Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya oo war-bixin siiyay Golaha Amaanka ee QM

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, oo warbixin siiyay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay iyadoo loo marinayo xiriir muuqaal video ah oo laga xiriiriyay magaalada Muqdisho, 13kii bisha Sebtembar 2017. UN Photo/Eskinder Debebe

18 Sep 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya oo war-bixin siiyay Golaha Amaanka ee QM

 

Md. Madaxweyne,

Caqabadaha waqtiga fog iyo kuwa waqtiga dhow ee horyaalla Soomaaliya weli waa kuwo adadag, ha ahaadaan dhinaca baniaadanimada, dhaqaalaha, amniga ama siyaasadda. Midnimada Golaha iyo iskaashiga beesha caalamka ayaa gundhig u ahaa horumarka tartiib tartiibta ah, haba iska jilicsanaadee, ee hadda la gaaray.

Markaan bixinayay warbixintii bishii Maajo, xasaradda baniaadanimo aad bay u sii xumaanaysay. Mahadi ha ka gaartee hay’adaha oo sida deeqsiga lahayd u ururiyay in ka badan 1 bilyan oo doolar Maraykan ah ee loogu talagalay waxqabadka baniaadanimo tan iyo billowgii sannadkan, ayaa ku guuleystay inay qaadaan olole ka hortag macluul ah oo lala gaaray 3 milyan oo qof bishiiba.

Intii ugu darnayd ee khatarta macluusha waa laga badbaaday. Hasee yeeshee, dhibaatada ku dhacday nolosha iyo maciishada, gaar ahaan midda haweenka, carruurta iyo kooxaha taagta daran ayaa ahayd mid baaxad leh. Waxaa dhowaan barakacay dad gaaraya 900,000 oo qof sagaalkii bilaad ee la soo dhaafay. Khatrata macluushuna weli way jirtaa.

Waa waajib saaran Soomaalida inay ka baxaan dhibaatadan daran iyo walaacan cimilada la xiriira ee soo noqnoqonaya. Saaxiibada Soomaaliya kala shaqeeya gagrgaarka baniaadanimo iyo horumarinta ayaa isu imanaya si ay u dhisaan tayada hay’adaha, u xoojiyaan adkeysiga, una kordhiyaan wax soo saarka, iyadoo la raacayo Habka Cusub ee Shaqada ee Xoghayaha Guud.

Dowladda Federaalka, oo ay taageeraan Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, ayaa qorsheyaal dhammeystiran u dejinaysa Qiimeynta Baahida Masiibada ka-dambeysa ee saameynta abaaraha, iyo Hanaan Dib-u-soo Kabasho iyo Adkeysi si loo dhimmo khatarta macluusha.

Md. Madaxweyne,

Wareejinta awoodda ee sida nabadda ku dhacday horraantii sannadkan geeddi socodkii doorashada ka dib waxay abuurtay dareen rajo iyo fursad siyaasadeed. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an inay gaarto ujeeddooyin waaweyn, oo ay ka mid yihiin adkeynta amniga, gaar ahaan magaalada Muqdisho; shaqo abuurid; dejinta dharciyada muhimka ah ee isbedel keeni doona.

Hase yeeshee, xilligii dabbaaldega hadda wuu dhammaaday. Soomaaliya ma aha Dowladdii ugu horreysay ee la kulanta xaaladdan oo kale.

Caqabadaha siyaasadda ee hadda taagan ayaa waxaa sii xumeynaya xiriirka aan si fiican loo qeexin ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, midka ka dhexeeya Laamaha Fulinta iyo Sharcidejinta, iyo midka ka dhexeeya Aqalka Sare ee dhowaan la dhisay iyo Golaha Shacabka.

Caqabadaha kale waxay la xiriiraan siyaasiyiinta iyo kuwa awoodda ka kala dillaala oo fursadaha u adeegsada inay ku hormariyaan danaha beelahooda ama hanqaltaagooda shakhsi, iyagoo adeegsanaya waxyaabo ay ka midyihiin handadaad xil ka xayuubin iyo mooshin kalsoon kala noqosho.

