Guud ahaan Soomaaliya oo looga dabaal dagay Maalinta Dhalinyarada

15 May 2021

Guud ahaan Soomaaliya oo looga dabaal dagay Maalinta Dhalinyarada

Baydhabo/Kismayo/Moqdisho – Dhalin yarada ayaa tiro badan ku soo baxay si ay u dabaal-dagaan xuska sanadlaha ah ee maalinta dhalin yarada Soomaaliyeed, kaasi oo ah u dabaal-degga ururkii gabonimo doonkii soomaaliyeed ee [SYL] islamarkaana ahaa ururkii siyaasadeed ee ugu horeeyay Soomaaliya. SYL oo la aas-aasay 1943-dii  waxaa ka soo qayb qaatay halgalinkii gobanimo doonka dalka. 

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku biiray kumanaan dhalinyaro ah oo socod ku soo maray waddooyinka caasimaddda isagoo ubaxyo lagu sharfayo halyeyaashii gobanimada dhigay taalada (SYL ee bartamaha Moqdisho.

Isagoo la hadlayay dhalinyarada ayaa madaxwaynaha waxaa uu yiri  “ Fariinta aan haayo manta waa mid aan dhalinyarada uga dalbanayo inay dhistaan dalkooda. Dalka ma sugayo cid aan idinku ahayn. Waa inaad labo jibaartaan dadaalkiina. Dhalinyarada aas-aasay SYL 72 ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u huray si dalka madaxbanaani uu u helo ayagoo rumaystay riyooyinka sare. Waxaan idinka dalbanayaa inaad waddadooda qaadaan kana shaqaysaan hormarinta dalka”.

In ka badan 70 boqonkiiba dadwaynaha Soomaaliya waxaa ay da’dooda ka yar tahay 30-ka sano; ayadoo natiijooyinka laga dhaxlay dagaalladii, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ay wajaheen/ wajahayaan caqabado ay kamid yihiin shaqo la’aan iyo waxbarasho la’aan.  

Dhanka kale, doodo ay hogaaminayeen dhalinyarada ayaa lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Moqdisho si loo muujiyo muhiimadda ay leedahay ka qayb galka dhalinyarada ee geedi-socodka iyo wada hadallada siyaasadeed heer gobal iyo heer Qaranba. Kulamada ka dhacay seddexdaasi magaalo ayaa waxaa taageeray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya {UNSOM], Dowladda Fidiraalka ah, dowlad gobaleedka kumeel gaarka ah ee Jubalanad iyo dowlad gobaleedka KMG ah ee Koonfur galbeed.

Wada hadal arintaas looga hadlayay oo lagu qabtay guriga martada universal ee Moqdisho waxaa soo aas-saasay xarunta awoodsiinta iyo hormarinta dhalinyarada ee (CYED), ‘ Maanta waa maalin ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed’ Agaasimaha howlgalada CYED Axmed Cusmaan Maxamed ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in sare loo qaado wacyi-galinta dhalinyarada si loogu dhiira galiyo inay ku lug yeeshaan arimaha Qaran.

“ Ajandaha aan halkan ku haayno waa kaalinta dhainyarada ee hiigsiga 2016, sababta oo ah dhalinyarada ayaa ah kuwa ugu way nee hiigsiga 2016 shakina kuma jiro sida ay muhiim u tahay kaalintooda hiigsiga. Marka ujeedadu waa fahanka kaalinta dhalinyarada 2016-ka sida arimaha fidraaliisamka iyo dimuqraadiyaynta taasi oo na gaarsiin doonta doorashada 2016-ka, dib u eegista dastuurka iyo arimo badan,” ayuu yiri Maxamed.

Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo ah lataliye sare dowladda Fidraalka Soomaaliya u qaabilsan dhinaca isgaarsiinta iyo mid ka mid ah dadka ka hadlay doodaha dhalinyarada Moqdisho, ayaa ku tilmaamay doodaha inay yihiin kuwo wax ku ool ah islamarkaana soo jiidasho leh. “ waan ku farxay inaan arkay doodaan, wada xaajooyada, su’aalaha lasoo bandhigay waa kuwo dhab ah oo ku aadan waxaa ay dowladdu ay qabanayso oo ku aadan awoodsiinta dadka da’da yar si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashooyinka ; nooca doorashada qabsoomi doonta, dhammaantood waa laga dooday waxaana la isku raacay inay dhalinyadu doodaha ay sii wadaan dhacdadaan ka dib” ayuu intaasi ku daray.

Magaalada koonfureed ee dekadda leh ee Kismaayo dhacdada waxaa dhex-dhexaadinaya ku xigeenka hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubland Cabduqaadir Lugadheere kaas oo dhalinyarada ka dalbaday inay si xoog leh uga shaqeeyaan dib u dhiska dalkooda. ”  Waan idin ka mahad cilinayaa shaqada adag dhalinyarada gobalkaan waxaana u hambalyaynayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed kuwaas oo qaaday waddada nabadda iyo xasaloonida. Waxaad tihiin mustaqbalka Soomaliya” ayuu yiri. 

Magaalada Baydhabo, ugu yaraan 300 oo dhalinyaro ah ayaa isugu soo baxay xarunta baarlamaanka dowlad gobaleedka KMG ah ee Koonfur galbeed si ay ugu dabaal-degaan maalinta. Munaasabadda waxaa hormuud ka ahaa wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Cabdullaahi Cabdi Cumar oo yiri “ aad ayaan ugu faraxsanahay inaan magaalada Baydhabo ugu dabaal degnay maalinta dhalinyarada. SYL waxaa ay cadayn u tahay haddii fursad la siiyo dhalinyarada inay isbadel keeni karaan. Waxaan dhalinyarada ku buraarujinayaa inay waqtiga ka faa’idaystaan talona ka qaataan SYL,”

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa madaxa xafiiska UNSOM Vikram Parekh,oo tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay in kaalin wax ku ool ah ka ciyaaraan dalkooda dhianacyada Dhaqaalaha iyo hormarinta siyaasadda. 

“ Ayadoo laga dooliyo in Soomaaliya marka gaarto daganaasho siyaasadeed ka dib dagaaladii 20-kii sano lasoo dhaafay,  aad ayay muhiim u tahay waliba si kadaran sidii hore fahanka kaalinta dhalinyarada dalka” ayuu yiri Parekh.