Cabdisalaan Maxamuud Shire: Weriye Raadiye oo u soo baxay in uu soo gudbiyo, waxna ka beddelo fikradaha laga qabo dadka aan lixaadkoodu dhammeystirneyn

13 Feb 2021

Cabdisalaan Maxamuud Shire: Weriye Raadiye oo u soo baxay in uu soo gudbiyo, waxna ka beddelo fikradaha laga qabo dadka aan lixaadkoodu dhammeystirneyn

Kismaayo – Cabdisalaan Maxamuud Shire waa barnaamij soojeediye ahna weriye ka tirsan Radio Kismaayo, kuna sugan Dowlad Goboleedka Jubaland ee kubeegan koonfurta Soomaaliya.

Halkaas, wuxuu ka soo jeediyaa barnaamij todobaadle ah oo loogu magac daray 'Rajo-side,' soconaayana muddo 30 daqiiqa ah, kaas oo loogu talagay dhiirigalinta iyo rajasiinta dadka lixaadkooda aysan dhameystirneyen, arrintaas oo Cabdisalan Shire asagaba si gaar u tabaneysa, maadaama u aragga naafo ka yahay muddo ku dhow 30 sano.

In uu noqdo weriye idaacadeed oo soo jeediya barnaamij caan ah ma ahayn mid sahlan, laakiin waxa ay ahayd mid ay isaga ka go'antahay in uu ka dhabeeyo.

“Saddex arrimood ayaa igu dhiirrigeliyey inaan ku dhiirado saxaafadda, iyo inaan sii wado xitaa ilaa iyo hadda. Midda koowaad waa in aan wax ka beddelo aragtida bulshada ay ka qabto dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayna ka mid yihiin bulshada xaqna ay u leeyihin sida muwaadinta kale, ”ayuu yiri Mudane Shire.

“Ujeeddada labaad waa u doodidda dadka aan codka lahayn ee katirsan bulshada, sida kuwa la haybsooco, ujeeddada saddexaadna waa in aan wax ka beddelo fikradaha qaldan ee laga qabo dalkayga Soomaaliya, oo inta badan lagu tilmaamo in uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu liita iyada oo aan ognahay in ay sameeyey horumaro la taaban karo tobankii sano ee la soo dhaafay. ”

Sida laga soo xigtay hay'adda aan dowliga ahayn, ee Shabakadda Awood-siinta Naafada Soomaaliyeed oo loo yaqaanno (SODEN), waxaa Soomaaliya ku nool ku dhowaad 1.5 milyan oo naafo ah. Badanaana loo diido fursado shaqo, in ay iskuulo aadaan iyo in ay si buuxda uga qaybgalan bulshada, sidoo kale waxa ay lavkulmaan caqabado badan oo ka hortaagan in ay waxqabsadaan oo barwaaqo gaaran.

Mudane Shire wuxuu ku dhashay tuulada Bandar-Jadiid ee Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland sanadkii 1991. Markii dagaalka sokeeye ka dhaceen Soomaaliya, qoyskiisa waxa ay u qaxeen Kenya sanadkii 1992, waxa ayna aakhirkii ku noolaayeen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, oo noqotay xerada ugu weyn adduunka ee qaxootiga Soomaalida, kuna taalla waqooyi-bari Kenya.

Halkaas, Mudane Shire waxa uu ku qaatay waxbarashada dugsiga hoose ka hor inta uusan ku dhammaysan waxbarashadiisa dugsiga sare magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya.

Inta uu ku jiray waxbarshada dugsiga ayuu kudhashay hamiga saxaafadeed, kadibna waxa u kamid noqday ardeyda kuliyada saxaafada ee koleegka Al-Imra ee magaalada Nairobi.

Ardaygan yari xiligas wuxuu awood u yeeshay inuu waxbarashadiisa ku qaato adeegsiga “Bareelka” oo ah aalad u sahleyso dadka araga naafada ka ah in ay wax ku qoraan ayna ku akhriyaan iyaga oo taabanaya dhibco kor u qaadan oo matalaya xarfaha alifbeetada.