Arrinta ugu weyn waa in Dowladda Federaalku ay ku guuleysan doonto inay maareyso dhinacyadaas iyo inay ka hortagto inay khatar geliyaan horumarka laga gaaray ujeeddooyinka waaweyn iyo xasilloonida dowladda.

Xiriirka Shaqo ee adag ee ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo sida ay Dowladda Federaalka uga go’antahay inay dadweynaha u keento faa’iidooyin dhaqaale iyo kuwo amni oo la taaban karo waa arrin dhiiragelin aad u weyn leh.

Arrimaha ugu horreeya ee hadda dhibaato ku haya xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda waxaa ka mid ah muranka ka dhashay u dhiibiddii Ethiopia loo dhiibay xubinta caanka ah ee ka tirsan Jabhadda Xoreynta Ogadeeniya iyo saameynta ay reebtay go’aanka ay Dowladdu ku qaadatay inay dhexdhexaad ka ahaato muranka u dhexeeya dalal saaxiibo muhim ah oo Khaliijka ah.

Waxaa sidoo kale ka mid ah khilaafaadka soo ifbaxaya ee ka jira dalka, oo ay ka midyihiin midka ka taagan Hirshabeelle iyo xilka ka qaadiddii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka; ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Galmudug halkaasoo Madaxweynaha Dowlad Goboleedku uu ku guuleysan waayay inuu wadahadallo awood qaybsi iyo dib-u-heshiisiin ah la yeesho Ahlu Sunna Wal-Jamaaca; xasaradaha ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose.

Haddii aan la xallin, caqabadahan waxay waxyeello u geysan karaan guulaha ilaa iyo hadda laga garay hanaanka dhisidda dowladda. Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqeynaysaa Uurur-Goboleedka IGAD iyo saaxiibada kale ee la hawlgala si ay kaalin mug leh uga cayaarto, oo ay ka midtahay taageeto loo fidiyo doorashada Hirshabeelle.

Waxaa loo baahanyahay in xal loo helo arrimaha waaweyn ee xaddidi doona dowladda federaalka, oo ay ka midyiin kala qaybinta/saaridda awoodaha, heshiisyo laga gaaro sidii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu u wadaagi lahaayeen dakhliga iyo kheyraadka.  Waxaa kaloo ka mid ah qaabdhismeedka garsoorka, maqaamka gobolka Banaadir oo ay ku dhextaallo magaalo madaxda qaran, iyo rasmi ahaan u dhammeystirka maqaamka dhammaan Dowlad Goboleedyada Federaalka.

Sidaaa darteed, waxaa mudnaanta koowaad leh in la horumariyo dib-u-eegidda Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah. Wadatashiyo waxtar leh ayaa socota si loo xaqiijiyo hanaan dib-u-eegid oo loo wada dhanyahay, inkastoo kaalmaha iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin hay’adaha waaweyn ay weli u baahanyihiin in la kala caddeeyo. Tallaabada xigta waa shirweyne qaran oo wadatashi oo lagu ballansanyahay in la qabto bisha Oktoobar markaasoo lagu heshiin doono qorshe weyne oo laba sanno ah.

Horumar dhab ah ayaa laga gaaray diyaarinta iyo meelmarinta shuruuc mudnaanta leh, sida Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta iyo Sharciga Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Waxaa sidoo kale Dhammeystirka dib-u-eegidda dastuurka ayaa sidoo kale muhim u ah in lagu guuleysto in doorasho la qabto sannadka 2020/21. Hanaanka sharcidejinta iyo heshiis laga gaaro qaabka doorashada ayaa si degdeg ah loogu baahanyahay. Taasi waxay meesha ka saari doontaa shakiga laga qabo in Soomaaliya ay ka bixi karto waxa loogu yeero habka 4.5 una guurto doorasho laga wada qaybgalo. 

Xasaradda ka taagan xiriirka ka dhexeeya dalalka Khaliijka ayaa saameyn ku yeelatay Soomaaliya. Maalgashi iyo deeq dhaqaale oo la filayay ayaan weli imanin, go’aanka Dowladda Federaalka ee dhexdhexaadnimada, inkastoo uu helay taageero ballaaran, lagama jecleysan dhinacyada qaar. Taageeradiina joogtada ah ayaa loo baahanyahay si Soomaaliya looga ilaaliyo saameyn xasillooni darro keeni karta ee ka dhalata loollanka juqraafi-siyaasadeed ee dowladaha.

