Dr. Hodan Cali: "Hoggaamiyeyaal Badan Oo Haweena Ayuu Dalku Ku Horumarayaa"

previous next
19 Aug 2021

Dr. Hodan Cali: "Hoggaamiyeyaal Badan Oo Haweena Ayuu Dalku Ku Horumarayaa"

1989-kii, wax yar ka hore burburkii xukunkii Siyaad Barre ayey Dr. Hodan, oo markaa canug yar ah oo la jirto qoyskoodu ayey Soomaaliya ka guureen waxayna dageen dalka Kanada.

Qoyski waxay dageen guri cusub oo ku yaalay Magaalada Hamilton ee Ontario, halkaas oo ay marki dambena shahaadada Baajularka ee cilmiga kalkaalisonimo iyo diblooma sare oo daryeelka caafimaadka ah ka qaadatay Jaamacadda McMaster.

U beer-nugeylkeeda dhibaatada dadka soo-galootiga cusub ayaa raagay, waxa ayna sanadkii 2011 kii wax ka aasaastay ururkii ugu horreeyey ee ka shaqeeya badqabka caafimaadka guud ee soo-galootiga iyo qaxootiga  cusub ee Hamilton.

Soo Noqoshadeedii kaalmeynta 

Hase yeeshe, xiisaha ay Dr. Hodan u qabtay Soomaaliya wuxu ahaa mid raaga oo xooggan. 22 sano kadib markii ay dalka ka dhooftay, ayey 2011-kii  soo laabatay iyada oo qeyb ka ah koox dhaqaatiir reer Kanada ah oo loo keenay si ay kaalmo uga geestaan dhibaatada macaluushi iyo abaarti ka jirtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyo agagaarkeedaba.

Waaya-aragnimadeeda waxa ay xoojisay riyo ay muddo ku taameysay oo ah in ay soo laabato wax badanna ay joogto waxna ka qabato dib-u-dhiska dalkeeda.

“Marki aan imid, waxa aan aad uga walaacay xanuunka iyo dhibka oo ay weheliso amni darro aad u sareyso ee Muqdisho ka jirto. Ku dhawaad rubac malyan dada ayaa muddadaa dhintay macaluusha awgeed –in badan oo kamid ah waxay ahayeen carruur iyo haween. Xilligaas, ma awoodin in aan sii joogo, hase ahaatee, waxa aan goostay in aan dib u soo laabto si aan uga qeyb qaato geedi-socodka dib-u-kabashada iyo dowlad dhiska dalka” ayey xustay

Xirfaddeeda oo la xiriirtay awgeed, in ay kaalmeyso dib-u-dhiska nidaamka hay’adaha caafimaadka ayaa ahaa hadafka ugu weyn ee Dr. Hodan.

Mar walbo waxa aan jeclaa inaan dalkeyga ku soo noqdo oo aan wax la qabto hay’adaha caafimaadka dalka maadaama waxbarashadeydu la xiriirtay-Horumarinta helista daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah. Carruur aad u tiro badan oo Soomaaliyeed ayaa u dhinta cudurro la daaweyn karo ama laga hortagi karo sida: oofwareenka, shubanka biyoodka, duumada iwm.” Ayey xustay.

“Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu badan ee umul raaca dunida oo dhan maadaama aanay helin daryeelka uurreyda iyo adeegyo umulin oo bed qaba, Iyada oon xisaabtana lagu darin, cudurrada guud ee dawada leh weli sababa xaddiga badan cudurrada iyo dhimashada dalka oo dhan,” ayey intaa ku darday.

2016-kii, Dr. Ali way soo laabatay,waxayna shaqooyin kala duwan ka qabatay dowladda.

Waxan marki hore la shaqeeyey Guddiga Qaran ee Abaaraha, aniga u noqday  la taliye caafimaad inti ay jireen Abaarahii 2016-2017. Waan ku farxay in aan arko marka la barbar dhigo 2010.  Markaan waxan awoodna in aan  badbaadino nolosha kummanaan qof iyo in aan macaluul ka hortagno  -waxayna caddeyn u tahay in nidaamyada ama hay’adaha dalka ay bilaabeen in shaqeyaan kuna xirnaadaan saaxiibada caalamiga ah.” Ayey sheegtay.

