Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Kay oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday Madaxa Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba

10 Oct 2013

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Kay oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday Madaxa Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba

New York – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday gaariga Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo ah Hogaamiyha Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba. Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegay in uu ka badbaaday weerarka culus oo lagu soo qaaday oo wax dhaawac culus ma gaarin. Hase ahaatee , waxaa weerarka ku dhintay waardiyayaashiisa iyo dad kale oo waxa aan waxba galabsan, kadid markii gaarigii Axmed Madoobe lagu dhuftay gaari kale oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Weerarkaasina waxaa uu ka dhacay Magaaladda dekadda leh ee Kismaayo, ee ku taalla koonfurta Soomaaliya.