Farxiyo Maxamed Kheyre: “Waxaan u taaganahay xuquuqda haweenka saxafiyiinta ah waxkasta oo ay igu qaadato."

3 May 2020

Farxiyo Maxamed Kheyre: “Waxaan u taaganahay xuquuqda haweenka saxafiyiinta ah waxkasta oo ay igu qaadato."

Nairobi – Iyadoo dib u qooraansaneysa xirfadeeda ilaa iyo hadda, Farxiyo Maxamed Kheyre waxay u aragtaa mid aan laga weecin karin jihadeeda.

“Waxaan ku dhashay dagaal kuna soo barbaaray. Waan ogahay sida ay u nugushahay una fogtahay nolol wanaagsan. Khilaafaadka ayaa beddelay qaab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed. Kooxaha jilicsan sida haweenka ayaa la sii gacan bidixeeyey. Walina waan la kulmayaa aniga oo ah suxufi dheddig ah. Tani waa waxa igu kaliftay in aan saxafiyad noqdo markii ugu horreysay - taas oo aheyd, in aan sheego sheekooyinkooda - iyo hadda  oo aan u dhaqdhaqaaqo xuquuqda  gabdhaha weriyeyaasha ah, ”ayay tiri. "Waxaan u taaganahay xuquuqda saxafiyiinta haweenka ah, waxkasta oo ay igu qaadato."

Iyadoo jirta da'da 27, Ms. Kheyre waxay leedahay khibrad badan oo ay ka heshay qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn Soomaaliya. Waxaa ka mid ah xarumaha HornAfrik, Capital Voice Radio, Raadiyaha iyo Telefishinka Shabelle  Somsat TV, Goobjoog Media Group iyo COSOB Magazine.

Sida hablo badan oo warbaahinta kujira oo kale, waxay la kulantay caqabado intii ay waddadan ku soo jirtay, taas oo ka bilaabatay dugsi-dhigashadeedii magaaladeedii Muqdisho, iyo qaadashadeedii shahaadada koowaad ee Maamulka Bulshada iyo Hoggaaminta. Waxay heshay shaqadeedii warbaahinta ee ugu horreysay iyadoo jirta 15 sano 2008-dii.

Wixii markaas ka dambeeyay, waxaa inta badan lagu dhiirigeliyay inay ka tagto saxaafadda, si ay u ilaaliso sumcadeeda iyo ammaanna u hesho.

“Sababtuna waxa ay aheyd waxaan ahaa weriye xilligii ciidamada Itoobiya ay soomaaliya ku sugnaayeen 2008-dii. Waxay ahayd xilligii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga (ICU), dowladda iyo ciidammada Itoobiya dagaal aad u xoog badan ku galayeen Muqdisho. Waxay ahayd waqtigii ugu adkaa ee suxufi laga noqdo Soomaaliya, ayay tiri.

"Weriye ahaan waqtigaas, way adkeyd in la noqdo dhexdhexaad," ayay raacisay. “Soomaali badan oo aan waxba galabsan ayaa la dilay. Ma aqaano si aan u sharraxo; waxay ii ahayd waayo-aragnimo naxdin ii leh sidoo kale.”

Ixtiraam la’aanta nolosha bini’aadamka oo ay la kulantay ayaa si qoto dheer u taabtay: “Waxay ahayd xilli ay Soomaaliya ka jireen xadgudbayo xuquuqda aadanaha ah. Wixii aan arkay waxay igu dhalisay inaan si qoto dheer uga fekero waxa ay I tustay shaqadii aan  doortay ee weriyenimo. Haa, waxaan qayb ka qaatay u adeegidda bulshada, laakiin waxaan dareemay inay tahay inaan waxbadan qabto.”

Marka laga soo tago suurta-galnimada qalalaasaha - Mid bartilmaamed ah iyo mid aan toos ahaynba - waxaa soo wajahay caqabado badan shaqadooda xirfadleyda warbaahinta waqtigaas, caqabadaha kale ee ay la kulmeen suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa la'aanta nidaam caddaalad oo xoog leh oo difaacaya xuquuqdooda.

Waxay u horseeday Farxiyo inay aas-aasto Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed (SWJ) 2013, ururkii warbaahinta ee ugu horreeyay ee si gaar ah uga hadliya xuquuqda saxafiyiinta haweenka ah ee ku nool dalka, isla markaana hiigsaneysa horumarinta awoodahooda qeybta warbaahinta. SWJO wuxuu hadda ka koobanyahay 157 xubnood oo dalka oo dhan ah.

COVID-19 iyo Soomaaliya

Faafida Coronavirus ee dalka ma aha oo kaliya inay cabsi ku heysa shacabka iyo cadaadiska saaran dowladda, laakiin waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay warbaahinta. Saxafiyiintu waxay noloshooda halis u geliyaan si ay uga warbixiyaan fayraska iyaga oo aan heysan wax ka ilaaliya cudurka. Waa jira kiisas saxafiyiintu aysan u adeegsanin marada wejiga lagu xirto iyo waxyaabaha kale ee ilaalin kara si ay uga soo waramayaan goobaha dadku ay isgu soo aruuraan sida qabuuraha.

Xoriyadda saxaafadda ayaa sidoo kale dhowaan la kulmeysay weerarro. Saxafiyiinta waa la xiraa, ama loo caga-jugleeyaa marka ay tabinayaan cudurkan faafa.

