Dadwaynaha Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waa in la xoojiyaa si ay u sii wadaan 'horay usocodka dalka,' ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

23 May 2019

Dadwaynaha Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waa in la xoojiyaa si ay u sii wadaan 'horay usocodka dalka,' ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Mar uu xog-siinayey Golaha, Raisedon Zenenga, Madax Xigeenka Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM), ayaa sheegay in dalku uu sameeyey horumar ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo isbeddelka amaanka ah. Waxaa sidoo kale jirey horumar laga sameeyey ajendaha siyaasadda loo dhan yahay, taasoo ay ku jirto dib u eegista dastuurka iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.

“DF Somalia waxay go’aansatay inay dhaqan-geliso qaabad cusub oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan lagu sameeynayo waaxda amaanka,” ayuu yiri, isagoo hoosta ka xarriiqay waxyaabo ay ka mid tahay dhamaystirka diiwaangelinta biometric-ga ah ee dhamaanba askarta Ciidanka Xoogga Dalka. Dhamaanba 16,000 oo haatan la diiwaan geliyey ayaa waxaa mushaarkooda toos loogu diraa koontooyinkooda.

“Tani waxay meesha ka saartay dadkii dhexda u fadhiyey, waxay yaraysay musuqii, waxayna hubaal ka dhigtay in mushaarku uu toos u gaaro ciidamada. Waxay sidoo kale jidka u xaaraysaa in la ogaado cabbirka saxda ah ee Ciidanka Xoogga,” ayuu yiri Mr. Zenenga.  

Waxaa isbedelladan dhinac socda, DF Somalia oo bilowday howlgallo ciidan oo laga sameeyey Gobolka Shabeellaha Hoose si hore loogu sii dhigo Qorshaha Kala-guurka Qaran, in la wiiqo Al Shabaab iyadoo loogu tegayo meelaha ay ku xooggan yihiin taasoo Muqdisho halis ku ah loona joojiyo weerarrada dhowaantan kordhay ee Al Shabaab ay caasimadda ku hayaan.

Somalia waxay sii waddaa inay la xaasho caqabado waawayn, ayuu sheegay, isagoo sharraxay in isbedellada ay waddo DF Somalia uu la kulmay iska caabbin aan ‘’laga fursan karin’’. Isbedellada dhaqaale iyo kuwa dhanka amaanka wuxuu ku dhisan yahay in la baabi’iyo dhaqaalaha dagaalka ee bullaalayey dhowr toban-sanaale (decades).

“Waxaa jira dano gaar ah oo caqabad ku ah in xisaabtanka la kordhiyo. In danahan la wajaho, taasoo ay muujisay DF, waxay xoojinaysaa dhismaha qaab loo dhan yahay oo lagu dhiso xiriirka saamileeyda oo idil si loo caddeeyo in isbeddelkani uu faa’iido u leeyahay qaranka oo dhan,” ayuu yiri Mr. Zenenga.

Wuxuu kaloo sheegay in wada hadalka u dhexeeya Somalia iyo Somaliland, kaasoo sidoo kale saamayn ku leh geeddi socodka dhamaystirka dastuurku, uu weli xanniban yahay. “Waxaa, si kastaba, na dhiirri geliyey warkii Madaxwaynaha Somaliland, Md Muuse Biixi ee 18-kii Maajo ee muujinayey sida uu diyaar ugu yahay inuu la heshiiyo Puntland, taasoo ay ku jirto is dhaafsiga maxaabiista, iyo inuu Somalia kala shaqeeyo arrimaha la xiriira amaanka, ganacsiga iyo waxbarashada.”

Isagoo gocanayey in UNSOM ay sanadkii tegey ku bilowday xasarad amaan oo ka dhalatay weerar madaafiic hoobiyeyaal ah oo 1-dii Jannaayo lagu qaaday Xarunta QM, iyo xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay cayrintii  Ergayga Gaarka ah ee QM, Nicholas Haysom isla maalintaas, Mr. Zenenga ayaa sheegay in labadaa shil ay si ba’an u waxyeelleeyeen howlihii ay QM la qabanaysey DF Somalia isla markaana ay sare u qaadday halista amaan ee shaqaalaha QM iyadoo niyad jebisey shaqaaleheenna.

Xilli uu Xafiisku markiiba diirradda saaray amaanka iyo badbaadada shaqaalihiisa isagoo aad ugu dedaalaya wanaajinta xiriirka DF Somalia, Mr. Zenenga ayaa dul istaagey in xal waara oo loo helo halista joogtada ah ee amaan “ay iman doonto marka Al Shabaab loo boos iyo fursad ay weerarro ku diyaarin karaan.” 

