Hadalkii uu Xoghayaha-Guud ee QM ka jeediyay Shirweynaha London ee Arrimaha Soomaaliya (sidii loo jeediyay)

11 May 2017

Hadalkii uu Xoghayaha-Guud ee QM ka jeediyay Shirweynaha London ee Arrimaha Soomaaliya (sidii loo jeediyay)

Mudanayaal,

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Waxaan halkan u joognaa taageerada Soomaaliya oo maraysa marxalad murugsan isla markaasina rajo leh. Waxaana aaminsanahay in Soomaaliya uu mustaqbalka dhow ka soo yeeri doono war lagu farxo oo aan aad u danaynayo haddii aan nahay beesha caalamka iyo dadyowga ku nool dunidan qasan.

Waxaan u mahad celinayaa Boqortooyada Midowday ee UK, iyo weliba sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxadmed Farmaajo oo si wadajir ah u marti-geliyay shirweynahan.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahad celinayaa hogaanka Midowga Afrika iyo hawsha muhiimka ah ee AMISOM. Guddoomiye Faki waxaan uga mahad celinayaa ku-biiritaanka uu nagu soo biiray maanta.

Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare Khayre, golaha wasiirada cusub iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Federaalka, waxaana ku bogaadinayaa rabitaankooda siyaasadeed ee ah inay si wadajir ah ugu shaqeeynayaan Soomaaliya.

Sida dhammaanteenba aan uga naxnay, waxaan aad uga naxay geeridii naxdinta lahayd ee todobaadkii la soo dhaafay ku timid Wasiirkii Hawlaha Guud, Cabbaas [Cabdullaahi Sheekh] Siraaji. Wuxuu ku soo barbaaray xero qoxooti wuxuuna u sii dallacay inuu astaan xooggan u noqdo rajada mustaqbalka Soomaaliya. Geeridiisa naxdinta lahayd waa in aanay wax u dhimin go’aamadeenna ku aaddan xaqiijinta rajadaas.

Taa bedelkeeda, waa in naf-hurnimadiisii ay dhammaan dadka Soomaaliyeed ku dhiirri-gelisaa joogtaynta hanka loo qabo wadajirka, dhiirigelinta haweenka, dhalinyarada, dadka laga tirada badanyahay, horjoogayaasha ganacsiga iyo dhammaan xubnaha bulshada, waana in ay annaga nagu dhiirri-gelisaa taageerada dadaalkaas.

Matalaadda sida muuqata loo kordhiyay ee haweenka iyo dhalinyaradu ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka waxay tusineysaa dhabbaha wanaagsan oo ay Soomaaliya ku socoto.

Waxaan halkan u joognaa in aan dhageysanno madaxda Soomaaliyeed – oo aan isla meel dhigno hanaan wadashaqayn

Fursaddan qaaliga ah ee lagu amba qaadayo horumarka waxay ku timid oo mahaddeedana iska leh waxqabadka geesinimada iyo naf-hurnimada leh ee ragga iyo dumarka AMISOM. Waxaan doonayaa inaan bogaadin u diro.

Laakiin waxaa kale oo aan rabaa inaan sheego inaan booqday Soomaaliya dhowr jeer. Waxaan tagay magaalada Muqdisho dhowr jeer waxaana igalbinayay [ciidamada] AMISOM. Waxaan soo arkay xaaladaha khatarta ah ee askarta AMISOM [ku hawlgalaan] iyagoo aan ilaalinaynin Soomaaliya oo kaliya, laakiin sidoo kale ilaalinayaan amaanka dunideena.

Waxaan xasuustaa mar ay Al-Shabaab ka talinayeen kalabar magaalada Muqdisho. AMISOM ma heysanin diyaaradaha qumaatiga u kaca, qalabka habeenki wax lagu arko, iyo gawaarida gaashaaman, waxayna ahaayeen kuwo u nugul hubka Al-Shabaab. Iyadoo sidaas ahayd, ayaa askarta AMISOM, oo rag iyo dumarba leh, iyo booliska AMISOM la dagaallameen si ay u difaacaan/ilaaliyaan amaanka dunideena.