“Waxaan rumeysanahay in xilligan dhibaatooyinka jiraan weriyayaashu ay yihiin kuwo  bixinaya macluumaad sax ah oo la isku halleyn karo. Saxafiyiintu waxay u taagan yihiin inay ka hortagaan xogaha marin habaabinta ah ee warbaahinta bulshada ama xitaa bulshada dhexdeeda. Waxaan ka codsanayaa mas'uuliyiintu inay ixtiraamaan oo aysan kadeedin, sababtoo ah waxay u taagan yihiin runta. Saxafiyiinta sidoo kale waa inay dhawraan heerarka xirfadeed iyo anshaxa, ”ayey tiri Kheyre.

Iskaashiga caalamiga ah

SWJ  shaqadeeda waxaa aqoonsaday qaar ka mid ah saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana jirta taageero ay ku bixiyeen hormarinta warbaahinta.

“Waxaan la shaqeynayey hay’adda Saxaafadda taageerta ee IMS iyo Machadka Warbaahinta FOJO (IMS-Fojo) tan iyo 2016,  sanadahaas oo dhan waxay ku guuleysteen inay naga taageeraan dhinacyo kala duwan, sida awood-dhisidda,  baahiyaha cilmi- baaris iyo horumarineed ee saxafiyiinta haweenka ah. Xaqiiqdii, waqtigaas, mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee ay gaareen SWJ iyo IMS-Fojo waxay ahayd qabyo-qoraalka "Baaqa Ixtiraamka Jinsiga,” Kheyre ayaa tiri.

Dukumintiga, oo ay saxiixeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaaliya, ayaa u ololeynayey baahida loo qabo ixtiraamka xuquuqda haweenka ee warbaahinta ku jira. Waxaa ku jiray baaq ah in gabdhuhu helaan mushahar la mid ah kan ragga, fasaxa umusha, iyo in la joojiyo dhiig-miirashada galmada ee goobaha shaqada.

“Waxaan sidoo kale soo gabagabeynay daraasadii ugu horreysay ee ku saleysan  Jinsiga inagoo gacan ka heleyna IMS-FOJO. Daraasaddu waxay diiwaangelisay sinnaan la'aanta ka dhaxaysa ragga iyo dumarka shaqaalaha ka ah warbaahinta ee Soomaaliya, waxayna sidoo kale horseed u noqotay in la ogaado caqabadaha haysta suxufiyiinta haweenka ah ee goobta shaqada, ”ayey tiri madaxa SWJ.

Iyadoo qayb ka ah dadaalkooda ugu weyn ee lagu taageerayo horumarka warbaahinta ee Geeska Afrika, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay sidoo kale kala shaqeeyeen SWJ labadii sano ee la soo dhaafay tababarro ku saabsan mowduucyo ay ka mid yihiin u qorista telefishanka iyo raadiyaha, warbaahinta dhijitaalka ah iyo habka sheeko sheegista, iyo sidoo kale warar ka sameynta deegaannada aan xasillooneyn iyo sida loo sameeyo gargaarka degdegga ah.

“Waxaan u maleynayaa in saxafiyiin xirfad iyo heer sare ah ay muhiim u yihiin soo gudbinta sheekooyinka wanaagsan ee dalkan dib u dhismaya. Runtii aad ayaan u qadarinay, ”ayay tiri Farxiyo Kheyre.

Soomaaliya ayaa si weyn loogu aqoonsan yahay inay tahay meel khatar ku ah suxufiyiinta. Sida ay sheegtay Amnesty International, saxafiyiinta ayaa la garaacaay, loo hanjabay, loo geystey xarig aan sabab lahayn iyo cabsi gelin ku hayaan masuuliyiinta, oo ay ku jiraan booliiska, militariga iyo mas'uuliyiinta kale oo dowladda ku jira. Intaa waxaa u dheer, Al-Shabaab waxay bartilmaameedsatay saxafiyiinta, iyadoo ku heysa weriyeyaasha cabsi gelin iyo hanjabaad. Warbixin dhowaan ay soo saartay kooxda u doodda saxaafadda, waxay ku baaqday in waxbadan la qabto xaqiijinta ixtiraamka, ilaalinta, kor u qaadista iyo fulinta xaq u lahaanshaha xorriyadda hadalka, iyo xorriyadda saxaafadda ka hor, ka dib iyo inta lagu guda jiro doorashooyinka ' qof, iyo codka' ah ee dalku uu galayo.

Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka

Qaramada Midoobay waxay taageeraysaa horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyada oo loo marayo wada shaqeynta ay la leedahay ururada kala duwan ee warbaahinta. Qaramada Midoobay waxay rumeysan tahay in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aasaasiga ah ee aadanaha, sida ku xusan qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, waxayna u aqoonsatay 3 May inay tahay Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka.

Hal ku dhigga sanadkan ee maantan waa ‘Warbaahin aan cabsi iyo eex lahayn,"iyadoo la raacayo qodobbada hoos ku xusan: badbaadada haweenka iyo ragga saxafiyiinta ah ee  ka shaqeeya warbaahinta , saxaafadda madaxa-bannaan iyo xirfadlayaasha madax bannaan ee  ka xorta ah saameynta siyaasadeed iyo ganacsiga, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta.

Sida laga soo xigtay hey’adda Qaramada Midoobay u qeybsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), xorriyadda saxaafadda iyo marin u helka macluumaad ee dhanka  horumarka iyo awoodsiinta dadka waa geeddi-socod bulsho iyo mid  siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, taas oo ka caawisa dadka inay ku maareeyaan noloshooda.

UNESCO waxay sii wadaysaa inay caddeyso in tan lagu gaari karo kaliya helitaanka macluumaad sax ah, cadaalad ah oo aan eex la heyn, kana wakiil ah fikradaha badan, iyo qaababka sida firfircoon loogu wada xiriiro hababka kala duwan, iyadoo laga qeyb galayo nolosha bulshada.