Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud James Swan oo warbaahinta kula hadlay Hargeisa, Somaliland

28 Jul 2019

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud James Swan oo warbaahinta kula hadlay Hargeisa, Somaliland

Waxaan jeclaan lahaa in aan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shacabka Somaliland uga mahad celiyo soo dhoweynta diiran ee ay ii fidiyeen intii aan ku guda jurat booqashada.

Waa wax fiican in aan kusoo laabto Hargeysa. Waxaan markii hore soo booqday 1995kii, waxaan mar kale kusoo noqday 2012-2013kii. Xataa booqashadaydayn gaaban, waxaan arkaa in la gaaray horumar. Firfircoonida dhaqaale iyo amniga guud ee la ilaaliyay ayaa dhiiri-gelinaya kalsoonida mustaqbalka.

Waxaan wadahadalo wanaagsan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo wasiiradiisa. Waxaan ka wada hadalnay sidii hawsha loogasii amba-qaadi lahaa guulaha ay gaartay Somaliland. Arrinta muhiimka ah ayaa ah sidii loo heli lahaa hab lagu xalliyo kala-duwanaanshaha loona xaliyo si nabad ah oo wax dhisaysa, loona sii joogtayn lahaa hababka wadax-xiriirka

Waxaa kale oo aan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in la dhamaystiro hawsha u-diyaargarowga ee lagama maarmaaka u ah guda gelidda doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka ee dhowaan qabsoomaya. Iyadoo lasii amba qaadayo arrintaas, ayaa waxaan ku farxay in aan ogaado heshiiskii shalay ay wada gaareen xisbiyada siyaasadda waxaana jajaynaynaa in uu horseedi dooni jadwalka doorashooyinkaas waqti hore.

Waxaan sidoo kale fursad u helay in aan arko qayb kamid ah shaqada ay hayso Qarmada Midoobay ee wax ka-qabashada baahida [samafalka] bani’aadanimo ee degdega ah iyo ahdaafta/yoolalka horumarineed ee waqtiga fog

Shalay waxaan booqday xarunta waxsoosaarka xirfadaha, oo ay taageerto hay’adda QM u qaabilsan arrimaha qoxootiga, UNHCR. Waxay ahayd arrin dhiiri-gelin leh in aan arko tababar waxqabad ah oo loo bixinayo sidii loogu garab-siiyo qoxootiga iyo magangelyo doonka sidii ay wax ugu qaban lahaayeen qoysaskooda, oo sidoo kalena ay gacan uga geysan lahaayeen dhaqaalaha goobaha ay ku noolyihiin ee marti geliyay.

Sidoo kale, waxaan booqday Mac-hadka Shaqaalah Dowladda ee Somaliland (Civil Service Institute), oo ay taageeraan Hay’adda QM ee Horumarinta Barnaamijyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxay ahayd arrin xiiso leh in aan la kulmay madax dowladda ka tirsan oo ka shaqaynaya sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ka jira horumarinta dowladda hoose oo iyadu mas’uul ka ah waxna u qabata dadka soo doonta adeegyada dowladda hoose.

Waxaan ku han-weynahay in aan sii wado xiriirka aan la leeyahay madaxda iyo dadka Somaliland, waxaan fursaddan uga faa’iidaysanayaa in aan Madaxweyne Biixi  iyo saaxiibadiis uga mahad celiyo taageeradooda ku aadda hawlgallada QM ay ka waddo halkan.