War-bixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan uu ka siiyay Golaha Amaanka xaaladda Soomaaliya 21 Noofambar 2019

27 Feb 2020

War-bixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan uu ka siiyay Golaha Amaanka xaaladda Soomaaliya 21 Noofambar 2019

Marwo Madaxweyne, Xubnaha Golaha:

Waxaan kuugu hambalyeynayaa Marwo Madaxweyne xilka madaxtinimada ee bisha Nofembar 2019.  Sharaf ayey ii tahay maanta inaan idiinka warramo xaaladda Soomaaliya.

Aan ku bilaabo anigoo qiraya horumarka muhiimka ah ee laga gaadhay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay. Horumarkaan waxaa kamid ahaa dhismaha xarumaha hey’adaha dowlada heer qaran iyo heer dolwad gobaleedba taa oo dhalisay guulo militari oo muhiim ah oo ka dhan ah Al Shabaab; iyo kobcinta   dhaqaalaha iyo hagaajinta maareynta waaxyada dowladda.

Soomaalidu waxay rabaan inay arkaan horumarkaan oo xoogeysta 2020 taas oo run ahaantii noqotay mid aan dib looga noqon karin. Sidaas oo kale   saaxiibada caalamiga ah iyo asxaabtooda.

Waxaan ku faraxsanahay in aan caddeeyo dhowr tusaale oo horusocod dheeri ah tan iyo warbixintaydii ugu dambeysay ee aan u gudbiyay Golaha saddex bilood ka hor. Soomaaliya waxay wali ku socotaa wadadii deynta looga cafin lahaa, iyadoo qiimeyn wanaagsan laga helayo Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo taageero xoogan ee dhanga deyn bixiyayaasha ah, Qorshe Horumarineed oo Qaranka oo cusub ayaa dawladu qaadatay bishii Sebtember waxayna hagi doontaa barnaamijyada iskaashiga caalamiga ah. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay dhul ay al-Shabaab ka qabsadeen horaantii xagaagan ee Shabeelaha Hoose.

Dhinaca diblomaasiyadda, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi 'Farmaajo' iyo dhiggiisa Kenya Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxay kulmeen usbuucii la soo dhaafay waxayna ku dhawaaqeen qorsheyaal lagu soo celinayo xiriirka laba geesoodka ah oo xumaaday ilaa bishii Febraayo.  

Si kor loogu qaado rajada laga qabo in horumar kale laga gaaro sannadka 2020, ayay dawladda Soomaaliya marti galisay Madasha Iskaashiga Soomaaliya Oktoobar 1-deedii iyo 2-da. Madasha Wada-shaqeynta waxay cadeysay mudnaano muhiim ah ee sanada 2020 waxayna qeexday ujeeddooyin gaar ah iyo waqtiyo 'Qaab dhismeedka La-xisaabtanka ' oo ay isla garteen la-hawlgalayaasha.

Marwo Madaxweyne,

Horumarka la doonayo in laga gaaro ajendaha himilada leh ee 2020 wuxuu u baahan doonaa heerar sare oo isafgarad siyaasadeed. Tani waxay horseedi doontaa wada hadal iyo isu tanaasul u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka; u dhexeeya fulinta iyo sharci dejinta; u dhexeeya kuwa  haatan xafiiska haya iyo kuwa hada awooda ka maqan ;  u dhexeeya   hogaamiyaasha sarsare iyo odayaasha bulshada, ururada bulshada rayidka, kooxaha haweenka iyo dhalinyarada oo cod siiya dad aad u badan oo soomaali ah.

Kadib in kabadan hal sano oo aan laheyn iskaashi wax ku ool ah oo udhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, xaaladdani waxay caqabad ku noqotey hagaajinta iyo gaarista waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka. Hoggaamiyaasha Soomaaliya waa inay si deg deg ah wax uga qabtaan kala goynta ismari waaga ee udhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka Federaalka ah lana eego danta umadda.