Dadka Barakacay

Dhibaatada dadka barakacay ayaa isla markiiba dareenkeeda soo jiitay oo qabsaday.

“Waxa aan la taliye-sare ee arrimaha siyaasadda barakacayaasha u ahaa Duqa Muqdisho tan iyo 2018-kii. Sida aad ka war qabto, 30 ki sano ee u dambeeyey ee ay colaadaha musiibooyinka dabiiciga ah jireen, qiyaasti hal milyan oo dad ah ayaa ka cararay caasimadda waxyna noqdeen barakacayaal gudaha ah guud ahaan caasimadda oo dhan”. Ayey tiri.

Sanadkii 2019-kii, iyada oo laga jawaabayo caqabada ay wajahaan barakacayaasha, ayey dowladda hoose kala shaqeysay unkidda xafiis cusub oo loo yaqaan, Unugga Xalalka Waaraha.

Ujeedka unuggu waxa uu ahaa in la dhiso awoodda dowladda hoose laguna kaalmeeyo in ay si wax ku ool ah wax uga qabtaan barakaca gudaha iyo xadugubka ba’an ee xuquuqul insaanka ee ka dhaca kaamamka. Unugga ayaa diyaariyey siyaasaddii u horreysay ee barakacayaasha gobolka, tilmaamaha ka hortagga barakicinta iyo istaraatiijiyadda xalalka waara ee gobolka. Waxa uu unuggu horseeday naqshadda iyo hirgelinta mashruucii u horreeyey ee guryeynta bulshada muddo soddon sano ah ka dib oo uu maalgaliyey Midowga Yurub.” Ayey Dr. Hodan tiri.

Dhaqdhaqaaq Is-Garab Taag ah (Taageero)

Hase ahaatee, daryeelka Dr. Hodan ee dadkeeda Soomaaliyeed kuma ekaan xeendaabka caafimaad- ee waxa ay wakhti galisay u dhaqdhaqaaqidda in haweenka Soomaaliyeed mustaqbalka dalka ku yeeshaan door mug leh, taas oo sababteeda laheyd kasloonida ay ku qabtay in haweenku laf-dhabar u yihiin harumarka ,siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee Soomaaliya.

 Waxa dhaqdhaqaaqeyaal kale la asaastay dhaqdhaqaaq siyaasadda haweenka ee loo yaqaan LeadNow

Sida laga soo xigtay iyada, LeadNow waaa dhaqdhaqaad is-garab taag (taageero)  oo loogu talo galay sare u qaadista ka qeyb galka haweenka Soomaaliyeed ee noloshada siyaasadda iyo bulshada iyo xoojinta dhammaan shabakadaha haweenka ee hore u jiray iyo kuwa cusubba.

Si taa loo gaaro, LeadNow waxa ay garwaaqsaneysaa in ay haweenka Soomaaliyeed kala duwan yihiin, waxa aana damacsan nahay in aanu dib u qeexno wax-wada-qabsiga haweenka annaga oo xaqiijineyna in aanu noqono madal loo dhan yahay oo aan u horseedno guul dhammaan haweenka Soomaaliyeed maadaama aan ku dadaaleyno inaan gaarno hadaf mida oo ah in matalaad caddaalad ah ka helaan xafiisyada dowladda.” Ayey Dr. Hodan tiri.

"Waxa aan nahay shabakad ballaaran oo haween ah” ayey tiri iyada oo hadalkeeda sii wadata, waxa ayna raacisay, “oo ay kamid yihiin u doodayaasha xuquuqda haweenka, siyaasiyiin haween ah, xubnaha bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo odayaal si aan u howlgalino dhammaan daneeyeyaasha ku howllan xulista xildhibaannada ee doorashada 2020-2021 ee baarlamaanka.”

Sida iska dabiciigia ah,hannaanka doorashada ee hadda jira ayaa noqday waxa ugu weyn ee horyaalla LeadNow.