Tiiyoo ay caqabadahani jiraan, wuxuu sheegay in Somalia ay haysato “fursado ballaaran” si ay horumar dheeraad ah u sameeyso bilaha soo aaddan. Wuxuu soo qaatay arrimahan: 

•          Heerarka federaal iyo kuwa gobol waa inay isku raacaan inay ku wada shaqeeyaan shucuur tanaasulaad ku dhisan;

•          Baarlamanku waa inuu waqtiga loo qaabtay diiradda saaraa ansixinta xeerka la dejiyey;  

•          Dhamaanba saamileeyda heer qaran waa inay si firfircoon kaga wada shaqeeyaan ka fal-celinta jiilaalka soo socda si looga hortago macluul; iyo

•          Xiriirrada muhimka ah, oo ay ku jiraan kuwa saamileeyda qaran, saaxiibbada caalamiga ah iyo awoodaha gobol, sida Geeska Afrika iyo Khaliijkaba waa in la dhowraa.

“Tiiradu sare ayay u socotaa, waana wada shaqayn karnaa dhamaanteen si aannu u tamar gelinno dadwaynaha Somalia iyo saaxiibbadooda caalamiga ah si loo aado dhanka isbeddelka iyo horumarka,” ayuu kusoo af jaray.

Xaaladda aadminnimo ee Somalia oo ka mid ah mushkiladaha ’ugu daba dheer caalamka’

Isu Duwaha Gargaarka Deg Degga ah ee QM, Ursula Mueller, ayaa sheegtay in khilaafka, rabshadaha iyo colaadaha hubaysan ee soconaya, iyo xaaladaha bay’o ee dunida ruxaysa ay kasii darayso xaaladda aadminnimo ee Somalia. Caqabadaha dhanka xukunka iyo horumarka dhantaalani wuxuu kordhinayaa jilicsanaanta wuxuuna bulshada ku adkaynayaa inay samaystaan hab-howleedyo ay kula macaamilaan xaaladaha oo wax ku ool ah.

Waxay sheegtay in Qorshaha Jawaabta Aadminimo ee 2019-kii, ee la bilaabay bishii Jannaayo, wuxuu gartay in 4.2 milyan, oo ka dhigan 3 meelood oo 1 meel dadwaynuhu, ay u baahan yihiin kaalmo iyo badbaado. Waxay taasi muujinaysaa liicitaan soo bilowday 2017-kii, markaasoo macluushii laga hortegey, taasoo kordhisey rajada howlaha adkaysiga ee ay hoggaamineysey DF iyo saaxiibbada horumarineed inay samayn karaan guulo dheeraad ah.

“Si kastaba, saadaasha aadminnimo ee dalka laga sameeyey waxay muujinaysaa inay xaaladdu ka dartay,” ayay tiri Ms. Mueller, iyadoo iftiimisay 3 meelood oo walaac ka jiro: Jiilaalka ba’an ee kasoo bilowday woqooyiga eek u faafay ilaa bartamaha dalka kaddib 2 fasal oo uu roobku baaqday; xaaladda dadka gudaha ku barakacay; iyo walaaca dhanka ilaalinta.

“Waa in aannu haatan ka hortagnaa xasarad aadminnimo oo wayn. Saaxiibbada aadminnimo waxay diyaar u yihiin inay gargaar la gaaraan dadka aadka ugu baahan waxayna awood u leeyihiin inay markiiba jawaab bixiyaan, sidii caddaatay intii ay socdeen dedaalladii kahortaga macluusha ee 2017,” ayay tiri, balse waxay ka digtey inay jirto kharash yari baahsan oo wiiqaysa jawaabta laga bixin lahaa taasoo keenaysa kaalmo yari dhanka caafimaadka, nafaqada, amaanka cuntada, biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda.

“Waxaan rumaysan ahay in la ii casuumey inaan maanta dareenka kusoo jeediyo halista sii kordhaysa iyo xasaradda aadminnimo ee meesha fog kasoo muuqata. In markiiba sare loo qaado fal-celinta aadminnimo waxay asaasi u tahay in meesha laga saaro saamaynta abaarta isla markaana laga hortago bulshada oo sii burburta sidii jiilaalkii 2017-kii,” ayay tiri. 

Waxay beesha caalamka ku boorrisey inay deg deg u kordhiyaan taageerada deg degga ah ee naf badbaadinta ah iyo in la ilaaliyo guulihii la sameeyey 2018-kii, waxayna ku dartay in ay jirto rajo ku aaddan in la heli doono tas-hiilaad deg deg ah si ay taasi gacan uga gaysato kahortaggga xasarad ba’an oo cirka isku shareerta.

[Source: UN News]