Marwo Madaxwayne,

Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Soomaaliya waa uu sii kordhaya iyada oo diiradda la saarayo doorashada 2020. Waxaan rajaynayaa inaan hoosta ka xariiqo muhiimada ah inay baarlamaanku ansixiyaan xeerka doorashada iyo ansixinta wax ka badalka xeerka xisbiyada siyaasada ka hor dabayaaqada bisha diisambar. Dib u dhac kasta oo ku yimaada waqtigan wuxuu khatar galinayaa jadwalka doorashada 2020.  

Waxaan ku amaanayaa dawlada xaqiijinta bilawga maalgalinta ku aadan kharashka diiwaangalinta codbixiyaha.Sidoo kale waxaan ku amaanayaa dawlada inay magacawday bishii September Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka kuwaaso ay tahay inay dagdag u bilaabaan hawlaha shaqo ee muhiimka ah.

Iyadoo farsamadani ay tahay mid dhiiri galin ah, waxaan mar labaad hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in la sameeyo isafgarad siyaasadeed oo ballaaran oo ku saabsan nidaamka doorashada ee 2020.Arrintan la xiriirta, waxaan aad usoo dhawaynayaa kulankii  shalay dhexmaray madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Maxamed “Farmaajo” iyo labadiisii [Madaxweyne] ka horreesay  kuna dhiirigalinayaa wada tashiyo badan oo sidan ah.

Maadaama ay doorashadu soo dhawaanayso, waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dawlada si loo hubiyo ilaalinta boosaska siyaasadeed. Muwaadiniintu waa inay xaq uleeyihiin inay hadlan, inuu helo warbaahinta, in kulamo la abaabulo iyo inay safraan si ay ula hawl galaan somalida kale ee dalka oo dhan.

Isla markaas waxaan u sheegayaa hogaamiyayaasha siyaasada inay u shaqeeyaan si masuuliyad leh si looga baxo rabshadaha loona ilaaliyo hufnaanta hayadaha qaranka.

Marwo Madaxwayne,

Somalidu sidoo kale fiiro gaar ah waxay siinayaan dib u heshiisiinta iyo hannanka doorashooyinka heer maamul goboleed. Dadaalada dib u heshiisiinta ee maamul goboleedka Galmudug waxay hadda waajahayaan caqabado maadaama tartanku ka sii xoogaysanayo samaynta baarlamaanka.

Jubbalaan xiisadaha ka dhashay nidaamka doorashada lagu muransan yahay ee dhacay bisha august ayaa siiwadaya khatarta rabshadaha, kala qaybsanaanta qabiilada iyo xitaa faragalinta dibada hadaan si taxadar leh loo maamulin. Waxaan ku boorinaynaa in xaaladahan lagu dhameeyo wada hadal, isku tanaasul iyo daacadnimo.

Annagoo ixtiraamayna cilaaqaadka Somaliland, waxaan ku boorinaynaa labada maamul ee Muqdisho iyo Hargeysa inay diirada saaraan doonista shicibka iyo inay u furfurnaadaan bilawga cusub si loo dhiirigaliyo wada hadalada. Doorashooyinka baarlamaanka ayaa sidoo kale laga filayaa Somaliland 2020, Sidoo kale waxa muhiim ah in la ixtiraamo xorriyada siyaasada iyo xuquuqul insaanka.

Marwo Madaxwayne,

Dawlada fadaraalka waxa ka go’an inay dhamayso wax ka badalka dastuurka fadaraalka ilaa june 2020. Hogaamiyayaasha soomaalida iyo daneeyayaashuba waa inay libinlaabaan dadaalada dhamaystirka dukumantigan aasaasiga ah. Waa in wax laga qabtaa arrimaha udub dhexaadka u ah nidaamka fadaraalka, sida qoondaynta awoodaha, qaab dhismeedka dawlada iyo maqaamka caasimada muqdisho. Iyo damaanadqaadka matalaada dumarka ee siyaasada.

Nabada iyo xasiloonida somaliya waxay u baahan tahay haya’do adag oo ilaaliya xuquuqda muwaadiniinta oo dhisa kalsoonida dawladda.

