Dowladda Soomaaliya oo billaabeysa qorshe-howleed lagusoo af-jaraayo xadgudubka jinsiga

29 May 2014

Dowladda Soomaaliya oo billaabeysa qorshe-howleed lagusoo af-jaraayo xadgudubka jinsiga

Muqdisho – 27 May 2014 – “Kufsiga iyo tacadiga jinsigu ma aha wax la aqbali karo Soomaaliya dhexdeeda’’ ayaa waxay aheyd fariin cad oo cod dheer kuhadleysay oo manta kasoo baxday aqoon isweydaarsi lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ayadoo lagaduulayo heesihii dhaqanka ahaa,dhaantada iyo kaso qeybgalka joogitaanka ururada bulshada, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero kaheleyso xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) waxay billowday qorshe howleed qabyo ah qeexayana sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo tacadiga jinsiga xiliyada dagaalada.

Qorshuhu wuxuu kusaleysanyahay muddo saddex sano ah, 2014 -2016, ujeedadiisuna waa in la kobciyo aqoonta/awoodda dhowr wakaaladood iyo hey’adaha dowlada si loo hubiyo ilaalin wanaagsan oo ay helaan gabdhaha iyo dumarka Soomaaliyeed.

Aqoon is weydaarsigu wuxuu dabasocday booqasho ay Soomaaliya kuimaadeen bishii Disembar ee nagatagtay koox xeeldheereyaal ah oo kasocday QM aqoona u leh awooda sharciga iyo tacadiga jinsiga waxaana sharciyeeyay Golaha Ammaanka ee QM go’aankiisii1880, kooxdaasoo kusameysay qiimeyn xaalada tacadiga jinsiga xiliyada dagaalada Soomaaliya.

Kooxdu waxay soosaareen dardaarano muhiim ah oo ay siiyeen Dowladda Soomaaliya sida ugu haboon ee loo fulin karo warmurtiyeedkii wadajirka ahaa ee ay la saxiixatay QM in la dhameeyo tacadiyada jinsiga xiliyada dagaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kusaxiixday magaalada London bishii Maajo 2013.

Wasiirka Haweenka iyoHorumarinta Xuquuqda aadanaha, Marwo Khadija Moxammed Diriye, ayaa dhahday maalintaas waxay aheyd maalin kuweyn Soomaalida. “Dowladu waxay sii wadi doontaa inay hagaajiso shabakad nabad ah si loo ciribtiro meelkadhacyada nasiibdarada ah ee dumarka iyo qeybaha nugul eebulshada dalka gudihiisa.’”

Intii shirka lagu guda jiray, Kuxigeenka uqeybsanaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, Fatiha Serour, ayaa dhahday wax kaqabashada tacadiyada jinsigu waa mas’uuliyad dadkoo dhan saran.

“Waxaan kalashaqeyneyna dowladda hubinta qorshe howleedkan oo ah dukumiindi nool, wuxuu maridoonaa la tashiyo dheeraad ah, oo ay kujiraan kuwa lala tashandoono goboladda. Anagoo bulshada caalamka ah waxaan diyaarin doonaa taageero farsamo lanashaqeyneyno saaxiibadannada waxaa meel la saaridoonaa taageero dhaqaale oo lagu hirgaliyo” ayey tiri MarwoSerour.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa safiirka Ingiriiska u fadhiyo Soomaaliya Neil Wigan kaasoo kudaray xaqa loo leeyahay nabadgelyo waa aasaaska koowaad ee ay mudantahay in la ixtiraamo. Wuxuu ballan qaaday in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada dadaalladaan lagu xoojinaayo awooda ay dowladu u leedahay inay soo af jarto tacadiyada jinsiga xiliyada dagaalada.

Kaqeybgaleyaashii shirka ayaa hoosta kaxariiqay in heerka wacyigelinta tacadiyada jinsiga ee lagula kacayo gabdhaha iyo dumarka ay aad u hooseeyaan waxayna qeylodhaan kubixiyeen in la sameeyo wacyigelin aad ah si loo hubiyo wacyigelin heerkeedu uu sareeyo iyo awood siinta shacabka si ay ugu suuragasho inuu la macaamilo danbiyada noocaasoo kale ah.

Agaasimaha barnaamijyada hey’ada aan dowliga aheyn ee Soomaaliyeed ee Xarunta Xuquuqul insaanka iyo Nabada ee Elman, Ilwad Cali ayaa tiri: “Qorshaha xilliga dhow wuxuu la tacaali doonaa tilaabooyinka loogu baahanyahay wanaajinta jid ay u helaan cadaalada kuwa badbaaday si dhibka gaaray ay ugu helaan jawaab iyo badbaado. Dalku wuxuu u baahanyahay wada howl gal dhex maro Cadaaladda, Booliska iyo adeeg bixiyayaasha.”