Hawlgalka QM wuxuu ku baaqayaa in heshiis wadar-ogol ah laga gaaro Doorasho madaxweyne oo xaq ah, nabadna ku dhacdyo ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

7 Nov 2018

Hawlgalka QM wuxuu ku baaqayaa in heshiis wadar-ogol ah laga gaaro Doorasho madaxweyne oo xaq ah, nabadna ku dhacdyo ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Dhacdooyinka soo shaac baxayay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, oo ay ka midyihiin kala-qaybsanaanta u dhexeysa dhinacyada ay arrintu ka dhexeyso, ka-hor doorashada madaxweyne ee ku soo fool leh Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa suurtagal ka dhigi kara inay rabshado horseedaan. Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada iyo dadka hawshu khusayso inay ka wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo in geedi-socodkan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin uu horay ugu sii socdo si waafaqsan xeerarka u degsan loogana fogaado hab dhaqan kasta ee horseedi kara colaad ama wiiqi kara hufnaanta geedi-socodka doorashada.

“Iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu horeysay doorashooyin taxane ah oo lagu qabanayo dalka oo dhan – heer gobol sannadka soo socda iyo heer qaran sannadka 2020 – waxaa jirta baahi dhab ah oo loo qabo in hab lagu daydo loo dejiyo geedi-socodyo doorasho lagu kalsoonaan karo oo nabdoon,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Waxaan garwaaqsanahay in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay muujiyeen rajo iyo walaacyo kuwan la mid ah bishii Nofembar 2016 intii lagu guda jiray doorashooyinkii baarlamaanka federaalka dalka, markaas oo ay ugu baaqeen dhammaan dadka ay hawshu khuseysay inay ka wada-shaqeeyaan si loo xaqiijiyo natiijooyin wanaagsan.”

“Waxaan ku kalsoonahay, annagoo sii haynayna hab-dhaqankooda, in madaxda Soomaaliyeed ay xal u heli doonaan arrimaha ku xeeran geedi-socodkan doorashada, iyagoo u maraya wadahadal. Geedi-socod doorasho oo daah-furan, oo haysta is-faham baaxad leh oo laga gaaro xeerarka lagu maamulayo qabsoomideeda, kana madax banaan wax-is-dabamarin wuxuu xoojin karaa oo kaliya in si mug leh oo ballaaran loo aqbalo natiijooyinka, lagana fogaado isku-dhacyo rabshado wata oo dhaca inta ay socoto doorashada iyo ka dib,” ayuu raaciyay Mudane Haysom, oo sidoo kale ah madaxa UNSOM.

Baarlamaan goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in uu qabto doorasho madaxweyne 17ka Nofembar. Doorashooyin la mid ah ayaa ka dhici doona Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland sannadka 2019.