Waxaan ugu yeedhayaa Dawladda Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka inay gaadhaan heshiis ku dhisan cadaalad iyo hab sixitaan, iyo in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah, Guddiga Adeegyada Garsoorka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka. Oo ay ka mid tahay hawlaha muhiimka ah ee sharci dajinta, waxaan ku boorinayaa in dagdag loo tixgaliyo oo loo gudbiyo baarlamaanka Sharciga Dembiyada Galmada.

Marwo Madaxwayne,

Nabad galyo xumada waxay caqabad wayn ku tahay horumarka somaliya. Alshabaab waxay sii wadaa weerarada argagixiso ee dilalka ka dhanka ah shacabka sidoo kale bartilmaameedyada milatariga.

Si looga hortago weerarada Muqdisho, ciidanka qaranka Somaliyeed oo taageero ka helaya AMISOM iyo la hawgadayaasha caalamiga ah ayaa bilaabay abril hawlgalo dib loogala wareegayo dhulka ay maamusha alshabaab ee gobolka shabeelada hoose. Intii ka dambaysay weerarkii u dambeeyay ee august ciidanka qaranka soomaaliyeed waxay si guul leh u qabsadeen dhulkooda inkastoo ay alshabaab soo celisay weeraradii ku dhufoo ka dhaqaaqda ahaa. Waxa loo baahan yahay dhalinyaro dheeraad ah oo xoog leh maaha kaliya inay sii wadaan horumarkan laakiin inay taageero unoqdaan hawlaha kale ee dib u habaynta haya’daha oo loo baahan yahay si loo hirgaliyo qorshaha kala-guurka amniga.

Marwo Madaxwayne, 

Dhinaca dhaqaalaha, Soomaaliya waxa ay waddo ugu jirtaa sidii ay u gaari lahayd dariiqa loo maro go’aan ka gaadhista daynta wadamada saboolka ah bilawga sannadka dambe. Dawlada fadaraalka ah iyo Dowlad gobaleedyada Xubnaha ka ah Fadaraalka waxay si buuxda isaga kaashadeen heerka wasiirka maaliyada si loogu gudbo horumar ku waajahan himiladan la wadaago.

Waxaan soo dhawaynayaa ansixinta Dawlada Fadaraalka ee qorshaha cusub ee horumarinta qaranka. Waxaa si toos ah loogala tashaday Xubnaha Maamulgoboleedyada Fadaraalka iyo shuraakada caalamiga ah si isku mid ah. Deeq-bixiyayaasha ayaa balan qaaday inay waafajiyaan barnaamijyadooda qorshahan.

Halka dawlada iyo wada-hawlgalayaasha ay wali ka go’an tahay dhismaha nabada ee mudada fog iyo qorshaha horumarinta ee shacabka, Somaliya waxa wax laga xumaado ah inay ka sii socdaan dhibaatooyinka biniaadminimo. Waxaan u mahadnaqayaa hogaamiyaha kooxda hawlaha biniaadminada ee dawlada somaliya iyo deeqsinimada wada-hawlgalayaasha fara badan oo caalami ah. Taageero naf badbaadin ayaa la siiyaa kuwa aadka ugu baahan. Waxaan muujinaynaa adkaysiga midnimadaleh ee dadka somalida ah ee ay saameeyeen dhibaatooyinkan soo noqnoqday.

Marwo Madaxwayne,

Gabagabadii,waxaan amaanayaa geesinimada iyo wadajirka ciidamada  Soomaaliya  iyo AMISOM dadaaladooda lagu horumarinayo amniga dalka oo dhan. Waxaan hoosta ka xarriiqayaa udub dhexaadka ixtiraamka xuquuqda aadanaha dhammaan dadaallada wadaagga ah ee aan ka wadno Soomaaliya. Waxaan mar labaad ku celinayaa ahmiyada haweenka, dhalinyarada, iyo bulshada rayidka ah ayna yihiin shuraako muhiim u ah dhismaha mustaqbalka Soomaaliya.

Mahadsanid.