Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhigga AMISOM

1 Sep 2015

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhigga AMISOM

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta ay xagjiriinta Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM ee ku yaalla deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay maamulaan ciidamado ka tirsan kuwa Uganda.