Markii uu dhammeeyay waxbarashadiisa dalka Kenya sanadkii 2016, waxa uu kusoo laabtay Soomaaliya sanadkii xigay isagoo kamid ahaa dadka iskooda dib ugu soo laabtay oo ay taageertay Qaramada Midoobay, Shire ayaa ahaa mid isagu doonayay in uu kamira dhaliyo riyadiisa aheyd in uu ka shaqeeyo saxaafadda iyo inuu caawiyo dadka baahiyaha gaarka qaba.

"Laakiin markii aan ku soo laabtay Soomaalia ma aanan ka helin fursad shaqo oo dhanka warbaahinta maxalliga ah. Si toos ah ii meysan dhihin shaqa kuma siineyno, laakiin ururada warbaahinta intoooda badan wax fursad ah ima aysan siinin- sida ii muuqatay waa uun naafo-nimadayda darteed - laakiin ma niyad jabin, ”ayuu yiri Shire oo dib u xusuustay arrintaas.

Intii uu ku jiray shaqo raadinta, waxa uu la kulmay Agaasimaha Raadiyaha Kismaayo, Xasan Nuur, waxa uuna uga warbixiyay fikradda ah in uu qabto barnaamij gaar ah oo loogu talagalay in lagu falanqeeyo arrimaha dadka lixaadkoodu aysan dhameystirneyn, in la siiyo meel ay ku soo bandhigi karaan codkooda sidii ay uga gudbi lahaayeen takoorka.

“Markii ugu horreysay shaki ayaa iga galay fikirkiisa ah inuu qabto barnaamij idaacad, laakiin markii aan arkay go'aankiisa iyo dhiiranaantiisa, waxaan dareemay baahida loo qabo in la siiyo Cabdisalaam fursad uu ku tijaabiyo barnaamijka gaarka ah ee uu sheegayay- balse natiijadu waxa ay noqotay barnamij idaacadeed oo taxanaha ah, xiisa gaar ahna leh,” ayuu yidhi Mudane Xasan. 

Tabintiisa barnamijyada

Barnaamijkiisii ​​ugu horreeyay waxa uu hawada galay bishii Feberaayo ee sannadkii 2019, waxa uuna hawada ku jiray maalin walba oo khamiis ah saacaddu markay ay tahay 9:00 subaxnimo tan iyo xilligaas.

"Markii hore waan isxilqaamay si aan u soo saaro una soo bandhigo barnaamijkaas muddo dhan hal sano, taasina waxaa sabab u ahaa dareen aad igu weyn oo ah inaan u hadlo dadka aan hadli Karin, taas ayaana I siisay dhiiranaan dheeri ah.”

Ka dib, waxaa laga dhigay shaqaale mushahar ka qaata Raadiyaha Kismaayo. Weli wuxuu wajahayaa caqabado dhanka shaqadiisa ah, inta badan dhanka farsamada, maadaama istuudiyaha idaacadaha ay ka maqan yihiin qalab loogu tala galay dadka araga naafada ka ah, laakiin waa uu u adkeystaa, isagoo inta badan u adeegsada taleefankiisa gacanta cilmi baaris si uu xog dheerad ah uga helo barnaamijkiisa gaarka ah.

Barnaamijka 'Rajo-side' waxaa qiyaastii celcelis ahaan dhagaysta 4,000 ilaa 5,000 oo qof usbuucii. Mawduucyada lagaga hadlo waxaa ay taabanayaan dhinac kasta oo nolosha dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba, oo ay kamid yihiin sidii loo badali lahaa aragtida dadweynaha iyo in laqaado tallaabooyinka wax ku ool oo lagu hagaajinayo fursadaha waxbarasho, iyo sidoo kale dhiirigelintooda.

"Waxaan inta badan soo bandhignaa sheekooyin dhiirrigelin ah oo ka yimaada dadka naafada ah ee iskadiiday in ay isu dhiibaan caqabadaha hortaagan," ayuu yiri Mudane Shire. Sheekooyinkaasi waxa ay siinayaan rajo iyo geesinimo, waxayna ka caawinayaan bulshada inteeda badan inay soo baxaan oo ay gacan ka geystaan ​​sidii wax looga beddeli lahaa sida hadda wax yihiin. ”

Barnaamijka waxa uu sidoo kale leeyahay qayb wicitaan ah oo inta badan dhibaatooyinka lala wadaago, talooyin iyo rajosiina la iskula wadaago. Saxafigan da’da yar waxa u xasuusanayaa maalin uu soa wacay mid ka mid ah  dhagaystayaasha oo uga warantay sida ay ubeeshay arageeda kadib waxyeelo ka soo gaaray qarax haleelay, iyada oo ka sheekeysay hubanti laanta ka heysata in ay sii wadan karto nolosha ka dib dhacdadaas xanuun ka leh .

