Dib-u-heshiisiinta Marka: dad shalay cadoow isku ahaa oo saaxibay kana sheekaynaya dhabbihi nabadda

21 Sep 2020

Dib-u-heshiisiinta Marka: dad shalay cadoow isku ahaa oo saaxibay kana sheekaynaya dhabbihi nabadda

Muqdusho – Horraantii 2012, dagaal xooggan ayaa ka qarxay magaalada taariikhiga ah ee Marka ee gobolka Shabeellada Hoose oo 90 km dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho. Dagaalkan ayaa wuxuu ahaa mid ka mid ah colaadihii ugu muddada dheeraa ee dalka ka dhaca isagoo u dhaxeeyay beelaha Habargidir iyo Biyomaal oo ka mid ah beelaha ku dhaqan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa socday muddo lix sano ah, iyadoo kumanaan ruuxna ay ka barakaceen guryahoodi iyo dhul beereedkoodi, ka dib, burbur iyo dhimasho badan oo u gaystay dagalku. Waxaa la aaminsanyahay in daraasiin dad ah ay ku geeriyooden colaaddaas. Magaalada Marka, oo mar ahaan jirtay magaalo dakadeed barwaaqo ah, ayaa isku badashay goob ay saameyeen qas, saboolnimo iyo fowdo.

Ariintaas ayaa waxa ay ahayd mid aad uga duwan sumcaddi iyo sharaftii lagu yaqaanay Marka oo ku astaysnayd magaalo nabadeed oo ganacsiga caan ku ah.

Daganaansho isku rogay colaad

Ka hor iska-horimaadkii beelahaas, iyo guud ahaan dagaalkii sokeeye ee burburiyay dalka, magaalada Marka waxay caan ku ahayd soo saarista iyo ka ganacsiga moos tayadiisu aad u sarayso oo mar ahaan jiray badeecadda ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya dibadda u dhoofiso. Deeganka ku hareereysan magaalada Marka, ayaa caan ku ahaa beeraha mooska iyo liinta.

Suldaan Ibrahim oo ah Ugaaska beesha Biyomaal ayaa sharaxaya in labada beelood ay bilaabeen in ay ku dagaallamaan gacan ku haynta dhul beereed hodan ah oo ku yaala gobolka Shabeellada Hoose, oo hoos yimaada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya loona arko inuu yahay dhul ay inta badan cunta ahaan Soomaaliya aad ugu tiirsantahay

"Biyomaal waxay aaminsanaayeen inay dhulkan leeyihin, Habargidir na aysan xaq u lahayn inay ku noolaato," ayuu yiri Suldaanku isagoo xasuusanaya silicii iyo argagaxii ay colaadu sababtay.

“Waxaa xirmay iskuulladii maadama waalidintu ay ka cabsanayeen inay carruurtooda banaanka u diraan” ayuu yiri “Guryaha waa la faarujiyay  mana jirin wax xarun caafimaad ah oo shaqaynaysay.”

Dad fara badan oo ay ku mid ahaayen dumar iyo carruur ayaa lagu qasbay inay deegaannadooda ka qaxaan, iyagoo u cabsanaya naftooda iyo hantidooda.

Baarliin Cabdullaahi Maxamed oo ka soo jeedda magaalada Marka ayaa noqotay  qof u dhaqdhaqaaqa nabadda, waxayna ka sheekeynaysaa  silicii ay soo mareen dumarka iyo tacadiyadii ay u soo joogtay. Waxay dagaalka ku waysay gabar ay habaryar u tahay oo ummul ahayd una geeriyootay xabad wadnaha kaga dhacday.

“Haddii aan nahay haweenka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan soo marnay waqtiyo aad u adag. Waxaannu dagaallada iyo colaadda ku waynay wiilasheennii iyo raggeennii,” ayay tiri “Waxaa dhacday in haweeney ay ku umushay geed hoostiis una geeriyootay dhiig bax ka dib markii ay waysay daryeel caafimaad,”

Sida ay tilmaameen odayaasha deeganka, xaaladda waxaa kaga sii daray Al-Shabaab oo doonayay in ay ka faa’iidaystaan colaadda.

“Dagaalka ayaa qarxay  muddo dheer na socday, waxaana labada dhinac ku dhex jiray Al-shabaab. Waxaa ay damacsanaayeen in ay ka faa'iidaystaan colaadda taasina dabkii ayay baasiin ku shiday,” ayuu yiri Ugaas Ibraahim.

Cabdul Cilmi Xasan oo ah Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Habargidir ee Shabeelada Hoose ayaa fikirkaas la qaba Ugaaska Biyomaal.

