carruur ah oo aan dhigan dugsi, taas oo ka dhigan ku dhawaad kala bar tirada tirada guud ee dalka taas oo ah 9.2 milyan oo qof. Marka loo eego saami ahaan, keliya afar ka mid ah 10-kii carruur ayaa dhigata dugsiyada.

Dhawaan, mas’uuliyiinta waxbarashada Soomaaliya ayaa billaabay nidaam waxbarasho oo midaysan oo isku dheelitiran kaas oo loogu talagalay dugsiyada hoose iyo kuwa sare guud ahaan dalka, kaas oo xaqiijinaya in hal manhaj oo ay ka siman yihiin la baro ardayda, iyadoo aan loo egaynin deegaanka ay ku sugan yihiin.

Cabdinaasir waxaa uu ku rajo weyn yahay in uu awood u leeyahay in uu sare u qaado heerka diiwaangelinta ardayda dalka.

Haddii barnaamijka si wanaagsan loo maareeyo, waxaa uu soo af jari doonaa jawhwareerka ay keeneen manhajyada kala duwan ee laga dhigo dugsiyada waxaa uuna fursad u siin doonaa carruurteena in ay billaabaan in ay helaan waxbarasho tayo leh,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in uu aamisan yahay in sidoo kale dib loo soo celiyo siyaasaddii dowladeed ee waxbarashadii bilaashka ahayd oo khasabka ahayd ee dalka ka jirtay dagaalkii sokeeye ka hor.

Iyadoo dowladda ay xusayso Maalinta Akhriska iyo Qoraalka Adduunka – oo sanad walba la xuso 8-da bisha Sebteembar loona arko in ay tahay fursad lagu muujiyo horumarrada laga sameeyay heerka akhiris-qoraalka adduunka, laguna eego caqabadaha haysta akhris-qoraalka adduunka – ayaa Cabdinaasir waxaa uu muujiyay in aragtidiisa ku aaddan baahida waxbarasho ee Soomaaliya si ballaaran loo wadaagayo, iyadoo laga talinayo aayaha dalka iyo mustaqbalkiisa.

“Haddii ay tahay Soomaaliya in ay yeelato shaqaale wax bartay oo xirfad sare leh, waa in ay waalidiinta billaabaan in ay xil weyn iska saaraan waxbarashada carruurtooda haddii kale dalka horumar ma gaarayo,” ayuu xusay 33 sano jirka.