Waxay qabanayeen hawshaas iyagoo fulinaya hawsha uu u igmaday Golaha Amaanka, iyadoo aanay jirin taageero ku filan iyo dhaqaale la isku hallayn karo. Waxay ila tahay in la joogo waqtigii si dhab ah loo raadin lahaa habab suurto-gal ah ee lagu maal-geliyo AMISOM – Aniga laftayda waxaan doorbidayaa in laga baaraan-dego suurto-galnimada in qayb kamid ah lacagta ay bixiyaan waddamada xubnaha ka ah lagu bixiyo, ugu yaraan, qaybo ka mid ah dadaallada AMISOM.

Waan ogahay in Midowga Afrika uu bixiyo qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxa hawlgalladiisa laakiin tani waa hawl la rabo inaan xallino si AMISOM u hesho tayada ay u baahantahay ee lagu abuurayo jawi u ogolaanaya Dowladda iyo hay’adaha amniga Soomaaliya ee cusub inay marka ugu dambeeysa la wareegaan mas’uuliyadda amni ee dalkooda

Mudanayaal,

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Dad ka badan lix malyan ayaa u baahan gargaar – ama ku dhowaad kalabar tirada dadka [dalka]. Carruur nafaqa-darraysan oo tiradooda lagu qiyaaso 275,000 ayaa qarka u saran inay gaajo u geeriyoodaan.

Waxaan tagay Soomaaliya bishii Maarso waxayna ahayd booqashadii iigu horreeysay ee aan ku tago goob ka baxsan xarunta markii aan noqday Xoghayaha-Guud waxaana soo arkay caqabadaha jiray. Soomaaliya waa inay dib u dhistaa amniga, sare u qaaddaa daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, wax ka qabataa abaaraha cuuryaamiyay, kana hortagtaa macluul.

Laakiin waxaan soo arkay fursad looga sii amba qaadi karo dardar-gelintii geedi-socodka doorashada laguna gaarayo xasillooni waarta.

Waxaan haysannaa jawi aan ku hagaajin karno amniga, oo aan ku sii ballaarin karno nidaamka federaalka, kuna xallin karno khilaafaadka harsan kuna sii amba-qaadi karno dib u heshiisiinta, markaas kadibna lagu dhammaystirayo dib u eegista Dastuurka.

Muhiimadda ugu weyn waa abaarta. Subaxnimadan saakay, waxaan soo bandhignay Qorshaha Gurmadka Abaaraha ee dib u habaynta lagu sameeyay, kaas oo lagu dalbanayo $900 malyan oo dheeraad ah ilaa iyo dabayaaqada sanadkan.

Sidoo kale, waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno dhibaatada ka dhalatay is-bedelka cimilada iyo colaadaha.

Run ahaantii, dagaalladu waxay sii baabi’inayaan Soomaaliya. Xadgudubyada ka-dhanka ah xuquuqul insaanka iyo xeerka caalamiga ah ee dagaallada ayaa dhacaan iyagoon aan sharciga lala tiigsan.

Weli waxaan arkeynaa Al-Shabaab oo qoranaysa carruur kuna fushaneysa daneheeda, iyo weliba carruur xabsi loo taxaabo iyagoo aan loo aaba-yeelin. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xadgudubka jinsiga/galmoodka ee baahay. Haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah, iyo xubnaha ka soo jeeda beelaha laga tirada badanyahay, ayaa ah kuwa aadka ugu nugul. Waxay u baahanyihiin badbaadin degdeg ah ee xuquuqul insaankooda.

Heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhexmaray madaxda siyaasadda Soomaaliya wuxuu dhidibbada u aasay Naqshadda Amniga Qaran. Waa inaan si ka wanaagsan [sidii hore] u taageernaa Heshiiska Amni iyo hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Mar kale, waxaan u baahannahay in aan xaqiijinno isku-xirkeenna ku aaddan taageerada Dowladda Soomaaliya ee ay ku dhisayso Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya. Ilaa iyo hadda waxa socdo waa dadaallo kala duwan oo waddamo kala duwan ay ku bixinayaan barnaamijyo tababar oo kala duwan oo lagu qabto goobo kala duwan oo dalka ka mid ah, taasi lama jaan-qadayso, mana abuurayso jawi ku habboon ciidan qaran oo mideysan iyo ciidan boolis oo mideysan. Waxaa la joogaa waqtigii laga bixi lahaa isku-xirnaan la’aanta. Waxaa la joogaa waqtigii hal barnaamij oo mideysan oo tababar loogu samayn lahaa ciidanka Soomaaliyeed iyo booliska Soomaaliyeed, barnaamijkaas tababar ee mideysan waxaa hormuud ka noqonaya hay’adaha Soomaaliyeed. Qaramada Midoobay waxaa si buuxda uga go’an inay taageerto sidii hawshaas loo fulin lahaa.

Waxaan soo dhoweynayaa Qorshaha Horumarinta Qaran oo ah kii ugu horreeyay tan iyo muddo laga joogo 35 sanno. Waxaa kale oo aan Dowladda ku amaanayaa dadaalkeeda ay sida horumarka leh ugu abuurtay, uguna xoojisay hay’ado dowladeed oo dhab ah.

Waxaan rajeynayaa in aan dhowaan arki doonno dal awood u leh ururinta canshuurihiisa, leh booliskiisa iyo ciidamadiisa amni, bixinaya adeegga asaasiga ah ee dadweynaha, damaanad qaadaya amaanka muwaadiniintiisa, isagoo hawlgelilnaya ciidamadiisa booliska iyo kuwa xoogga dalka. Dhammaanteen waa inaan taageernaa xaqiijinta aragtidaas.  Waxaan ii muuqda in mustaqbalka ay AMISOM si tartiib tartiib ah u kala dhimmi doonto dowrkeeda ka dib marka qaybaha ugu horreeya ee hay’adaha amniga qaranka ay si buuxda ugu hawlgalaan.

Waxaan saaxiibbada aan jaalka nahay ku boorrinayaa in taageeradooda ay ku jaan-gooyaan Qorshahaas. Taasi waxay Soomaaliya ka caawin kartaa inay gaarto horumar dhaqaale, soo saarto canshuur, yareyso ku-tiirsanaanta dhaqaalaha deeq-bixiyeyaasha, oo ay abuurto jawi looga cafin karo deymaha. Waxayna ila tahay in cafiska deymaha aanay ahayn su’aal muhiim u ah arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha oo kaliya – balse ay tahay su’aal khuseysa akhlaaqda iyo damiirka.

Jiilka hadda jooga ee carruurta Soomaaliyeed ee aan aragno inay ku noolyihiin duruufo adag, waxaa culeys ku sii noqday deynta tobaneeya sanno jirsatay ee soo martay marxalado aad u kala duwan, soona martay gacmo aad u kala duwan. Hadda waan ogahay inay jiraan dhowr arrimood oo farsamo oo u baahan in si dhab ah wax looga qabto. Waan ogahay cafiska deymaha in loo baahanyahay in la sii joogteeyo. Laakiin waxaan u baahannahay ballan-qaad siyaasadeed oo adag oo suurto-gelinaya in ay taasi dhacdo, abuurayana jawi ay beesha caalamku si aad u xooggan ugu taageeri karto horumarka.

Shirweynahan waxaa looga danleeyahay in lagu gaaro heshiis Iskaashi oo Cusub maadaama Soomaaliya ay gashay marxalad cusub.

Qaramada Midoobay waxay samayn doontaa wax kasta oo suurto-gal ah ee hawshan looga dhigayo billowga bog cusub oo barwaaqo joogto ah iyo nabad waarta ee ay Soomaaliya ku heli lahayd, taas oo dhammaanteen faa’iido noo wada ah.

Aad baad u mahadsantihiin.