Xasillooni darrada siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya waa in si dhab ah loo qaataa laakiin waa inaysan naga indhatirin horumarka joogtada ah, oo aan sinnayn, ee dalka ka hanaqaadaya.

Md. Madaxweyne,

Soomaaliya waxay yeelan kartaa mustaqbal dhaqaale weyn leh – ha ahaato beeraha, xoolaha nool, kalluumeysiga, ganacsiga iyo ilaha tamarta la cusbooneysiin karo iyo ilaha kaleba – iyo weliba rag iyo dumar leh halabuur ganacsi oo heer sare ah dalka gudihiisa iyo qurbajoogtaba. In laga faa’iideysto mustaqbalkan dhaqaale waxay ku xirantahay in lagu guuleysto in la gaaro xal siyaasadeed oo dhexmara Dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaa kaloo ay ku xirantahay siyaasadaha dowladda iyo tayada ay u leedahay hirgelintooda.

Shardi lagama maarmaan ah waa in dakhli la helo, ha laga ururiyo ilaha gudaha ama deeq maaliyadeed. In haraaga deenta la bixiyo lana gaaro heerka go’aanka Dalalka Saboolka ah ee Qaan Culus lagu leeyahay (HIPC) waa muhim waxayna u baahantahay xoojinta maareynta maaliyadda guud iyo wax qabad caalami ah. Taageerada Golaha waxay keeni kartaa isbedel wax ku ool ah.

Isla markaas, Soomaaliya waxay aad ugu tiirsantahay gargaarka. Deebixiyeyaasha soo jireenka ah iyo kuwa aan soo jireenka ahayn, oo ay ka midyihiin kuwo badan oo ka tirsan Golaha, ayaa bixiyay kaalmo deeqsi ah.

Ra’iisul Wasaaruhu codsanayaa taageero miisaaniyadeed oo degdeg ah si ay Dowladda ugu suurtagasho inay wax ka qabato shaqooyinka iyo amniga, una xoojiso xiriirka kala dhexeeya Dowlad Goboleedyada Federaalka iyadoo lacagu u soo wareejinaysa. Qaramada Midoobay iyo bangiga Adduunka ayaa si dhow wada shaqeeyay si ay u dekiyaan xirmo ‘taageero sare loo qaaday ah’ ee hawlaha guud. Waxaan saaxiibada ugu baaqayaa inay u ogolaadaan Midowga Yurub, Norway iyo Sweden inay hogaanka u qabtaan ujeeddadaasna u adeegsadaan Sanduuqa Maalgelinta Kharashka soo Noqnoqda iyo Did-u-habaynta.

Md. Madaxweyne,

Amniga magaalada Muqdisho wuu soo hagaagay taasoo ka dhalatay Qorshaha Xasillinta Muqdisho ee Dowladda Federaalka. Tani waxay mudantahay taageero dheeraad ah. Hasee yeeshee, weli Al-Shabaab waa khatar taagan, xaaladda guud ee amniga dalkana waa mid weli aan sugnayn.

In wax laga qabto amni darrada iyo khatarta joogtada ah ee ka timaada Al-Shabaab waxay u baahantahay in si adag loo hirgeliyo Heshiiska Qaabdhsimaaedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Dhammeystiran ee Amniga (CAS). Saaxiibo la hawlgala oo ka socda beesha caalamka ayaa hadda la asteeyay, oo waxay billaabeen inay ka shaqeeyaan mid kasta oo ka mid ah afarta dhinac ee Hanaanka CAS, oo kala ah suurtagelinta hawlgallada waxtarka leh ee AMISOM iyo hirgelinta kalaguurka laga guurayo AMISOM; xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya, oo ay ka midyihiin qaabka hawlgalka booliska iyo ilaalada badaha; xasilinta; iyo midka afaraad oo ah ka hortagga iyo la dagaallanka xagjirnimada gacan ka hadalka wadata.

