Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo Hargeysa gaaray

13 Jun 2013

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo Hargeysa gaaray

Hargeisa – Ergayga cusub ee Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, wuxu yimid Hargeysa, Somaliland subaxnimadii maanta si uu kulan ula yeesho Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxda kale ee Somaliland. Waa booqashadii u horeysay ee Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay uu Hargeysa ku yimid intii uu la wareegay xilka madaxnimo ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) 3dii June.