Dhismo cusub oo maamul oo lagu daah-furay magaalada Baydhabo

Hoolka shirarka iyo xafiisyada ISWA oo ay maalgelisay UNDP, Baydhabo. QM Sawir

27 Sep 2016

Dhismo cusub oo maamul oo lagu daah-furay magaalada Baydhabo

Dhismo cusub ee maamul oo ay isticmaalayso Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu daah furay magaalada Baydhabo.

Xarunta, oo ka kooban xarun shir iyo xafiisyada maamulka, ayaa sidoo kale waxaa loo isticmaali doonaa hawlaha la xiriira hannaanka doorashada ee 2016. Codbixinta kuraasta aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ee soo socda ayaa ka dhici doona magaalada Baydhabo, marka lagu daro Muqdisho, Kismaayo, Cadaado iyo Garoowe.

Xarunta waxaa lagu dhisay lacag dhan $203,819 oo ay maalgelisay Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Sweden, Italy, United Kingdom, Norway iyo Denmark ayaa sidoo taageero maalgelin ah bixiyay.

"Hoolka shirka ayaa u furnaan doona dadweynaha si ay uga qabsadaan hawlo kala duwan oo ay ku jiraan shirarka iyo tababarro, iyo hannaanka doorashada soo socota," ayuu yiri Nasir Cabdi Carush, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka koonfur galbeed.

Ku-xigeenka Agaasimaha UNDP iyo Madaxa Barnaamijyada Soomaaliya David Akopyan ayaa sheegay in xarunta ay xoojin doonto tayada shaqo ee adeeg-bixinta.

"Ujeedadu sidoo kale waa in la caawiyo hay'adaha kale ee dawladda. Waxaan leenahay barnaamijyo si wadajir ah ula qabano wasaaradda caddaaladda iyo wasaaradda arrimaha gudaha si loo hagaajiyo maamulka, caddaaladda, ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha dadweynaha Koonfur Galbeed, "Mudane Akopyan ayaa sheegay.

Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall  iyo Wasiirka Maaliyadda ee Koonfur Galbeed, Hassan Ibrahim (Lugbauer) ayaa wada guddoomiyay furitaanka dhismaha.

"Sidoo kale waa fursad aad u fiican inan maqlo horumarka hey’adaha Koonfur Galbeed oo dib loo dhisayo iyo horumarka hannaanka doorashada soo socota. Waxaan si aad u dhow ula soconaa, hadaan nahay beesha caalamka, horumarka laga sameeyay diyaar garowga doorashooyinka, "ayuu yiri Danjire Lindvall.

Dhismaha xarunta ayaa la bilaabay horraantii Maarso 2016 waxaana la bogay xiligaa loogu tala galay ka hor codeynta hannaanka doorashooyinka, oo haatan la filayo in ay bilaabato 23 October.

Dadka kale oo goob joog ka ahaa xafladda waxaa ka mid ahaa Vikram Parekh, madaxa xafiiska UNSOM ee Baydhabo, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Abdulkadir Shariif Sheekhuna, iyo guddoomiyaha gobolka Bay Rashid Abdullahi.