In dhaqaale la isku halleyn karo loo helo AMISOM waa arrin mudnaanta ugu sarreysa leh. Dooddiinii ee aad toddobaadii hore ku yeelateen magaalada Addis Ababa waxay ifisay arrimaha waaweyn. Warbixinta Xoghayaha Guud ee ku saabsan dhaqaalaha loo qoondeeyo AMISOM, oo soo bixi doona bisha Nofembar, waa fursad lagu gorfeeyo laguna soo jeediyo siyaabaha kala duwan ee dhaqaale loo helo karo, iyadoo maanka lagu hayo inay koobanyihiin lacagaha ay deeqbixiyeyaashu iskood ugu deegaan.

Arrintan waa in lagu xiraa sida caadiga ah ee loo dhigo baahiyaha amni ee Soomaaliya ee shanta sanno ee soo socota, oo ah mid ay wadaagaan Dowladda Federaalka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo maalgashadayaasha waaweyn ee amniga Soomaaliya, oo ay ka midyihiin Maraykanka, Midowga Yurub iyo saaxiibada waaweyn ee sida gaarka ah Soomaaliya ula hawlgala.

Tani waxay u baahantahay inay ku saleysantahay kuna qotonto talooyinkii ka soo baxay Dibueegiddii Wadajirka ahayd ee Midowga Afrika-Qaramada Midoobay ee lagu sameeyay AMISOM, iyo natiijooyinkii Qiimeynta Diyaargarowga Hawlgal ee Ciidanka Soomaaliyeed ee hadda socota oo gacanta lagu hayo, iyo horumarka laga gaaray hirgelinta Heshiiska Qaabdhsimaaedka Amniga Qaran.

In lagu guuleysto kalaguur mas’uuliyadda amniga laga wareejiyo AMISOM loona wareejiyo hay’adaha amniga Soomaaliyeed waxay u baahantahay taageero ku filan oo isku xiran oo loo wada fidiyo AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliya, iyo weliba in la caddeeyo kaalinta ay cayaarayso UNSOS marka kalaguurku uu billowdo. Kalaguur socon kara wuxuu u baahanyahay in la fuliyo shuruudo siyaasadeed iyo kuwo hawlgal oo waaweyn.

AMISOM waxay weli kaalin aan laga maarmi karin ka cayaareysaa ilaalinta horumarka dalka iyo dadka Soomaaliya. Ciidamada amniga Soomaaliyeed weli diyaar uma aha inay mas’uuliyad buuxda qaadaan. Dhaqaalaha lagu bixiyo AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed waa inay iskaabaan.

Md. Madaxweyne,

Xallinta khilaafaadka, dibuheshiisiinta maxalliga iyo yareynta colaadda gacan ka hadalka ah ayaa muhim u ah horumarka iyo dhimidda kharashka, xagga dadka iyo lacagtaba. Qaramada Midoobay waxay la shaqeynaysaa Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo saaxiibada kale ee la hawlgala si loo xoojiyo tayada qaran ee xallinta khilaafaadka iyo weliba si loo fududeeyo heshiisyo laga gaaro goobo gaar ah. Tusaale waxaa arrintan u ah magaalada Gaalkacyo oo horumar dhab ah laga sameynayo.

Gunaanadkii, Soomaaliya waxaa horyaalla xasarado degdeg ah iyo weliba dhibaatooyin asaasi ah ee dhanka dhismaha maamulka, oo qaarkood ay yihiin kuwo welwel keenaya oo waxay horjoogsan karaaan horumarka siyaasadeed. In taageero dhab ah iyo dhiirigelin siyaasadeed la siiyo hogaanka Soomaaliyeed, ee heer federaal iyo heed dowlad goboleedba, waxaa sii ahaan doontaa arrin muhim ah.

Ii ogolow inaan hadalkeyga ku soo gunaanado mahad aan u soo jeediyo xubnaha Golaha sida midaysan ee joogtada ah ee aad ugu heellantihiin Soomaaliya iyo taageeradiina joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo aniga iyo kooxdaydaba.

Mahadsanidiin.