“Waxaan kula taliyay - taasi in aysan aheyn dhammaadka nolosheeda, iyo in ay guuleysan karto. Barnamijka  ka dibna waan la xariiray, runtiina aad ayey ugu faraxday talooyinka aan siiyay, waxa ayna dareentay dhiirigalin iyo in la taageeray, ”ayuu yiri Mudane Shire oo intaas ku daray in raadiyaha uu meel gaar ah ku leeyahay nolosha dadka aan lixaadkooda dhammeystirneyn.

“Raadiyaha kaliya maahan mid ay ka helaan saacado kooban oo warar iyo macluumaad ah. Xaqiiqdii, sidoo kale waa isha raaxada iyo qalbi qaboojinta. Waxa uu siiyaa dhiirigelin si ay iyagaana u ogaadaan in aysan keligood ahayn, ”ayuu sii raaciyay Mudane Shire.

Aragtidiisa waxaa la qaba ururka naafada Jubaland.

Shaqada wanaagsan ee Mudane Shire u hayo bulshadeena aad baa loo bogaadiyey, barnaamijka uu wado wuxuu gacan ka geystaa hagaajinta samaqabka dadka aan lixaadkooda dhammeystirneyn, runtii waxa uu muujiyey in ay ka go’an tahay soo bandhigida iyo wax ka qabashada dhibaatada dadka lixaadkooda kala dhantaalan tahay, ”ayuu yidhi guddoomiyaha ururka, Abuubakar Maxamed Raage.

Dhageystayaasha ugu ballaaran

Sida laga soo xigtay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), raadiyaha waa warbaahinta guud ee gaarta dhagaystayaasha ugu ballaaran adduunka. Waxaa sidoo kale loo aqoonsan yahay in ay tahay aalad isgaarsiineed oo awood leh oo qiimo jaban, taas oo si gaar ah ugu habboon in ay  gaarto bulshooyinka fog iyo dadka nugul: bulshooyinka leh heerarka hoose ee akhris-qorista, dadka naafada ah, haweenka, dhallinyarada iyo kuwa wajahaya saboolnimada.

Qeybaha firfircoon ee warbaahinta Soomaaliya, raadiyaha ayaa ah habka ugu caansan ee dadku ka helaan wararka iyo macluumaadka bulshooyinka dagan magaaloyinka iyo reer guuraaga labadaba. Sida lagu sheegay cilmi baaris ay sameeyeen xafiisyada kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda, waxaa isticmaala raadiyaha afar qof shantii qof ee Soomaali ah.

Cilmi baaristu waxa ay tilmaamtay in dadku adeegsadaan raadiyaha si ay ula wadaagaan macluumaadka ku saabsan fikradaha ama warbixinnada ku saabsan waxyaabaha saameynaya bulshadooda, iyo in bulshada ku dhisan dhaqanka afka ah barnaamijyadan ay door muhiim ah ka ciyaaraan abuurista iyo ballaarinta shabakadaha bulshada.

Golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa 13 Febraayo u aqoonsaday Maalinta Raadiyaha Aduunka sanadkii 2012, iyada oo ujeedadu tahay in la muujiyo doorka raadiyaha oo ah mid awood badan ku leh dabaaldega aadanaha ee dhamaan noocyadeeda kala duwan iyo sida fursadda uu u siiyo dimuqraadiyadda.

Dulucda xuska sannadkan ayaa ah ‘Dunida Cusub, Raadiyaha Cusub,’ iyada oo u adeegsanaysa adkaysiga raadiyaha iyada oo loo marayo saddex mawduuc oo ah: horumar, muujinta adkaysiga iyo jiritaanka raadiyaha; hal-abuurnimo, oo muujineysa la qabsiga tikniyoolajiyadda cusub; iyo isku xirnaanta, oo muujineysa adeegga uu u hayo bulshada inta lagu jiro masiibooyinka dabiiciga ah, dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale, cudurrada faafa iyo caqabado kale.