Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaaday tallaabo ay ku xusayaan Maalinta Dhallinyarada Adduunka

12 Aug 2018

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaaday tallaabo ay ku xusayaan Maalinta Dhallinyarada Adduunka

Bisha Agosto 12-keedi, iyada oo dunida dacalladeedi laga xusayay Maalinta Dhallinyarada Adduunka, ayaa boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ku banaan baxeen waddooyinka si ay tallaabo u qaadaan isla markana wanaajiyaan bulshadooda taasi oo si cad u muujineysa kaalinta muhiimka ah ay ka qaataan nabadda iyo horumarka dalka.

“Haddii in ka badan boqolkiba 70 ee dadka ku nool Soomaaliya ay ka hooseeyaan 30 sano, bal qiyaas wixii qabsoomi karo haddii ay dhallinyaradu hal maalin isku yimaadaan si ay wax u qabsadaan?” Kaas waxaa uu ahaa halkudhigga lagu soo abaabulay dhallinyarada ku dhaqan magaalooyinka kala duwan si ay u sameeyaan banaan baxyo nabadeed iyo hawlo nadaafadeed, iyaga oo rinjiyeeyay calaamadaha waddooyinka ee waddooyinka waaweyn, abuureen geedo isla markana deeqay raashiin iyo buugag. In ka badan 15 hawlood ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka kala ah Cadaado, Baydhabo, Beledweyne, Berbera, Bosaaso, Gaalkacyo, Garowe, Hargeysa, Kismaayo iyo Muqdisho.

“Waa maalin qiimo weyn ugu fadhida dhallinyarada si ay u sameeyaan is dhexgal ayna ka wada shaqeeyaan horumarinta nabadda, amniga iyo horumarka gobolka,” ayay tiri Deeqo Cabdi Waare, oo ah gabar dhallinyaro ah oo dhallinyarada kale kala qayb qaadatay hawlaha nadaafadda.

Iyada oo nabad iyo amni laga dareemayo dalka, ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa ay adeegsanayaan goobaha badqabka si ay u dhisaan shabakooyin ayna ka qayb qaataan hawlaha kobcinta xirfadaha. Dhallinyarada ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa ka faa’iideysanaya fursadaha yaal si ay u horumariyaan arrimahooda.

“Seddax iyo toban dhallinyaro ayaa hormuud ka ahaa halganka gobonima doonka Soomaaliya. Maanta, waa in aan ku dayanno, oo aan mideyno dadkeenna, iyada oo aan isla markana u fidineyno adeegyadeenna si aan deegaankeenna ka dhigno mid sidii hore ka wanaagsan,” ayuu yiri ku-xigeenka guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Hiiraan, Khadar Axmed Cabdulle.

Magaalada Garoowe-na, iyada oo taageero laga helayo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee maamulka Puntland, hay’adda Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasha kale, ayay dhallinyaradu isugu timid si ay wada hadlaan dowrka dhallinyarada ku aaddan nabadeynta iyo ka hortagga xagjirka rabshadaha wata. “Waxaa xubin ka ahay urur dhallinyaro oo lagu magacaabo Maslaxo, taasi oo u dhigan ‘resolution’ luuqadda Ingiriiska. Aniga iyo xubnaha kale ee ururka ayaa waxaa aan soo bandhignay riwaayad ku saabsan xuquuqda dhallinyarada. Riwaayadda waxaa ay sidoo kale ka reebeysaa dhallinyarada in ay ka qayb qaataan xagjirka iyo dhaqannada kale oo xun xun,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cali.

“Maanta waa maalinteenna, waana maalin muhiim u ah dhallinyarada si u hadlaan kana wada hadlaan arrimaha ayaga quseeya,” ayay raacisay Xareedo Cabdi Cusmaan, oo sidoo kale ka mid ah ururka dhallinyarada ee Maslaxo oo fadhigiisu yahay Garoowe.

Ayaga oo ay hoggaaminayaan kooxda baambeyda iyo booliska, ayaa dhallinyarada Kismaayo ka qayb qaateen banaan bax heer sare ah oo ay ku marayeen waddooyinka magaalada, kaddibna waxaa ay ku wada kulmeen xuddunta magaalada, halkaas oo ay ku soo biireen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga si looga wada hadlo kaalinta dhallinyarada ku aaddan nabadeynta iyo amniga.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa ay u baahan yihiin in ay badqabaan oo ay amni helaan ayna si wadajir ah ula shaqeeyaan hay’adaha amniga qaranka si loo horumariyo nabadda iyo amniga,” ayay tiri Xaawo Dhaqane oo ah gabadh ol’oleeye ah.

Magaalada Baydhabo-na, hawlaha qorsheysnaa waxaa ka mid ah abuurista geedaha ee agagaarka madaxtooyada. Asaga oo la hadlayo dhallinyarada, taliyaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, Maxamuud SHeekh Axmed Waarey, ayaa ku ammaanay dhallinyarada ku sugan gobolka kaalinta wanaagsan ee ay ka qaataan horumarinta dowladnimada. “Dhallinyarada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ay mar waliba diyaar u yihiin in ay u adeegaan dalka. Dhallinyarada waa tiirka dowladnimada,” ayuu yiri.

Dhanka Magaalada Muqdisho-na, ururro iskood isu xilqaamay ayaa qaybiyay cunno isla markana ka qayb qaatay qurxinta bilicda magaalada iyaga oo riniyo cad mariyay waddooyinka loogu talogalay dadka waddada talaabaya, iyo sidoo kale nadiifinta waddooyinka. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ah, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo la kaashaneyso Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa qabtay xaflad soo dhaweyn ah oo uu ka qayb qaatay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mowduuca Maalinta Dhallinyarada Adduunka ee sanadkan waxaa uu yahay, ‘Goobaha Babqabka Dhallinyarada’. Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xarriiqeysaa muhiimadda ay leeyihiin goobaha ammaanka ah oo ay dhallinyaradu isugu imaan karaan, ay uga qayb qaadan karaan hawlaha la xiriira baahiyadooda iyo danahooda kala duwan, ay ka qayb qaadan karaan hannaanada go’aan gaaridda, isla markana si xor fikirkooda u dhiiban karaan.

Xuska Maalinta Dhallinyarada ee Soomaaliya waxaa uu bixinaya caddeyn dheeri ah in haddii ay dhallinyaru helaan goobo ammaan u ah oo ay uga qayb qaadan karaan isla markana si hufan oo wax ku ool ah gacan uga geysan karaan horumarka, nabadda iyo is dhexgalka bulshada.