Codeynta Aqalka Hoose oo ka bilaabantay Puntland

Haweeney ka mid ah ergada oo codkeeda dhiibaneysa intii lagu guda jiray hannaanka doroashada ee xubnaha golaha shacabka Soomaaliya magaalada Garowe, Punt-land. Soomaaliya 5ta November 2016 Sawirka UNSOM

5 Nov 2016

Codeynta Aqalka Hoose oo ka bilaabantay Puntland

 

 

Puntland ayaanoqotay maamul goboleedka ugu horreeyay oo bilaabay doorashooyinka baarlamaankafederaalka ah ee Golaha Shacabka.

 

Codbixintu waxay bilaabatay goor hore eemaanta magaalada Garowe ee caasimaddamaamulka Puntland. Wadar dhan 37 xubnood ooka mid noqon doona Golaha Shacabka ayaa Puntland ku dooran doona tiro la mid ah kulliyadaha doorashadakuwaasoo mid walba uuka kooban yahay 51 ergo.

 

Dhowr kuraas ee Golaha Shacabka ayaa maantalagu loolamayiyadoo 612 ergo oo loo doortay12 kulliyad doorasho ay codkooda dhiibteen.

 

"Habka maanta wuxuu ahaa mid hagaagsan. Ma aanan la kulmin wax dhibaato ah. Waxaan barrisii wadi doonaa doorashooyinka, "ayuu yiriBurhaan CiImi Xirsioo xubin ka ah guddigadoorashooyinka dadban ee heerka gobol.

 

Kormeerayaasha doorashada ayaa muujiyay kuqanacsanaan habka codaynta ee maanta la sameeyay.

 

"Waxaan xaqiijin karaa in aan arkay doorashocadaalad ah iyo mid sidii loo qorsheeyay u dhacdayEargooyinka iyo hawlwadeenadadoorashada waa dad daacadnimo sare lehwaajibaadkoodana si caddaalad ah u gutaySidaaan maanta arkaywaxan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay diyaar u tahay doorashada halqof-hal cod (2020), "ayaa tiri goobjoogedoorasho Amina Mohamed, oo ka tirsan xaruntacilmi barista iyo horumarka Puntland (PDRC).

 

"Doorashada maanta waa mid ka mid ah tan ugufiicnayd ee aan abid arkowaxay ahayd mid degan oo cadaalad ah. Waxaan ka qeyb qaataydoorashooyin hada ka horlaakiin tani waa mid ka duwantani waa mida aan u baahan nahay, "ayaa tiri Cibaada Faarax Cali, oo kamid ah ergada doorashada.

 

Afar maamul goboleed ee dowladda federaalkaxubin ka ah - HirShabelleJubaland, KoonfurGalbeedSouth-West State iyo Galmudug  ayaasidoo kalka qayb qaadan doonaandoorashooyinka golaha shacabka. Waxaa kalooka qayb qaadan doona Somaliland iyo GobolkaBanaadir

 

Marka nidaamka doorashada 2016 la dhamaystiro275 xubnood ayaa loo doorandoonaa Golaha Shacabka dalka.