"Markii ay gobolka dawladda dib ula wareegtay," ayuu yiri, "Al-Shabaab waa laga saaray waxayna isku dayeen inay colaad ka dhex oogan labadeena beelood,”

Dagaalki oo isu bedelay wadahadal

Ka dib sanado badan oo ay colaadu socotay, aragtida dagaalka ee labada dhinac ayaa dabacday. Odoyaasha labada beelod ee Habargidir iyo Biyomaal ayaa waxaa kulan iskugu keenay saaxiibo indheergarad ah, oo waydiiyey su’aal fudud oo ah: ‘Maxaad ku dagaallamaysaan?’ Su’aashaas waxay sababtay in uu isbeddel dhaco.

“Waxaan garwaaqsanay inaysan jirin waxaan ku dagaalaanno. Waxaan isku raacnay in annagoo ah Odayaasha Dhaqanka  aan marka hore heshiinno inta aanan u gudbin xallinta colaadda. Waxaa noo caddaatay in aysan jirin sabab aan isku dilno iyo inaan wax walba  ku xalin karno wadahadal,” Ayuu yiri Nabaddoon Xassan.

Bishii Maarso 2017, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa taageertay dadaallo dib-u-heshiisiineed oo rasmi ah oo looga gol-lahaa in lagu sii wado wadahadallada laguna gaaro Isfahan. Odayaasha dhaqanka, taliyayaasha maleeshiyaadka iyo dadka nabadda u dhaqdhaqaaqa oo ka socday Habargidir iyo Biyomaal ayaa ku kulmay hoteel ku yaalla Muqdisho si ay wada jir ugu raadiyaan xal lagu soo afmeero colaadaha.

"Waxaan ku heshiinay saddex arrimood: joojinta colaadaha, in magaalada Marka lagu qabto shir nabadeed oo ballaaran oo taageera ka haysta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyo in maleeshiyaadki dagaalamay la qarameeyo," ayuu yiri Ugaas Ibrahim.

Wadahadal iyo heshiis

Waxa xigay waxa ay ahaayeen  dood iyo wadaxaajood qaatay muddo bilooyin ah una dhexeeyay nabaddoonada, siyaasiinta, haweenka, dhalinyarada iyo ganacsatada isku fikirka ah ee ka soo jeeda labada beelod. Arrintii waxaa ay ku biyo shubatay, in Biyomaal iyo Habargidir, oo muddo ku dhow 10 sano ah dagaalamayay, ay heshiiyaan nabadna ku wada noolaadaan. 26 Maarso, 2018, hanaankii wada xaajodka waxaa lagu gaaray heshiis nabadeed oo si wadajir ah ay u saxiixeen odayaasha dhaqanka ah ee labada beelod iyadoo heshiiskaas ay taageerayeen Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ah.

Dadweynaha  magaalada Marka ayaa hadda ku naalloonaya mirihii nabadda. Noloshu caadi ayay ku soo noqotay: iskuulladu way furan yihiin, ganacsigu wuu socdaa, dadkuna waxaa ay ku laabteen guryahoodii. Magaaladu waxaa ay mar kale hanatay maqamkeedi ahaa in ay tahay magaalo Soomaaliyeed oo nabdoon, oo ay ku noolyihin bulsho nabadda jacel, waxayna mar kale tusaale u noqotay in ay wadaxaajod nabad ku gaari karan dad isku maan ah.

“Waxan gaarnay nabad macaan oo ay dani ugu jirto gobolka Shabeelaha Hoose. Maanta, ma maqlaysid dhawaaqa rasaasta mana arkaysid beelo dagaallamaya,” ayay tiri Baarliin Maxamed, “Dadkii shalay dagaallamay hadda nabad ayay ku wada noolyihin, hal weel ayayna wax ku wada cunaan.”

Maalinta Nabadda ee caalamiga ah

Sannad kasta Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxaa laga xusaa adduunka oo dhan 21 Sebtembar. Sanadkii 1981, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku dhawaaqay in maalintan loo aqoonsaday mid lagu xoojiyo qiyamka nabadda iyadoo la dhowrayo 24 sacaadood oo rabshad la’aan iyo xabad joojin ah. Halkudhigga 2020 ee maalinta nabadda ee caalimaga ah ayaa ah “qaabaynta nabadda si wadajir ah.”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa fariin uu maalintan ugu talagalay wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaaha meel kasta oo ay aduunka ka joogan in ay hubka dhigaan kana shaqeeyaan sidii nabadda lagu gaari lahaa, wuxuuna intaasi raaciyay, “Maadaama cudurka saf mareenka ah ee COVID-19, uu culeys badan ku hayo adduunka, baaqani wuxuu leeyahay muhiimad ka ballaaran tii hore… Adduunku wuxuu wajahayaa cadow mid ah: Fayris dilaa ah oo keenaya xauun baaxad leh, burburinaya nolosha, horseedaya xasarado caalami ah oo kaga sii daraya caqabadihii amniga iyo nabadda adduunka oo mar horeba ahaa kuwa aad u nugul.”