“Hadafkeena degdeg ah waa in doorashadan socota la xaqiijyo, iyada oo la ilaalinaayo qoondada haweenka si aanan u lumin guulaha la gaaray doorashooyinkii 2016 oo boqolkiiba 24.5 dadkii loo doortay baarlamaanku ahaayeen haween. Waxaa ayaan darro ah in ilaa hadda aaney jirin hannaan la taaban karo oo xaqiijinaya in haweenku u helaan fursadda tan ragga la mida doorashada. Taa beddelkeed, waxa aan ilaa hadda Madaxweyneyaasha  Dowlad-Goboleedyada ka heynaa balanqaad afka keliya- mana aha wax niyadda u dajiin kara haweenka tartanka ku jira” ayey tiri Dr. Hodan

Waxa ay xustay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamka, gaar ahaan deeq bixiyeyaasha geedi-socodka doorashada, tixgelin siiyaan qoondada haweenka ee baarlamaanka.

Marka aad eegto wixi ku dhacay haweenkii isu soo taagay doorashada Soomaaliland oonan midkoodna la dooran maadaama aanay qoondo gaara laheyn, waxa lama huraan ah in qoondada lagu dammaanad qaado shuruuc si la mida hannaankii 2016 ee doorashooyinka Soomaaliya” ayey dhaqtaraddu leedahay

Marka la eego dabeecadda buuqa badan ee siyaasadda Soomaalida, iyo dhaqanka ah in ragga wax walbo lagu taageero, waa in beesha caalamka, oo ah maalgeliyaha doorashada,ka dhigaan qoondada haweenka shuruud ku xiran bixinta lacagta doorashada. Haddaanan sidaa la yeelin, waxa aan ka baqayaa in haweenka Soomaaliyeed ay lumin doonaan guushi ay ka gaareen hannaanka siyaasadda,” ayey raacisay Dr. Hodan

Dr. Hodan waxa ay aaminsan tahay in haddii aanan haweenka lagu matalin goleyaasha sharci dajinta, ay dalka u horseedi doonto ku duudsiinta xuquuqda gabdhaha, haweenka iyo kooxaha nugul.

“Waa Lama huraan in ay Dowladda Soomaaliya joogteyso dadaallada ay ku xaqiijineyso  in haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay aan laga reebin dhismaha qaranka, iyo in la ilaaliyo dhammaan xuquuqda muwaadiniinta si dastuurka waafaqsan.Sidaa si lamid ah, waxaa muhiim ah in beesha caalamku adeegsato waddo kasto oo u furan si ay u dammaanad qaaddo ka qeyb-galka siyaasadda ee kooxaha nugul hadda inta ay goori goor tahay.” Ayey xustay. 

Waxa ay si guud Dr. Hodan u sheegtay in midnimada haweenka Soomaaliyeed ay yahay arrin go’aamineysa guushooda siyaasadeed.

“Xaaladda ama jawiga siyaasaddu aad ayuu isu beddelaay. Doorasho walbaba waxa ay leedahay fursaddeeda iyo caqabadaheeda. Haweenku waa in ay billaabaan in ay ka fakaraan siyaasadda sanadka oo dhan iyo in ay tahay dhacdo sanad walba oo aanay keliya baraarugin marka ay doorasho jirto. Haweenku waa in ay sidoo kale fahmaan in siyaasaddu tahay fursad iyo awood ayna tahay in laga faa’iideysto iyada oo aan cidna la raalli galinayn. Awood waa mid marwalbo la qabsado ee aan marna la isa siin. Waxa ayna u baahan tahay hoggaan waayo-aragnimo leh oo xoogga saarta danta guud ee aan ka fekerin dan shaqsiyadeed. Waa mahuraan in aan taariikhda wax ka barano oo aan hore u socono anagoo oo leh ajanda si cad loo qeexay,” ayey carrabka ku adkeesay.

“Marka ay haween badan qayb ka noqdaan doorka hoggaanka iyo in ay saameyn siyaasadeed yeeshaan, waxa aan arki doonaa: amniga oo hagaaga, dhaqaalaha oo kordha, carruur badan oodugsiyada aadaya, caafimaadka bulshada oo hagaaga, bulshooyinka oo is-ogolaada iyo colaadaha oo yaraada” ayey raacisay.