Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeye dilka Mudanaha Baarlamaan

2 Aug 2014

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeye dilka Mudanaha Baarlamaan

Muqdisho – 1 Agosto 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay dilka maanta loo geystay Sheekh Aadan Madeer, oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo weerarrada isdabajooga ah ee lagu hayo xildhibaanada.[]