Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi: "Riyadeeydu waa in aan wax ka qabto baahiyaha dadka aragga naafada ka ah anigoo u maraya waxbarashada"

previous next
6 Dec 2021

Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi: "Riyadeeydu waa in aan wax ka qabto baahiyaha dadka aragga naafada ka ah anigoo u maraya waxbarashada"

Muqdisho - Mudane Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi wuxuu ku dhashay miyiga gobolka Mudug, Puntland, Soomaaliya, sanadkii 1992, isagoo leh aragiisa. Waa aabbaha hal canug waxa uu ka dhashay qoys xoolo-dhaqato ah. Waxaa la keenay magaalada Gaalkacyo isagoo shan jir ah si uu wax ugu barto dugsi diini ah (Qur’aan) iyo mid maaddi ah sannadkii 1998-kii.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu dhammaystay fasalka afraad ee Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Salaam sannadkii 2001, waxa ku dhacay arrin xanuun badan. "Waxaan wajahay xanuun dhanka indhaha ah, waxaana isla markiiba la ii qaaday dhakhtar indho si la ii daweeyo," ayuu yiri. "Dhakhtarku wuxuu igu sameeyay qalliin indhaha ah, waxaana ugu dambeyn waayay aragga."

Safarka waxbarasho

Markii uu indha beelay, mudane Cabdullaahi waxa ku dhacay niyad-jab, wuxuuna is yiri waxba ma sii baran kartid, sababtoo ah waagaas Soomaaliya, ma jirin nidaam wax lagu baro dadka aragga naafada ka ah. Dadkuna aad uma daneeyneyn arrimaha kuwa baahiyaha noocaas ah qaba.

Laakiin niyad-jabkiisii iyo quusnimadiisu ma sii waarin muddo dheer. Mudane Cabdullaahi ayaa fursad u helay in uu ka soo laabto tuulada Bur-saalax isagoo yimid magaalada Gaalkacyo si uu  waxbarashadiisa u sii wato.

Sannadkii 2005-tii ayuu ku biiray machadka ardayda arraga naafada ka ah ee Al-Basar oo ku yaalla magaalada Garoowe ee Puntland.

“Farxad ayaan la ilmeeyay markii aan ku laabtay dugsiga dhexe saddex sano ka dib, anigoo xiran darayska ardayda. Waxa ay ii ahayd maalin qaas ah, farxaddaydana waxaan la wadaagay saaxiibbadeey,” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi.

Si kastaba ha ahaatee, markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo sannadkii 2008-dii waxa uu ku biiray Dugsiga Sare ee Cumar Samatar, wuxuu mudane Cabdullaahi wax la baranayey arday aan aragga naafo ka ahayn. Taasna waxaa sabab u ahaa la'aanta dugsiyo sare oo gaar loo leeyahay oo waxbarasho siin kara ardayda aragga naafada ka ah, isaga oo aaminsan intaasi ay ku yeelatay saameyn aan wanaagsaneyd oo dhanka tacliinta ah, maadaama aysan halkaasi la heyn qalabka saacida dadka baahiyaha gaarka ah qaba, macallimiintana aan lagu tababrin waxbaridda dadka qaba baahiyaha arragga la xiriira.

Dugsigiisii sare ka dib, safarkiisa waxbarasho waxa uu geeyey Muqdisho.

“Waxaan ku biiray Jaamacadda Somaville ee magaalada Muqdisho 2014-kii si aan shahaadada koowaad ee jaamacadda uga qaato xiriirka caalamiga ah. Intii aan jaamacadda dhiganayay, waxa aan la kulmay caqabado la mid ah kuwii hore. Midda ugu weyn waxay ahayd in aan helo macalimiin fahmi kara baahiyahayga gaarka ah, maadaama aan loo tababarin wax barida ardayda aniga oo kale ah, laakiin aniga oo kaashanaya qaar ka mid ah asxaabta iyo tignoolajiyada - waxaan ugu shuban jiray cashirada macallimiinta talefoonkeyga gacanta qaab la maqli karo. Ardayda aan isku fasalka nahay waxa ay markasta iigu soocelin jireen cashar kasta, aniga oo markaan guriga tago cashirada dib u dhageysan jiray - Waanan ka guuleystay caqabadaha. Nasiib wanaag, waan qalinjabiyey waxaana la dabaaldegay ugu dambeyn asxaabta iyo qoyskayga 2018," ayuu yiri.

Noqoshada Macallin

Maadaama ay wax bareen macalimiin aragga aan naafo ka ahayn, Mudane Cabdullaahi wuxuu sheegay in uu la kulmay dhibaatooyin badan. Tusaale ahaan, waxa uu ka sheekeeyay sida ay ugu adkayd in uu mararka qaarkood fahmo maaddooyinka sida xisaabta oo kale oo ay baraan macallimiin aan fahmi karin baahidiisa. Isagoo aan arki karin tirooyinka xisaabta ee macallimiintu ku qoraan sabbuuradda, taas oo uu kala kulmi jiray caqabado badan.

Taasi waxay keentay in mudane Cabdulqaadir uu habeen iyo maalinba ka fekiro sidii uu u noqon lahaa macallin waxna uga qaban lahaa dhibaatooyinka ardayda aragga naafada ka ah sida isaga oo kale. Taasna waxa ay keentay in uu ka shaqo bilaabo xarun ardayda baahiyaha gaarka ah qabta ka hor inta aanu dugsiga sare dhammayn.

“Sannadkii 2010-kii, waxaan ka shaqo bilaabay xarun ku taalla magaalada Gaalkacyo oo wax lagu baro dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaa si gaar ah la iigu shaqaaleysiiyey inaan noqdo macallin ardaydaas caawiya. Waxaan ka shaqeeyay halkaas muddo sannad ah, waxayna ahayd markii ugu horreysay oo aan ku shaqeeyo macallinnimo," ayuu yiri.

