Farriin Muuqaal ah oo ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee soo af-jaridda ciqaab ka-fakashada kuwa geysta Dembiyada ka Dhanka ah Saxafiyiinta

2 Nov 2018

Farriin Muuqaal ah oo ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee soo af-jaridda ciqaab ka-fakashada kuwa geysta Dembiyada ka Dhanka ah Saxafiyiinta

ANTÓNIO GUTERRES

Muddo toban sanno xoogaa ka badan gudaheeda ayaa in ka badan kun saxafi lagu dilay iyagoo gudanaya hawlahooda lagama maarmaanka ah. Sagaal ka mid ah tobankii dhacdo weli lama xallin, iyadoo qofna aan lala xisaabtamin. 

Saxafiyiinta haweenka ah ayaa inta badan khatarta ugu weyn ugu jira in lagu bartilmaameedsado war tebintooda iyo weliba jinsi ahaantooda awgeed, taasoo ay ka mid tahay khatarta tacaddiga galmada.

Sannadkan keliya, ugu yaraan 88 saxafi ayaa la dilay.

Kumanaan badan oo kale ayaa la weeraray, la dhibaateeyay, la qabtay/xiray ama xabsiga loo taxaabay iyagoo loo maleegay eedeymo been ah, iyadoo aan la marin sharciga.

Arrintan waa wax fool xun oo aan la qaadan karin. Tani waa inaan loo ogolaanin inay noqoto arrin cusub oo la caadeysto.

Marka saxfiyiinta la bartilmaameedsado, dhibku wuxuu ku dhacaa bulshada guud ahaan.

Waxaan aad uga xumahay oo aan ka welwelsanahay tirada sii dhordheysa ee weerarrada iyo dhaqanka la xisaantan la’aanta.

Waxaan ugu baaqayaa Dowladaha iyo beesha caalamka inay ilaaliyaan saxafiyiinta ayna u abuuraan duruufaha ay u baahan yihiin inay shaqadooda ku qabtaan.

Maanta waxaan ammaan iyo bogaadin u dirayaa saxafiyiinta qabta shaqadooda maalin kasta inkastoo ay jiraan cagajugleyn iyo handadaadyo. Shaqadooda – iyo shaqada saaxiibadooda la dilay -- waxay na xusuusinaysaa in runtu aan weligeed dhimanaynin. Sidoo kale waa inaan weligeed dhimanin sida aan ugu heellanahay xaqa asaasiga ah ee aan u leenahay xorriyadda hadalka.

War tebintu dembi ma aha.

Annagoo wadajir ah, aan u istaagno saxafiyiinta, runta iyo caddaaladda.