Ergeyga QM oo kulan daah-furan u qabtay madaxda haweenka oo looga hadlaayo xaquuqda haweenka

10 Mar 2016

Ergeyga QM oo kulan daah-furan u qabtay madaxda haweenka oo looga hadlaayo xaquuqda haweenka

Hoggaamiyeyaasha haweenka ah ee Soomaaliya ayaa dardargeliyey dadaalka ay ugu jiraan in dumarku si fiican uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka. Waxayna maanta kulan Maalin Furan ah la yeesheen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa qayb ka ahaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waxaana ka qaybgalay dumar hoggaamiyeyaal ah oo ka kala socdey Dowaladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah.

Hadal uu munaasibaddaas ka jeediyey ayuu Mr. Keating kaga warramay horumarka la taaban karo ee laga sameeyey wax ka qabashada caqabadaha haysta haweenka, isagoo carrabku ku dhuftay heshiiskii dhawaan lugu gaarey hannaanka doorashada ee loo marayo xulashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee 2016.

Wuxuu si gaar ah u carrabbaabay qodobbada heshiiska ku jira ee dhigaya in 30% kuraasta labada aqalba loo qoondeeyo haweenka, taas oo uu ku tilmaamay tillaabo weyn oo horay loo qaaday.

Laakiin, wuxuu hoggaamiyeyaasha haweenka ku adkeeyey in ay ka foojignaadaan xusul-duubka loogu jiro in ay gondaha la galaan siyaasadda qabiilka. Asagoo intaas raaciyey in tillaabadani majo-xaabin karto dadaalka loogu jiro soo dhicinta xaquuqda haweenka ka maqan, si ay talo ugu yeeshaan xukunka dalka.

“Taas waxaan ula jeedaa in aydan ku lug xirmin doodaha ku saleysan awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 ee aad ku dooddaan in loo baahan yahay meelmarinta qaab-dhismeed ku qotoma doorasho dhab ah. Waxaan rabnaa guddi doorasho, tirokoob, diiwaangelin codbixiye, sharci doorasho, iyo xisbiyo siyaasadeed. Ma dooneyno 4.5 sababtoo ah ma ahan qaab haweenku hankooda siyaasadeed ku gaari karaan, ayuu yiri Mr. Keating.

Wasiiradda caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xaawa Maxamed Xasan, ayaa haweenka ku tartansiisay in ay codkooda sare u qaadaan ayna isku diyaariyaan buuxinta kuraasta 30% ah ee loo qoondeeyey baarlamaanka soo socda.

Wasiiraddu waxay hoosta ka xarriiqday in haween sumcadda leh, una diyaar ah in ay ka shaqeeyaan danaha dumarka islamarkaana u doodi kara xaquuqda haweenka, oo qura loo tixgelin doono xilalka doorasho, si looga hortago shakhsiyaadka danleyda ah ee lugu shuban karo.

Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqda Aadamiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Zahra Cali Samatar, ayaa ka digtey in mustaqbalka dalku qalqiil ku jiro haddii aan doorka dumarka la siin aqoonsiga iyo mudnaanta uu mudan yahay.

“Haddii aanan mudnaan siin doorka haweenka ee laf-dhabarka u ah qaranka, aayaha dalku wuu nuxur beelayaa,” ayey tiri wasiiraddu.

Guddoonka Guddiga Kormeerka Baarlaanka, Mariam Cariif Qaasim, ayaa sheegtay in guddigeedu uu soo jeediyey tillaabooyin lugu xaqiijinayo in qoondada dumarka (30%) dastuurka lugu qeexo,  iyadoo la adeegsanayo marinka golaha wasiirrada halkii baarlamaanka laga dhigi lahaa, taas oo u baahaneysa xayndaab dheeri ah.

Kulanka Maalinta Furan ayaa looga gollahaa in fursad loogu abuuro hoggaamiyeyaasha haweenka ah, si ay Wakiilka ugala hadlaan arrimo muhiimad gaar ah leh. Waxaa jira welwel laga qabo in hannaanka awood qaybsiga 4.5 uu sida qorshuhu yahay u miro dhali waayo, maadaama aan qoondada 30% ee dumarka aan weli dastuurka lugu darin.

Sannadkaan, Soomaaliya waxay ku hawlan tahay in ay soo saarto Qorshaha Horumarinta Qaranka 2017-2020, taas oo faa’idadeeda loo baahan yahay in lugu kabo guulaha laga gaarey sinaashaha ragga iyo dumarka iyo tabargelinta haweenka.

 Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ah ayaa sidoo kale la soo gunaanudi doonaa 2016-ka, taasina waa fursad kale oo lugu tabantaabi karo daryeelka xaquuqda haweenka, sidoo kalena lugu xaqiijin karo ka qaybgalkooda siyaasadda dalka.