Xirfaddiisa macallinimo ayaa sii kortay isagoo markii dambe ka shaqo bilaabay 2014 mid ka mid ah dugsiyada ugu caansan dalka ee wax lagu baro dadka aragga la' - Dugsiga Al-Nuur ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan dhigaa maadooyin ay ka mid yihiin xisaabta iyo afka Soomaaliga, waxaana aad ugu raaxeystaa dhigista maadooyinkaas oo aan u dhigo wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed, maadaama aan ogahay dhibaatadii aan soo maray, mana doonayo in ay dhibaato teydii oo kale ah ay maraan,” ayuu yiri. Waxa uu intaa ku daray, "Anigu had iyo jeer waan fahmayaa baahida ardaydan, maadaama aan wax ku bartay duruufo la mid ah."

Mudane Cabdullaahi wuxuu ku riyoodaa in uu wax ka qabto baahiyaha dadka aragga naafada ka ah isagoo u maraya waxbarasho.

Waxa uu sheegay in uu dhawaan bilaabayo waxbarashada heerka labaad ee jaamacadda si uu ugu gudbiyo aqoontiisa kuwa isaga oo kale ah.

“Waxaan ku qanacsanahay in dadka naafada ah oo wax la baro ay ka qayb qaadan karto horumarka dalkan. Anigoo aqoonsan in dad badan oo naafada ah oo aniga oo kale ah ay u baahan yihiin in dalka ay wax badan ka qabtaan, waxaan ku kalsoonahay in waxbaridda iyo taageeridda dadka naafa ah aysan noqon doonin mid meel cidla ah ku dhacda ama lunta," ayuu yiri Cabdullaahi Cabdullaahi. 

Wacyi-gelinta iyo waxbarashada

Mudane Cabdullaahi ayaa ku nuux-nuuxsaday in baahi weyn loo qabo wacyi-gelinta iyo waxbaridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

"Dad badan ayaa aaminsan in dadka baahiyaha gaarka ah qaba aysan samayn karin wax walba sida bulshada inteeda kale. Taasi waa qalad, mana ku saleysneyn xaqiiqda, "ayuu yiri. "Taasi xataa waxay keentaa in waalidku rumaystaan in carruurtooda baahiyaha gaarka ah qaba aanay waxba baran karin. Taasi run maaha. Waxaa la gaaray waqtigii aan xaqiiqada wajihi lahayn. Bulshadu waa in ay dadaal badan ku bixiso sidii ay wax u bari lahayd dhallinyarada quusta ah ee u baahan waxbarashada, si ka badan sidii hore”.

Marka laga soo tago in uu macallin noqday, Mudane Cabdullaahi waxa kale oo uu ku hammiyi jiray in uu mar uun noqdo saxafi u halgama xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba –  riyadaasna wuu gaaray.

“Waxaan ka soo shaqeeyay dhowr warbaahin oo maxalli ah oo ay ka mid yihiin Gooboog FM, Maandeeq FM, Star FM iyo Rugsan FM, 2014 ilaa bilowgii 2021, waxaan soo saaray warbixino iyo barnaamijyo u doodaya dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaan gaaray heer tifaftiraha barnaamijyada. ” ayuu yiri macallinka 29-jirka ah.

Shaqadiisa warbaahinta ayaa kor u qaadday wacyiga ku saabsan baahida loo qabo in la beddelo aragtida xirfad-yaqaannimada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

"Waxaan weli rajeynayaa inaan la shaqeeyo warbaahinta, macallin ahaan, waxaan ogahay in baridda iyo saxafinimadu ay wax badan ka tari karaan howsha aan hayo. Waa laba shaqo oo isla  jaan qaadi kara, ayuu yiri.

Macallinka iyo weriyahan ayaa sidoo kale leh hibo faneed, waxaana uu sameeyay heeso iyo gabayo laga sii daayo warbaahinta dalka.

"Weligey waxaan jeclaa suugaanta, Muhiimadeeda waan ogahay. Gabayo badan iyo heeso wacyigelin ah ayaan u tiriyay dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaan rabaa in codkooda la maqlo, sidoo kalena aan kor u qaado doorka muhiimka ah ee fanku ku leeyahay bulshada,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah

Laga soo bilaabo 1992, maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah ayaa la xusay sanad walba 3 Diseembar. Xuska Maalintan waxa ay ujeedadeedu tahay in kor loo qaado fahamka arrimaha dadka naafada ah iyo in la abaabulo taageerada sharafta, xuquuqda iyo fayo-qabka dadka naafada ah. Waxa kale oo la kordhiyaa ka warqabka is-dhexgalka dadka naafada ah dhinacyada siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan.

Halkudhigga sanadkan waa 'Hoggaanka iyo ka-qaybgalka dadka naafada ah si ay u helaan duni loo dhan yahay, galaangal waara ka dib COVID-19.' Maalintan ayaa carrabka ku adkeynaysa in ku soo daridda dhammaan howlaha socda dadka naafada ah ay tahay shay aad muhiim ugu ah ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumar waara, nabadda iyo amniga. 

Ilaa hadda, xasaradaha caalamiga ah ee COVID-19 ayaa uga sii daray sinnaan-la'aantii hore ee jirtay waxayna muujisay sida naxdinta leh ee uu u jiro takoorka ka dhanka ah dadka naafada ah. Dadka naafada ah - hal bilyan oo qof oo adduunka ah - waa mid ka mid ah kooxaha aadka looga gacan-bidixeeyey Dunida waxaana aad u saameeyey faafaha daran, marka loo eego dhimashada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.